Maamulka Gobolka Banaadir Oo Kordhinaya Quruxda Iyo Dhismaha Wadooyinka Caasimadda!

Maamulka degmada Dharkeenley ayaa sheegay in ay bilaabayaan wejiga labaad ee dhismaha laamiga isku xira xarunta degmada iyo Isgooska Xoosh ee magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha degmada dharkenleey Mudane Guhaad Shiikh Xasan Cali ayaa dhinaca kale Maanta kormeeray ololale nadafaded oo ka socday qeybo ka mid ah laamiyada degmada, waxa uuna Haweenka uga mahadceliyey sida ay Maamulka u garab taagan yihiin.

Sidoo kale Maamul gobolka Banaadir ayaa Wacad Ku maray in xoojinayo dhismaha wadooyinaka caasimadda, waxayna tallaabadan ay qaadeen maamulka degmada Dharkeenley ka dib cabasho ka timid shacabka degmadaas.