Hindiya oo magdhow lacageed siinaysa ehellada dadkii u geeriyooday Covid-19

Go’aan ka soo baxay Xukuumadda Hindiya ayaa lagu sheegay in Lacag dhan $ 674 oo magdhow ah lasiinayo Qoys kasta oo qof ka mid ah uu u dhintay xanuunka covid-19.

Maxkamadda Sare ee Hindiya ayaa taageertay go’aankan dowladda ka soo baxay ee ku aaddan in magdhaw lacageed la siiyo Qoysaska ay dadka kaga dhinteen covid-19.

Dowladda Hindiya ayaa ilaa hadda diiwaangelisay in ka badan 447,000 qof oo u dhintey xanuunka faafe ee Covid-19, Balse waxaa la rumeeysanyahay in tirada dhabta ah ee dadka u dhintay cudurka ay ka badantahay tirada la shaaciyay.

Khubarada shaciga ee Hindiya ayaa dhawaan isku raacay in xanuunkan uu yahay “musiibo” sida uu dhigayo Sharciga Maareynta Musiibooyinka ee dalka, ayna xaq u leeyihiin qoysaska dadkooda ku waayay musiibadaan in ay hellaan magdhow maaliyadeed.

Sida ay shaacisay Xukuumadda, magdhow ayaa la siin doonaa qoysaska dhibbanayaasha ee qaar ka mid ah ehelkooda ay u dhinteen xanuunkan haddii ay la yimadaan shahaado caddeyneeyso in qofka uu u dhintay Covid-19.

Hindiya oo ka mid ah dalalka uu aad u sameeyay xanuunka Covid-19, ayaa hwali la dalai dhaceyso wax ka qabashada xanuunkan.

Qaramada Midoobay oo ka arrinsanaysa xaaladda Itoobiya

Antonio Guterres oo ah Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa inuu maanta xaaladihii ugu danbeeyay ee colaadda Itoobiya warbixin ka siiyo xubnaha Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.

Xoghaye Guteres ayaa si gaar ah uga hadli doono soo eryiddii ay dhawaan Itoobiya dalkeeda kaula kacday toddoba Sargaal oo ka tirsan saraakiisha laamaha gargaarka ee Qaramada Midoobay.

Waa kulanki labaad oo uu Golaha Amaanka ka yeelanayo arrimaha Itoobiya wax ka yar hal todobaad, tan iyo marki uu Ra’isul Wasaare Abiya Axmed 30-ki bishii September ku dhawaaqay in muddo 72 saacadood ah ay uga baxaan saraakiisha Qaramada Midoobay ee ku sugan dalkiisa.

Itoobiya ayaa ku eedeeysay saraakiishan ay dalkeeda ka eriday, in ay faragelin ku hayeen arrimaha gudaha ee dalkeeda, isla markaana ay mucaawinooyin iyo qalab is-gaarsiineed u gudbiyeeen Jabhadda Xoreynta Tigray ee loo soo gaabiyo (TPLF), taas oo ay dowladda federaalka dagaal kula jirto tan iyo dhamaadka sannadi hore.

Sanad guuradii 5-aad ee aasaaska Hirshabelle oo la xusay

Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen(Guudlaawe) ayaa ka qeybgalay Munaasabad balaaran oo loogu dabbaal degayay sanad guurada 5aad ee aaasaaska Hirshabeelle.

Munaasabadaan lagu xusayay sanad guurada 5-aad ee aasaaska Hirshabeelle oo xalay ka dhacday magaalada Jowhar ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku xigeenka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar, Gudoomiyaha Baarlamaanka Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed, Gudoomiye Ku Xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaaalka, qaar ka mid ah Senatarada Cusub ee Hirshabeelle, Xildhibaanada golaha shacabka, xildhibaanada Hirshabeelle, qeybaha kala duwan ee Hirshabeelle iyo marti sharaf kala duwan.

Sidokale inta ay socotay Munaasabada waxaa qadka Zoomka uga qeybgalay Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, oo ugu Hambalyeey Hogaanka iyo Shacabka Hirshabeelle xuska Sanad guurada 5aad ee Aasaaska Dowlad gobaleedka Hirshabeelle.

Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaah Xuseen oo Munaasabada ka hadlay ayaa guud ahaan shacabka Hirshabeelle ugu hambalyeeyay 5-ta October oo ku beegan maalintii dhidibada loo taagay Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa ka dhawaajiyay in guulo badan la gaaray hadana ay diyaar u yihiin inay la tashtaan cidwalba oo tabasho qabto, xalkana uu ku yimaado in la isa soo hor fariisto.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn shahaado sharaf gudoonsiiyay masuuliyiin si wanaagsan ula shaqeeyay Maamulka Hirshabeelle.

Duqa Muqdisho oo kulan kula qaatay Danjiraha Dowladda Turkiya u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Md. Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xarunta Safaarada Turkiya ee Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Danjiraha Dowladda Turkiya u fadhiya Soomaaliya Amb. Mehmet Yilmaz.

Duqa Muqdisho Mudane Cumar Filish iyo Danjire Mehmet Yilmaz ayaa ka wada hadlay xoojinta Xiriirka Safaarada Turkiya iyo Dowladda Hoose ee Xamar iyo Sidii Safaarada Turkiya ay Gacan ugu geysan laheyd baahiyaha dadka Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa Dowladda Turkiya kaga Mahadceliyay taageerada ay siiso Soomaaliya, iyagoona horay dhowr mashaariic oo horumarineed ugu fuliyay Muqdisho, sida dhismaha waddooyinka, xarumo caafimaad iyo kuwo waxbarasho.

Galmudug oo Amar Ka soo saartay Jarista, gubista, ka ganacsiga dhuxusha

Wasaaradda degaanka iyo isbedelka Cimilada ee Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa soo saartay amar lagu joojinayo Jarista, gubista, ka ganacsiga dhuxusha iyo ugaarsiga duur-joogta.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda degaanka iyo isbedelka Cimilada Galmudug Sanoter Siciid Siyaad Shirwac ayaa waxaa lagu amray hay’adaha kala duwan ee Galmudug inay ka gutaan amarkaan waajibkooda kaga aadan, isla markaana ay qabtaan sharcigana horgeeyaan dadka aan u hoggaansamin amarkaan.

Lifaaqa hoose ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Maamulka Galmudug.

Madaxweyne Laftagareen oo kulan laqaatay madaxda Magaalada Baraawe

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa kulan kula qaatay Madaxtooyada Magaalada Baraawe  Ururada Haweenka Magaalada Baraawe ee Caasimada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kulanka ayaa Waxaa qeyb ka ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka DGKGS Mudane Cali Saciid Faqi, Wasiiro, Xildhibaanno iyo Agaasimaha Madaxtooyada.

Guddoomiye Kuxigeenka Degmada Cadaado oo daahfuray Koobka Xaafadaha Degmada Cadaado

Sanadkiiba mar ayaa laqabtaa koobkaan oo ah kan ugu xiisaha iyo daawashada badan koobabka laga dheelo Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Afarta Waxood ee Karaamo, Bakiin, Waabari, iyo Galbeed oo ey ka koobantahay magaalada Cadaado ayaa loo qabtaa koobkan oo socday 6dii sano ee lasoo dhaafay.

Kooxaha Karaamo iyo Waabari oo koobkan lagu furay  ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka degmada Cadaado Nuur Yarrow Xeyle Guddoomiyaha ciyaaraha  Galmudug Xasan Axmed Shire iyo Guddoomiyaha ciyaarahs  Degmad Cadaado Cumar Daahir Shidane iyo kuxigeenkiisa.

Cumar Daahir Shidane Guddoomiyaha Sportska degmada Cadaado ayaa ugu horeen ka hadlay munasaba daan furitaanka koobka Waaxaha Cadaado

Guddoomiyaha Sports ka Galmudug Xasan Axmed Shire ayaa dhankiisa kahadlay munsabadan furitanka ah.

Nuur Yarow Xeyle “Shaarbacade” Guddoomiye ku xigeenka degmada Cadaado ayaa ugu dambeyn furay koobkan Waaxaha Degmada Cadaado.

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay dhiggiisa dalka Uganda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni oo kulan-doceed ku yeeshay magaalada Addis-ababa ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee ku qotoma dhinacyada iskaashiga ammiga, dhaqaalaha iyo arrimaha Gobolka, iyaga oo xoojiyey iskaashiga dagaalka lagula jiri argagixisada..

 

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kulan laqaatay danjiraha DFS u jooga Itoobiya

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ahna Senator la doortay Avv.Xasan Xuseen Xaaji ayaa kulan kula qaaday Magaalada Adis-ababa Xarunta Dalka Itoobiya  Danjiraha DFS u jooga  Itoobiya Danjire   Cabdillaahi Axmed Jaamac (Ilka-jiir), iyo u qeybsamaha Arimaha Ciidanka Ee Safaaradda

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ayaa ka dhageestay Masuuliyiintan Dadaaladda Safaaradda ee ku aadan arimaha Ciidanka ,  gaar ahaan iskaashiga ka dhexeeya Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Amisom  ee Dagaalka kula jira argagixisadda.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Qadar

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda faderaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Doxa ee dalka Qadar ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Qadar Shiikh Khalid Bin Khalifa Al-Thani

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhiggiisa Qatar kala hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo kordhinta mashaariicda horumarineed ee Dowladda Qadar ay ka fuliso Soomaaliya.