Ku-simaha Madaxweynaha Dowladd Goboleedka putlaand Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta kulan la qaatay xubno ka mid ah Golaha Wasiirada
Wasaaradda Waxbarashada XFS oo ka jawaabtay Cabashadda Macalimiintii saxay Imtixaanka dowlada
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare Soomaaliya ayaa Qoraal ay maanta soo saartay ku sheegtay in ay wasaaradda dadaal dheer ugu jiraan helida xaquuqda macalimiinta iyo kuwii saxay Imtixaanka, isla markaana ay uga maqan tahay dhinaca Wasaaradda Maalliyadda
Qoraal kooban oo kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya ayaa marka hore loogu mahad celiyay macallimiinta had iyo jeer u taagan tayeenta waxbarashada ubadka soomaaliyeed gaar ahaan dajinta, ilaalinta iyo saxida imtixaanka qaranka ee sanad kasto ay qaado Wasaaradda Waxbarashada.
“waxay dadaal dheer ugu jirtaa sidii xuquuqdooda ay u heli lahaayeen macalimiinta u dhabar adeegay ka qeyb-qaadashada imtixaanka qaranka waxayna jawaab ka sugeysaa dhigeeda Wasaaradda Maaliyadda annagoo rajeyneyna in dhawaan aad heli doontaan xaquuqdiina ku aadan saxida iyo ilaalinta imtixaanka qaranka ayaa lagu iri” Qoraalka Wasaaradda Waxbarashada
Ra’iisul Wasaare Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u dhoofay dalka Qatar
Madaxwayne Farmaajo Iyo Wafdi uu hogaaminayo oo Addis ababa safar ugu baxay
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mohamed Abdullahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka u u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Madaxweynaha oo ay socdaalkiisa ku wehelinayaan xubno ka tirsan dowladda federaalka,waxaa ay booqashadiisu la xiriirtaa ka qeybgalka xaflad lagu maamuusaayo caleemo saarka Xukuumadda cusub ee Jamhuuriyadda Itoobiya.
Madaxweyne Farmaajo iyo wafdiga uu hoggaaminaayo,waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku sii sagotiyay mas’uuliyiinta labada gole iyo saraakiil ka tirsan ciidamada.
Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Maamul goboleedka Hirshabeele oo shaciyay in laqaban doono kuraasta harsan ee Aqalka Sare ku matalaya Hirshabelle
Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Maamul goboleedka Hirshabeele ayaa shaaciyay in maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 04/10/2021 Ladooran doono labadii kursi ee ka harsanaa Senitarada Aqalka Sare ku matalaya Hirshabelle.
Kursiga 1-aad ee Namberkiisu yahay #UH14 waxaa ku tartami doona sadexda musharax ee kala ah:-
- cabiqadir xanafi sh. Bashir
- Cali shacban Ibraahim
- Cabdalla cabdi Xuseen
Kursiga 2-aad ee Namberkiisu yahay #UH14 waxaa ku tartami doona sadex musharax ee kala ah:-
- Nacimo ibrahim Yusuf
- ZamZam cabdullahi Axmed
Labada Kuuriya oo dib u soo celiyey isticmaalka khadkii taleefoonada.
Kuuriyada Woqooyi iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa dib u soo celiyey isticmaalka isgaarsiinta ee khadka taleefoonada,iyagoo isweydaarsaday wadahadaladoodii ugu horreeyay tan iyo bishii Ogosto.
Wasaaradda mideynta Seoul ayaa saaka oo Isniin ah xaqiijisay in mas’uuliyiinta labada Kuuriya ay isweydaarsadeen taleefankoodii ugu horreeyay tan iyo bishii Ogosto.
Tallaabadan ayaa imaanaysa maalmo uun ka dib markii walaac caalami ah laga muujiyay tijaabooyin gantaal oo ee dhinaca Kuuriyada Woqooyi, taasoo dhalisay in kulan degdeg ah ay yeeshaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
.Magaalada Washington, afhayeen u hadlay waaxda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa sheegay inay si weyn u taageersan yihiin iskaashiga ka dhexeeya laba Kuuriya, wuxuuna ku tilmaamay khadadka taleefanada ee dib loo soo celiyay mid abuuraya jawi xasillooni oo ka hanaqaada gobolka.
Madaxwayne Farmaajo Iyo Wafti uu hogaaminayo oo Addis ababa safar ugu baxay
Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo ayaa u anbabaxay dalka Itoobiya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mohamed Abdullahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka u u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Madaxweynaha oo ay socdaalkiisa ku wehelinayaan xubno ka tirsan dowladda federaalka,waxaa ay booqashadiisu la xiriirtaa ka qeybgalka xaflad lagu maamuusaayo caleemo saarka Xukuumadda cusub ee Jamhuuriyadda Itoobiya.
Madaxweyne Farmaajo iyo wafdiga uu hoggaaminaayo,waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku sii sagotiyay mas’uuliyiinta labada gole iyo saraakiil ka tirsan ciidamada.
MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA KU TIMID MARXUUM XASAN XAAJI MAXAMUUD GARWAYNE
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga tacsiyeeyey qoyska, Qaraabada iyo shacabka Soomaaliyeed geerida ku timid Marxuum Xasan Xaaji Maxamuud Warsame (Xasan-Garweyne) oo ku geeriyooday magaalada Hargaysa.
Madaxweynaha Jahmuuriyadda ayaa tilmaamay in Marxuum Xasan Xaaji Maxamuud (Xasan-Garweyne) uu ka mid ahaa siyaasiyiinta ruug caddaaga ah ee muddada dheer u soo adeegayey shacabka Soomaaliyeed, isaga oo door wanaagsan ka soo qaatay horumarinta Waxbarashada Somaliland.
“Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi u dirayaa qoyska, qaraabada iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey Alle ha u naxariistee Marxuum Xasan Xaaji Maxamuud (Xasan-Garweyne), si gaar ah waxaan tacsi ula wadaagayaa Sanatar Naciima Xasan Xaaji Maxamuud (Xasan-Garweyne) oo uu Marxuumku aabbe u ahaa.”
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, ehelada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey.
Wasiir Beyle oo shir ku saabsan miisaaniyadda la qaatay saraakiisha ciidamada
Wasiirka wasaradda maalinyadd Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta shir looga hadlayay miisaaniyadda Ciidamada Qalabka sida la yeeshay saraakiisha iyo Taliye-yaasha Ciidamada, maadaama ay hadda socoto diyaarinta Miisaaniyadda Dowladda ee 2022/2023.
“Ka shaqeynta badbaadada shacabka Soomaaliyeed waa mid ka mid ah tiirarka Dowlad-nimada Soomaaliya, iyadoo taa la tix-galinayo Wasaaradda Maaliyadda waxaa mudnaan gaar ah siisaa bixinta joogtada ah ee Kharashaadka iyo Mushaarka Ciidamada Qaranka,” ayuu yiri Wasiir Beyle.
Xukuumadda Federaalka waxaa go’an bixinta mushaarka Ciidanka iyo shaqaalaha dawladdu,islamarkaana ay tahay mid kamid ah mudnaanta koowaad ee Dawladda.


Wasiirkii hore ee Waxbarashada Soomaaliya oo geeriyootay
Wasaaradda Waxbarshadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo guud ahaan bahda Waxbarashada ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Alle ha u naxariistee Wasiirkii hore ee Wasaaradda waxbarashada, Hidaha iyo tacliinta sare Khadra Bashiir Cali oo ku geeriyootay magaaladda Columbus, gobolka Ohio ee dalka Mareykanka.
Waxay Alle uga baryeen inuu naxariitiisa janno siiyo,iyagoo tacsida la wadaagay Guud ahaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan qoyskii, qaraabadii Iyo bahda waxbarashada.
Alle ha u naxariistee, Wasiir Khadra bashiir Cali, waxay ahayd wasiirkii ugu horeeyay ee bilaabay imtixaanka Qaranka ee ay Qaado wasaaradda waxbarashada Hiddaha Iyo tacliinta sare ka dib burburkii ka dhacay dalka Soomaaliya.










