Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay Shabeellada hoose

Ugu yaraan laba xubnood oo ka tiranaa Argagixisada Al-shabaab ayaa lagu dilay tiro intaa ka bandanna waa lagu dhaawacay, kadib markii ay kooxda nabad-diidka isku dayday in ay weerar gaadmo ah ku qaaddo saldhig ay ciidanka xoogga dalka ku leeyihiin degmada Jannaale ee Gobolka Shabeellada hoose.

Ciidanka xoogga ayaa sidoo kale ka furtay malleeshiyada Argagixisada ah ee Al-Shabaab Hub iyo saanad kale oo ay ka carareen.

Qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka ayaa warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed u sheegay inay heleen xog ku saabsan weerar gaadmo ah oo ay kooxda Al-Shabaab la damacsanaayeen saldhigyo ay Ciidanka XDS ku leeyihiin Jannaale sidaa daraaddeedna ay sameeyeen ka hortag kuna jebiyeen cadawga.