Wasiir Beyle oo shir ku saabsan miisaaniyadda la qaatay saraakiisha ciidamada

Wasiirka wasaradda maalinyadd Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta shir looga hadlayay miisaaniyadda Ciidamada Qalabka sida la yeeshay saraakiisha iyo Taliye-yaasha Ciidamada, maadaama ay hadda socoto diyaarinta Miisaaniyadda Dowladda ee 2022/2023.

“Ka shaqeynta badbaadada shacabka Soomaaliyeed waa mid ka mid ah tiirarka Dowlad-nimada Soomaaliya, iyadoo taa la tix-galinayo Wasaaradda Maaliyadda waxaa mudnaan gaar ah siisaa bixinta joogtada ah ee Kharashaadka iyo Mushaarka Ciidamada Qaranka,” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Xukuumadda Federaalka waxaa go’an bixinta mushaarka Ciidanka iyo shaqaalaha dawladdu,islamarkaana  ay tahay mid kamid ah mudnaanta koowaad ee Dawladda.