Guddiga xallinta Khilaafaadka doorashooyinka oo gaaray Kismaayo

-Xubno ka mida ah Guddiga Xallinta Khilaafadka doorashooyinka heer Federaal ayaa gaadhay magaalada Kismaayo ee xarunta dowlad goboleedka Jubaland.

Xubnahan oo kala ah Burhaan Cilmi Xirsi iyo Warfaa Maxamed Jaamac ayuu ujeedkooda yahay inay qeyb ka noqdaan doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Jubbaland, gaar ahaan farta kursi ee dhowaan lagu dooran doono.

Xubnahan ayaa waxaa Kismaayo kusoo dhaweeyay mas’uuiyiin ka tirsan Guddiga doorashooyinka heer dowlad Goboleed iyo madax ka tirsan Jubbaland.