Wasiirka gaashaandhigga oo booqday xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Itoobiya

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa booqday Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Itoobiya.

Wasiirka ayaa Shaqaalaha Wasaaradda oo uu ugu horreeyo Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Dalkaas ku bogaadiyay howlaha baaxadda leh oo ay u hayaan Shacabka Soomaaaliyeed.

Dhanka kale, Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa tilmaamay in Safaaradda ay si dhaw ugu Warqabto howlgalada sida Wajirka ay u fuliyaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidanka Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya oo qeybta ka ah Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.