Madaxweynaha Dalka Argentiin Oo Laga Helay Karoona Fayras

Madaxweynah dalka Argentine Alberto Fernandez ayaa sheegay in laga helay cudurka safmareenka ah ee karoona Fayras.

Madaxweynaha ayaa kusoo qoray bartiisa  Twitter-ka: “Waxaan dareemay xanuun kadibana waxaa leyga baaray covid19, waana layga helay” aniga oo aan filanayn cudurkaas

Cuduro kale ayaan moodayey in waxa i haaya ay yihiin,laakiin waa xaqiiq in Cov-`19 uu jirkayga ku jiro

Madaxweyne Alberto Fernandez  ayaa intaas ku daray inuu hadda ku jiro karantiil, shaqadiisana kala socon doono qalabka la iska arko.

Madaxweyne Fernandez waa 62 jir, wuxuuna billaawgii sanadkaan qaatay  tallaalka Ruushka  ee “Sputnik V” .