Culumada kasoo jeeda Galmudug oo ka hadalay xiisadaha kasoo Cusboonaaday deegaano ka tirsan Gobolka Galguduud

Guddoomiyaha Culumada Dowlad-goboleedka Galmudug Sheekh Muxyadiin Yuusuf Barre oo wareysi gaara siiyay warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay xiisadaha kasoo cusboonaaday deegaano ka tirsan Gobalka Galgaduud.

Sheekh Muxyidiin ayaa sheegay in aan la aqbali karin in deegaannada Galmudug loo celiyo fowdo iyo isbarbaryaac, asigoo xusay in ay isku waafaqsan yihinn Culumada soomaaliyeed ee ku nool deegaanada Galmudug sidii looga wadashaqeyn lahaa horumarka iyo kala dambeynta deegaannada Galmudug isagoo ku baaqay in wax walba looga danbeeyo nidaamka maamul ee ka jira Galmudug oo sheegay inuu yahay mid sharci ku dhisan

Guddoomiyaha Culumada Galmudug ayaa dhinaca kale baaq u diray maamulka Gobalka Mudug iyo laamaha amniga ee ka howlgala gobalka mudug kaas oo ku aadan joojinta Abaabulo ka socda qaar ka mida ah deegaanada gobalka kuwaas oo uu tilmamay in ay sii xoojim karaa colaada kooxo gaar ahi ay ka wadaan Gobalka Galguduud.