Ra’iisul wasaare Rooble oo kullan la qaatay guddiga amniga Doorashooyinka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan looga hadlayay u diyaar garowga Sugida Amniga doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka la qaatay Guddiga amniga doorashooyinka, kuwaas oo isugu jira Taliyeyaasha Booliiska heer Fedaraal iyo heer dowlad goboleed, Booliska AMISOM iyo Booliska UNka oo ka taageera dhinacyada farsamada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahad celiyey guddiga amniga doorashooyinka sidii ay uga qeyb qaateen sugidda amniga doorashooyinkii Aqalka Sare, isagoo kula dardaarmay in ay sii wadaan dadaalkooda wadajirka ah ee ku aadan sugidda ammaanka ergooyinka iyo dhinacyada ku howlan hirgelinta doorashada.