Sanad guuradii 5-aad ee aasaaska Hirshabelle oo la xusay

Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen(Guudlaawe) ayaa ka qeybgalay Munaasabad balaaran oo loogu dabbaal degayay sanad guurada 5aad ee aaasaaska Hirshabeelle.

Munaasabadaan lagu xusayay sanad guurada 5-aad ee aasaaska Hirshabeelle oo xalay ka dhacday magaalada Jowhar ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku xigeenka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar, Gudoomiyaha Baarlamaanka Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed, Gudoomiye Ku Xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaaalka, qaar ka mid ah Senatarada Cusub ee Hirshabeelle, Xildhibaanada golaha shacabka, xildhibaanada Hirshabeelle, qeybaha kala duwan ee Hirshabeelle iyo marti sharaf kala duwan.

Sidokale inta ay socotay Munaasabada waxaa qadka Zoomka uga qeybgalay Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, oo ugu Hambalyeey Hogaanka iyo Shacabka Hirshabeelle xuska Sanad guurada 5aad ee Aasaaska Dowlad gobaleedka Hirshabeelle.

Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaah Xuseen oo Munaasabada ka hadlay ayaa guud ahaan shacabka Hirshabeelle ugu hambalyeeyay 5-ta October oo ku beegan maalintii dhidibada loo taagay Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa ka dhawaajiyay in guulo badan la gaaray hadana ay diyaar u yihiin inay la tashtaan cidwalba oo tabasho qabto, xalkana uu ku yimaado in la isa soo hor fariisto.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn shahaado sharaf gudoonsiiyay masuuliyiin si wanaagsan ula shaqeeyay Maamulka Hirshabeelle.