Safiirka Soomaaliya ee Biljam oo warqadihii aqoonsiga guddoonsiiyay madaxda dalkaasi

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Boqortooyada Biljimka iyo Midowga Yurub, Mudane Yoonis Yaasiin Xaashi (Ooga-Cadde), ayaa nuqul ka mid ah warqadihiisa aqoonsiga danjirannimo ku wareejiyay Agaasimaha Habmaamuuska ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Biljam, Danjire Olivier Belle.

Agaasimaha Habmaamuuska ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Biljimka ayaa u rajeeyay safiirka cusub ee Soomaaliya inuu si joogta ah ugu guuleysto waajibaadkiisa, wuxuuna dhinaca kale u ballanqaaday inuu siinayo dhammaan taageerada si sare loogu qaado xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal .

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Boqortooyada Biljimka iyo Midowga Yurub, Mudane Yoonis Yaasiin Xaashi (Ooga-Cadde), ayaa ka mahadceliyay sida diiran ee loo soo dhoweeyay,wuxuuna caddeeyay  in si hufnaan ah uu uga shaqeyn doono iskaashiga labada dal.

Kulanka wareejinta nuqul ka mid ah waraaqaha aqoonsiga oo ka dhacay Caasimadda Brussels ,waxa uu qeyb ka ahaa munaasabad gogol-xaarka oo la doonayo in Boqorka Biljim, Boqor Philippe si rasmi ah loogu wareejiyo dukumiintigaasi oo dhameystiran.

Madaxwaynaha Galmudug oo caawa Shir Deg Deg La yeeshay Golahiisa Wasiirrada

DHUUSO-MAREEB- Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa shir guddoomiyay shirka Golaha Wasiirada Galmudug oo caawa ka dhacay Xarunta Madaxtooyada DGM.

Kulanka ayaa diirrada lagu saaray qodobo ay ka mid ahaayeen.

• Xaaladda guud ee Amniga Galmudug
• Arrimaha Doorashooyinka

Dood iyo falanqayn dheer kadib Golaha wasiiradu waxay soo saareen qodobada soo socda.

1. Goluhu wuxuu go’aamiyay in la dardargeliyo Suggida Amniga iyo xasiloonida Galmudug,

2. Goluhu wuxuu ugu baaqay kooxaha ku howlan falalka amni daro inay ka waantoobaan, damacoodana ay ku doonaan si nabad ah.

3. Goluhu wuxuu soo saaray in la dardargeliyo howlaha doorashooyinka iyadoo loo gudbiyay dhinacyada ay khuseyso si ay gutaan waajibaadkooda kaga aadan.

Source: Sonna

Ra’iisul Wasaare Rooble oo dalka dib ugu soo laabtay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdigii uu hoggaaminayay ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtay, ka dib booqasho rasmi ah oo uu muddo seddex cisho ah ku joogay dalka Qatar, halkaas oo uu kulammo khuseeya xoojinta xiriirka labada dal kula yeeshay madaxda dalkaas.

Guddiga xallinta Khilaafaadka doorashooyinka oo gaaray Kismaayo

-Xubno ka mida ah Guddiga Xallinta Khilaafadka doorashooyinka heer Federaal ayaa gaadhay magaalada Kismaayo ee xarunta dowlad goboleedka Jubaland.

Xubnahan oo kala ah Burhaan Cilmi Xirsi iyo Warfaa Maxamed Jaamac ayuu ujeedkooda yahay inay qeyb ka noqdaan doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Jubbaland, gaar ahaan farta kursi ee dhowaan lagu dooran doono.

Xubnahan ayaa waxaa Kismaayo kusoo dhaweeyay mas’uuiyiin ka tirsan Guddiga doorashooyinka heer dowlad Goboleed iyo madax ka tirsan Jubbaland.

 

 

Duqa Muqdisho oo la kulmay Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudune Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xarunta Aqalka Dowladda hoose ee Xamar kulan kula qaatay Danjiraha Dowladda Turkiya u fadhiya Soomaaliya Amb. Mehmet Yilmaz.

Duqa Muqdisho Mudane Cumar Filish iyo Danjire Mehmet Yilmaz ganacsato soomaali ah iyo Turki ayaa ka wada hadlay sidii loo bilaabi lahaa dhismaha waddada Jaziira.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa Dowladda Turkiya uga Mahadceliyay Mashariicyada kala gadisan ee ay ka wadaan Magaalada Muqdisho.

Wasiirka gaashaandhigga oo booqday xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Itoobiya

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa booqday Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Itoobiya.

Wasiirka ayaa Shaqaalaha Wasaaradda oo uu ugu horreeyo Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Dalkaas ku bogaadiyay howlaha baaxadda leh oo ay u hayaan Shacabka Soomaaaliyeed.

Dhanka kale, Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa tilmaamay in Safaaradda ay si dhaw ugu Warqabto howlgalada sida Wajirka ay u fuliyaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidanka Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya oo qeybta ka ah Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Qadar oo kordhisay taageeradeeda Soomaaliya

Dowladda Qadar ayaa sheegtay in ay sare uqaadday taageeradii iyo xiriirkii walaaltinimo ee kala dhaxeeyay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Bayaan ay fadhiga 48-aad ee golaha xuquuqul Insaanka Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa ka jeedisay Marwo Jawhara Al-Suwaidi, oo ah Ku-xigeenka wakiilka Joogtada ah ee Dowladda Qadar ee QM fadhigeeduna yahay Geneva ayaa lagu sheegay inay sii wadayaan bixinta gargaarka iyo taageeridda mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya.

Wakiilka ayaa si gaar ah diiradda u saartay dhinacyada caafimaadka, wax barashada, abuurista fursadaha shaqo ee dhallinyarada, xoojinta awoodda laamaha ammaanka iyo bixinta taageero siyaasadeed, si loo xaqiijiyo madaxbannaanida, midnimada iyo wada jirka dhuleed ee dalka.

Al-Suwaidi ayaa sheegay in Dowladda Qadar ay ku nuuxnuuxsanayso caqabadaha hortaagan iyo khataraha dhanka amniga, argagixisada, faafitaanka Covid-19, abaaraha, fatahaadaha iyo waxyaabo kale.

Bayaanka Dowladda Qadar ayaa lagu sheegay muhiimadda sida loogu baahan yahay dhammaan dhinacyada Soomaalida inay is-xakameeyaan, oo ay sii wadaan wada-xaajoodka Qaran, iyagoo ay ka go’an tahay inay qabtaan doorashooyin nabdoon, hufan, loo dhan yahay oo lagu kalsoonaan karo waqtigii loogu talagalayna ku qabsooma.

Ugu dambayn bayaanka ayaa lagu sheegay inay tallaabooyinkaasi qayb ka noqon karaan diyaarinta Jawiga ku habboon iyo fulinta qorshayaasha iyo barnaamijyada, gaar ahaan kuwa la xiriira kor u qaadista iyo ilaalinta xuquuqda Aadanaha.

Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay Shabeellada hoose

Ugu yaraan laba xubnood oo ka tiranaa Argagixisada Al-shabaab ayaa lagu dilay tiro intaa ka bandanna waa lagu dhaawacay, kadib markii ay kooxda nabad-diidka isku dayday in ay weerar gaadmo ah ku qaaddo saldhig ay ciidanka xoogga dalka ku leeyihiin degmada Jannaale ee Gobolka Shabeellada hoose.

Ciidanka xoogga ayaa sidoo kale ka furtay malleeshiyada Argagixisada ah ee Al-Shabaab Hub iyo saanad kale oo ay ka carareen.

Qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka ayaa warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed u sheegay inay heleen xog ku saabsan weerar gaadmo ah oo ay kooxda Al-Shabaab la damacsanaayeen saldhigyo ay Ciidanka XDS ku leeyihiin Jannaale sidaa daraaddeedna ay sameeyeen ka hortag kuna jebiyeen cadawga.

Mirtha Vasquez oo noqotay Ra’iisul wasaaraha cusub ee Dalka Peru

Madaxweynaha Peru, Pedro Castillo ayaa maanta wasiirka koobaad ee dalkaasi u dhaariyay haweeneyda lagu magacaabo Mirtha Vasquez, kadib markii uu dhowaan is casilay Ra’iisul wasaarihii hore dalkaasi.

Magacaabistan deg-degga ah ayaa timid kadib markii ay saacado ka hor is wada casileen R/wasaarihii hore Guido Bellido iyo dhammaan golihii wasiirrada ee dowladda Peru.

Madaxweynaha ayaa sheegay in R.wasaare Mirtha Vasquez durba soo magacawday qaar ka mid ah golaheeda Wasiirrada, si loo dardar geliyo howlaha hor yaalla dowladda.

Dhul gariir sababay dhimasho badan oo ka dhacay dalka Pakistaan

Inta la xaqiijiyey 20 qof ayaa dhimatay tiro intaa ka bandanna dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii uu dhul gariir ku dhuftay degmo ka mid ah dalka Pakistan.

Dhul gariirkan oo Cabirkiisa lagu sheegay 5.7 magnitude ayaa ku dhuftay qeybo ka mid ah degmada Harnai, gobolka Balochistan ee dalka Pakistan.

Sida ay warbaahinta u sheegeen Saraakiil maxalli ah Dhul gariirkan ayaa sidoo kale sababay bur-bur xooggan oo soo gaaray dhismayaasha magaalada, iyadoo kooxaha gurmadkuna ay wadaan samata bixin.