Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Qadar

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda faderaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Doxa ee dalka Qadar ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Qadar Shiikh Khalid Bin Khalifa Al-Thani

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhiggiisa Qatar kala hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo kordhinta mashaariicda horumarineed ee Dowladda Qadar ay ka fuliso Soomaaliya.