maantoo kale Soomaaliya maxaa ka dhacay?

05/10/1949 waa maalintii u dhacey dagaalkii Dhagaxtuur oo u dhexeeyay Leegada iyo Gumeystaha Ingiriiska ee qabsadey Soomaaliya.

Dagaalkaas kadib Soomaaliya kulankii Qaramada Midoobey waxaa loo aqoonsadey in 10 sano kadib xornimo la siiyo, korna laga maamulo.
Waxaana Soomaaliya hogaaminayay Halgamaa SYL Cabdulaahi Ciise Illaahay ha unaxariistee oo noqdey madaxii ismaamulka Soomaalida. Ilaahey ha u naxariisto Halgamaayaashii ku geeriyoodey dagaalkaas dhamaantood oo uu ka mid ahaa
Cabdi Yusuf Cali Jaah.

Madaxweyne Farmajo iyo Abby Axmed oo kulmay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Addis-ababa ee dalka Itoobiya kulan Kula qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi Abby Ahmed.
Labada masuul ayaa kawada hadlay iskana xog wareystay xaaladda Gobolka Geeska Afrika iyo xiriirka labo geesoodka ah ee labada dal u dhexeeya kaasoo ay saldhig u tahay daris wanaag, isixtiraam iyo xoojinta dagaalka lagula jiro Malaashiyada Alshabaab.

Culumada kasoo jeeda Galmudug oo ka hadalay xiisadaha kasoo Cusboonaaday deegaano ka tirsan Gobolka Galguduud

Guddoomiyaha Culumada Dowlad-goboleedka Galmudug Sheekh Muxyadiin Yuusuf Barre oo wareysi gaara siiyay warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay xiisadaha kasoo cusboonaaday deegaano ka tirsan Gobalka Galgaduud.

Sheekh Muxyidiin ayaa sheegay in aan la aqbali karin in deegaannada Galmudug loo celiyo fowdo iyo isbarbaryaac, asigoo xusay in ay isku waafaqsan yihinn Culumada soomaaliyeed ee ku nool deegaanada Galmudug sidii looga wadashaqeyn lahaa horumarka iyo kala dambeynta deegaannada Galmudug isagoo ku baaqay in wax walba looga danbeeyo nidaamka maamul ee ka jira Galmudug oo sheegay inuu yahay mid sharci ku dhisan

Guddoomiyaha Culumada Galmudug ayaa dhinaca kale baaq u diray maamulka Gobalka Mudug iyo laamaha amniga ee ka howlgala gobalka mudug kaas oo ku aadan joojinta Abaabulo ka socda qaar ka mida ah deegaanada gobalka kuwaas oo uu tilmamay in ay sii xoojim karaa colaada kooxo gaar ahi ay ka wadaan Gobalka Galguduud.

Taliban oo lagu eedeeyay dilka 13 xubnood oo ka tirsan qowmiyadda Hazara

Warbixin cusub oo ka soo baxday xafiiska Amnesty International ee xuquuqul Insaanka ,ayaa lagu sheegay in wax yar ka dib markii awoodda Dalka Afganistaan ​​ay la wareegeen Taalibaan , ay qudha ka jareen 13 xubnood oo ka tirsan qowmiyadda Hazara,isla markaana ku sugnaa bartamaha gobolka Daykundi .

Amnest, ayaa sheegtay in dilkaasi uu dhacay 30 -kii bishii Ogosto ee la soo dhaafay,ka dib markii kolonyo ciidamo ah oo ka kooban 300 dagaalyahanno ah ay galeen degmada Khidr,halkaana ay ku dileen 13 ruux.

Dadka la dilay ayaa ahaa 11 xubnood oo hore uga tirsanaan jiray ciidamada qaranka iyo laba ruux oo kale oo ay ku jirtay gabar 17-sano jir ah.

Warbixintaan oo la daabacay aanta oo Talaado ah ayaa lagu sheegay in dadka la dilay inta badan ay ahaayeen kuwo isku soo dhiibay kooxda Taalibaan,waxaynay da’doodu u dhaxaysay 26 ilaa 46 jir.

Waa dilkii labaad ee loo geysto qabiilka Hazaras ,ka dib kolkii Daalibaan ay sagaal qof ku dileen gobolka Ghazni bishii Luulyo ee la soo dhaafay ,sida lagu shaagay warbixinta Amnest International ee xuquul Insaanka Qaramada Midoobay.

Oowmiyadda Hazara waa dadka ugu badan Shiicada ee Dalka Afganistaan,waxaana la sheegay in qabiilkaasi ay la kulmeen waxyeello ka soo gaartay Taalibaan sanadihii u dhaxeeyay 1996 iyo 2001-dii.

Shirkadda Facebook oo saacado gudahood khasaartay lacag ka badan lix milyan oo dollar

Milkiilaha shirkadda Facebook Mark Zuckerberg, ayaa sheegay inuu soo gaaray qasaare xooggan saacadihii ay hawada ka maqnaayeen adeegyadii ay bixinayeen.

Baraha xiriirka bulshada ayaa lagu yiri “Zuckerberg ayaa lumiyey in ka badan 6 Bilyan oo Doollar, kadib saacado uu xumaa Facebook –ga”.

Adeegyada Facebook, instagram iyo Whatsapp, ayaa hawada ka maqnaa muddo saacado ah, taas oo khasaaro aad u weyn gaarsiisay shirkadda, wxaana hakad ku yimid xiriirkii bulsho badan oo ku nool daafaha caalamka.

Shirkadda ayaa bulshada kaga cudur daaratay muddadii ay hawada ka maqnaayeen adeegyadeeda, waxaana haatan caadi kusoo laabtay howlihii iyo xiriirka dad weynaha ee Facebook, instagram iyo Whatsapp.

Soo dhaweeyntii Ra’iisul Wasaare Rooble ee Dooxa

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Doxa ee dalka Qatar.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa Doxa ku soo dhaweeyay madax ka tirsan Dowladda Qatar, waxaana Ra’iisul Wasaare Rooble socdaalkiisa uu ka dambeeyay martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dhigiisa Dalka Qatar.

Ra’iisul Wasaaraha Dalka aya lagu wadaa in maalinta berito ah uu kulamo la qaadan doono Madaxda dowladda Qatar, oo ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal, arrimaha doorashooyinka ee Soomaaliya iyo horumarka kale ee ay ku talaabsatay dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo Dooxa kula kulmay dhiggiisa Dalka Qatar

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Abdirisaaq Maxamauud ayaa maanta la kulmay dhiggiisa dowladda Qatar mudane Shiikh Maxamed bin Cabdiraxmaan Al-thani.

Labada wasiir ayaa ka wada hadalay xoojinta iyo horumarinta xiriirka iskaashi ee ka dhaxeeya labada dal

Labada mas’uul ayaa sidoo kale isku soo qaaday xaaladaha ka jira gobalka iyo caalamka.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya mudane Maxamed Xuuseen Rooble ayaa lagu wadaa inuu gaaro galabta dalka Qatar, kadib markii uu casuumaad ka helay amiira dowladda Qatar Amiir Tamiim bin Xamad Al-thani.

Wasiiradda Haweenka Galmudug oo lagu qabtay kulan looga hadlay xaqiijinta qoondada haweenka ee 30%

Waxaa Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud lagu qabtay kulan ay soo Agaasintay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Galmudug kaas oo looga hadlay xaqiijinta qoondada haweenka ee 30%. Kulanka ayaa daah furtay Wasiiradda Haweenka Galmudug Marwo Ubax Xuseen Dhiblawe.

Kulanka waxaa kale oo ka qeybgalay qeybaha bulshada Magaalada Cadaado,iyadoo diiradda lagu saaray xoojinta doorka daneeyeyaasha arrimaha doorashooyinka ay ku leeyihiin ilaalinta qoonddada haweenka.

Agaasimaha Guud Wasaaradda Gaashaandhigga oo daah-furay tababar la xiriira horumarinta Shaqaalaha wasaaradda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho ka daah-furay tababar la xiriira horumarinta iyo tayeynta Shaqaalaha .
Tababarkan oo ay soo Agaasintay Waaxda Shaqada , Shaaqaalaha iyo Tababaradda ee Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa EUTM ayaa lagu baranayay hanaanka loo horumarin karo wada-shaqeynta Waaxyaha iyo Tayeynta Shaqaalaha , Waxaana ka qeybgalay Xubno ka tirsan Shaqaalaha Wasaaradda iyo Agaasimka Waaxeedyada Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federalka Soomaaliya.

Tabab barka waxaa daah-furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Maxamed Saciid Samatar Gacaliye oo ka qeybgalayaasha ku dhiira-galiyay hergalinta iyo Fulinta Casharada ay barteen.Tababarkan ayaa Waxaa Casharro ka bixinayay Xubno ka Socday Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya .

Wasiirka Ganacsiga oo ka qeyb-galay daah-furka Istaraatiijiyadda Isbedelka Koboca Dhaqaalaha

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Khaliif Cabdi Cumar, oo maanta ka qeyb-galay munaasabadda daah-furka Istaraatijiyadda Isbeddelka Koboc iyo Dhaqaale ee Soomaaliya oo ka qabsoontay Hotel Decale ee Muqdisho, ayaa dhiiri-geliyey horumarinta iyo kobcinta dhaqaalaha dalka gaar ahaan dhinacyada Ganacsiga iyo Maal-gashiga.

Munaasibaddan oo ay soo qaban-qaabiyeen Golaha Dhaqaalaha ee Qaranka Soomaaliyeed, ayaa halkaas lagu soo ba dhigay daraasad laga sameeyey saameyntii cudurka COVID-19 ee dhaqaalaha dalk