Ra’iisal wasaare Rooble oo lagu soo dhoweeyay magaalada Baraawe

Baraawe- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baraawe ee caasimadda Dowlad-goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wefdigiisa waxaa garoonka Baraawe ku soo dhaweeyay madaxweynaha Koofur galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, guddoomiyaha Baarlaamka Koofur galbeed Cali Saciid Faqi iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan.

Waxaa safarkiisa ku wehliya wasiirro, xildhibaanno, guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) iyo mas’uuliyiin kale.

Socdaalkan Ra’iisul Wasaaraha ayaa ujeedkiisu yahay in uu u kuur galo xaaladda guud ee degmada Baraawe ee amniga iyo adeegyada bulshada, isagoo inta uu magaladaas ku sugan yahay la kulmi doona shacabka iyo mas’uuliyiinta kala duwan ee degmada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale, kormeeri doona goobaha ay ka dhici doonto doorashada Golaha Shacabka oo ay Baraawe ka mid tahay magaalooyinka martigelin doona.

Ra’iisal wasaare Rooble oo kormeeray garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeeray garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, isagoo u kuur galay habsami u socodka howlaha garoonka, ka hor intii uusan socdaal ugu ambabixin magaalada Baraawe.

Ujeedka kormeerka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ahaa mid uu ugu guur galayay howlaha baaxadda leh ee ka socda garoonka, isagoo kormeeray qeybaha kala duwan ee garoonka. wuxuuna xog wareystay bulshadii Soomaaliyeed ee xiligaas loo adeegayay.

Sidoo kale, Ra’iisal wasaare Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa umba-baxay magaalada Baraawe, halkaas oo kaga sii horeeyo madaxweynaha Koonfur galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.

Maamulka Gobolka Banaadir Oo Kordhinaya Quruxda Iyo Dhismaha Wadooyinka Caasimadda!

Maamulka degmada Dharkeenley ayaa sheegay in ay bilaabayaan wejiga labaad ee dhismaha laamiga isku xira xarunta degmada iyo Isgooska Xoosh ee magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha degmada dharkenleey Mudane Guhaad Shiikh Xasan Cali ayaa dhinaca kale Maanta kormeeray ololale nadafaded oo ka socday qeybo ka mid ah laamiyada degmada, waxa uuna Haweenka uga mahadceliyey sida ay Maamulka u garab taagan yihiin.

Sidoo kale Maamul gobolka Banaadir ayaa Wacad Ku maray in xoojinayo dhismaha wadooyinaka caasimadda, waxayna tallaabadan ay qaadeen maamulka degmada Dharkeenley ka dib cabasho ka timid shacabka degmadaas.

 

Qaramada Midoobay Oo Ka Xumaatay Go’aanka Itoobiya Ee Lagu Ceyriyay 7dii-sarkaal.

Dowladda Itoobiya ayaa amar ku bixisay in dalka laga saaro toddobo sarkaal oo oo ka tirsan Qaramada Midoobay,sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda maalinimadii shalay.

Grant Leaity, ku -xigeenka isku -duwaha arrimaha bani’aadanimada ee OCHA, iyo Adele Khodr, oo ah wakiilka UNICEF ee Itoobiya, ayaa ka mid ahaa kuwa la eryay.

Xukuumadda Itoobiya ayaa saraakiiisgaasi ku eedeeyay in ay wadeen faragalin,waxayna u aqoonsatay in ay yihiin kuwo aan u qalmin shaqada ay u hayaan Qaramada Midoobay( persona non grata).

Dowladda Itoobiya waxay amar ku bixisay in muddo 72 saac gudohood ah ay ku baxaan  shaqaalahaasi ka tirsan Qaramada Midoobay .

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa sheegay in uu ka naxay cayrinta saraakiishaasi,sida uu ku waramay afhayeenka Qaramada Midoobay Stephanie Tremblay.

Maamulka gobolka Banaadir oo xoojinaya bilicda iyo dhismaha wadooyinka caasimadda

Maamulka degmada Dharkeenley ayaa sheegay in ay bilaabayaan wejiga labaad ee dhismaha laamiga isku xira xarunta degmada iyo Isgooska Xoosh ee magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha degmada dharkenleey Mudane Guhaad Shiikh Xasan Cali ayaa dhinaca kale Maanta kormeeray ololale nadafaded oo ka socday qeybo ka mid ah laamiyada degmada, waxa uuna Haweenka uga mahadceliyey sida ay Maamulka u garab taagan yihiin.

Maamul gobolka Banaadir ayaa xoojinaya dhismaha wadooyinaka caasimadda, waxayna tallaabadan ay qaadeen maamulka degmada Dharkeenley ka dib cabasho ka timid shacabka degmadaas.

Wasiirka Gaashandhigga XFS oo ka qeyb- galay Munaasabad lagu dhaarinayay Saraakiil & Saraakiil Xigeeno Ciidamada Kumaandooska XDS ee gorgor.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ahna Senator ka la doortay Avv.Xasan Xuseen Xaaji ayaa Maanta ka qeybgalay Munaasabad lagu Dhaarinayay Saraakiil, Saraakiil Xigeenno iyo Cutubyo ka tirsan Ururka 10aad Ee Kumaandooska GORGOR.

Munaasabadda Sidoo kale Waxaa ku sugnaa Saraakiil ka tirsan CXDS , Taliska Xarunta Tababarada Ciidanka Ee Turkisom iyo Masuuliyiin ka socotay Safaaraadda Turkiga Ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Magacaabay Guddiga Qaban Qaabada Sanad Guurada 5-Aad Ee Hirshabeelle

Mudane Cali Guudlaawe Xuseen  Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle  ayaa Magacaabay Gudigga Qabanqaabada Sanad Guurada 5-aad ee ka soo wareegatay dhismaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Guddiga oo ka kooban 15 Xubnood ayaa isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle, kuwaasi oo ka shaqeyn doono qaban qaabada xuska sanad guurada 5-aad ee Hirshabeelle, taasi oo lagu wado inay ka qeyb galaan Madax kala duwan oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka.

Saraakiisha Degmada Burtinle Oo Soo Dhaweeyay Dadkii Ay Soo Tarxiileen Maamulka Soomaliland

Maamulka Dagmada Burtinle ee Gobalka Nugaal ayaa sheegay inay soo gaareen dagmadaasi 10 Gaari oo siday dadkii laga soo raafay magaalada Laascaanood ee Gobalka Sool.

Maamulka degmada iyo qaybaha bulshada oo wada jira ayaa u istaagay soo dhawaynta iyo caawinta dadka la soo musaafuriyay oo u badan Haween iyo carruur.

Saraakiil ka tirsan Maamulka Burtinle ee Puntland oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay gurmad beni’aadanimo u fidiyeen dadka Walaalahood ee soo gaaray Degmada.

Dowladda Soomaaliya ayaa cambaareysay falkii maanta muwaadiniin Soomaaliyeed looga soo musaafuriyay qeyb ka mid ah dhulka Soomaaliyeed,kuna tilmaantay fal xaaraan ah oo ka baxsan Bini’aadminimada

Madaxweynaha Dalka Argentiin Oo Laga Helay Karoona Fayras

Madaxweynah dalka Argentine Alberto Fernandez ayaa sheegay in laga helay cudurka safmareenka ah ee karoona Fayras.

Madaxweynaha ayaa kusoo qoray bartiisa  Twitter-ka: “Waxaan dareemay xanuun kadibana waxaa leyga baaray covid19, waana layga helay” aniga oo aan filanayn cudurkaas

Cuduro kale ayaan moodayey in waxa i haaya ay yihiin,laakiin waa xaqiiq in Cov-`19 uu jirkayga ku jiro

Madaxweyne Alberto Fernandez  ayaa intaas ku daray inuu hadda ku jiro karantiil, shaqadiisana kala socon doono qalabka la iska arko.

Madaxweyne Fernandez waa 62 jir, wuxuuna billaawgii sanadkaan qaatay  tallaalka Ruushka  ee “Sputnik V” .

Ra’iisul wasaare Rooble oo kullan la qaatay guddiga amniga Doorashooyinka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan looga hadlayay u diyaar garowga Sugida Amniga doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka la qaatay Guddiga amniga doorashooyinka, kuwaas oo isugu jira Taliyeyaasha Booliiska heer Fedaraal iyo heer dowlad goboleed, Booliska AMISOM iyo Booliska UNka oo ka taageera dhinacyada farsamada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahad celiyey guddiga amniga doorashooyinka sidii ay uga qeyb qaateen sugidda amniga doorashooyinkii Aqalka Sare, isagoo kula dardaarmay in ay sii wadaan dadaalkooda wadajirka ah ee ku aadan sugidda ammaanka ergooyinka iyo dhinacyada ku howlan hirgelinta doorashada.