Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Xarunta Taliska Ciidanka Ilaalinta Deegaanka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xariga ka jaray Xarunta Taliska Ciidanka Ilaalinta Deegaanka Xamar iyo Xarunta Dad-Dhigista Dowladda Hoose oo ku taala Degmada Shangaani ee Magaalada Muqdisho.

Xarumahaan ayaa Maamulka Gobolka Banaadir waxa uu ku sameeyay dib-u-dhis Balaaran, si loogu adeego Bulshada ku dhaqan Caasimada Muqdisho.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa sheegay in Maamulkiisa ay ka go’an tahay sidii loo dhisi lahaa xarumaha danta guud ee adeegyada kala gedisan loogu qabto Shacabka, iyadoona horey dib-u-dhis iyo balaarin lagu sameeyay xarumo dhowr ah oo loogu adeego Bulshada.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la kulmay xubno ka Socday Beesha caalamka

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa kulan la qaatey wakiilo ka socdey beesha caalamka oo ay uga horeyso kuxigeenka Wakiilka qaramadda midoobe ee soomaaliya ayna qeyb ka ahaayeen safiirada UK iyo Midowga Yurub.

kulanka waxaa looga hadley Xaalada Dadkii laga soo musaafuriyey Laascaanood,Amniga guud Iyo Doorashooyinka Aqalka hoose ee La filayo in ay ka bilaabadaan deegaanada Dowlad gobaleedka koonfur galbeed

Madaxweyne kuxigeenka dowlad goboleedka Hir-Shabeelle oo kulan la qaatay Xubnha Guddiga doorashooyinka Heer Federaal

Madaxweyne kuxigeenka dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo maanta gaaray Baledweyn ayaa kulan la qaatay xubnaha Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ee shalay gaaray Magaalada Beledwyene ee xarunta Gobolka Hiiraan

Madaxweynaha iyo xubnha Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ayaa kawada hadalay Arrimaha doorashooyinka dalka waxana Guddiga Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle ay ka codsaday inay kala Shaqeeyaan sidii loo dardar gelin lahaa doorashada Aqalka Hoose iyo adkeynta Amniga Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan

Xubanaha Guddiga Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ayaa sidokale inta ay halkaa ku suganyihin waxa ay kulama laqaadan doonaan Bulshada qaybaheed kala duwan

Ciidamada dowladda oo degaanno kala wareegay Argagixisda Al-Shabaab

Ciidamo ka tirsan Ururka 49 aad Guutada 10aad Qeybta 43aad ee Ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ayaa saakay howlgallo qorsheysan waxa ay  ka fuliyeen degaano hoostaga  Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Degaannada ciidamada aya howlgallada sameeyay ayaa waxaa la sheegay inay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan argagixisada  Al-Shabaab, balse ay Ciidamada dowladda la wareegeen, kuwaas oo kala ah,Tubaako Koreey iyo kudug.

Sarakiisha howlgalka hoggaamineysay aya sheegay in degaannada ay ciidamada la wareegeen ay argagixisda AL-Shabaab lacaga baad ah uga qaadi jireen dadka shacabka balsa hada ay ciidamadu dowladda ay gacanta ku yaan degaannadasi

Munaasabad lagu caleema saarayey Gudoomiyaha ururka Haweenka Gaalkacyo oo lagu qabtay Magaaladaas.

Munaasabad ay soo agaasimeen maamulka Degmada Galkaacyo isla markaana lagu caleema saarayey hogaanka cusub ee ururka haweenka degmada Gaalkacyo ayaa lagu qabtay Magaladaas.

Munaasabada ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin isugu jiro heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed waxaana ka mid ahaa masuuliyiintii ka qeyb gashay munaasabadaas iyo xubno matalayey Ururadda Bulshada Rayidka ah ee magaalada Gaalkacyo.

Masuuliyiintii Munaasabadaan ka qeyb galay ayaa waxaa ka mid ahaa Taliye ku xigeenka ciidanka Booliiska Booliiska Soomaaliyeed Gen Cusman Cabdullahi Kaniif , Taliyaha Ciidamadda Daraawiishta Galmudug G/sare Maxamed Nuur Cali , Gudoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye iyo Duqa Degmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Jimcaale.

 

Madaxweynaha Hirshabeelle oo agaasime cusub u magacaabay Wasaaradda Amniga

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa u Magacaabay Wasaarada Amniga Dowladda Hirshabeelle Agaasime cusub waxaana xilkii laga qaaday agaasimihii hore ee Wasaaradda Cabdiraxmaan Cabdi Raage.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa Agaasimaha Wasaaradda amniga Dowlad Goboleedka Hirshabeelle u magacaabay Mukhtaar Maxamed Cabdulle.

Wasiirro, saraakiil ciidan iyo guddiga doorashada Puntland oo ka shiray amniga doorashada

Wasiirka Amniga dowlad goboleedka Puntland ayaa shir gudoomiyay kulan diiradda lagu saaray amniga doorashooyinka dawladaha hoose ee degmooyinka Eyl, Ufeyn iyo Qardho, kuwaas oo loo balansan in dhawaan la qabto.

Shirka waxaa kasoo qeyb galay Gudoomiyaha Gudiga Kumeel Gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland iyo Wasiirka Arimaha Gudaha maamulka Puntland iyo sarakiil ka socotay lamaha aniga kuwaas oo ay ka mid yihiin la-taliyaha dhanka ammaanka ee Madaxweyne Deni, Taliyaha Booliiska Puntland, Taliyaha Ciidanka Difaaca Puntland, Agaasimaha Waaxda Amniga, Hay’adda Sirdoonka Puntland iyo saraakiil kale.

Qoraal ay wasaaradda amniga Puntland kasoo saartay shirkaas ayaa lagu sheegay in is-faham iyo guul uu ku soo dhamaaday, isla markaana lagu gaaray go’aamo lagu sugayo amni doorashooyinka dowladaha hoose ee dhawaan la qabanayo.

Ra’iisul wasaare Rooble oo kullan Foggaan-aragga ah la qaatay Masuuliyiinta Soomaaliya ku matalaysa ICJ

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed xuseen Rooble ayaa kulan dhiirrigelin ah habka fogaan aragga kula yeeshay wefdiga DFS ee ka qeyb galaya ku dhawaaqista go’aanka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee dacwadda badda,isagoo guul u rajeeyay Ummadda Soomaaliyeed.

Wafdigan ayaa maanta gaaray magaalada Hague oo ay ku taalo Maxkamadda ICJ, halkaa oo 12 ka bishan aynu ku jirno looga dhawaaqi doono xukunka kama danbeysta ah ee dacwadda Badda ee Kenya na gala dhexeysa.

Wasiirka Ganacsiga oo gaaray Serbia

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Khaliif Cabdi Cumar oo shalay u dhoofay wadanka Serbia oo uu kaga qeyb-galaayo shirka iyo xuska sanad-guurada 60aad ee dalalka dhex-dhexaadka ka ah isbahaysiyada ka jira caalamka ee loo yaqaano Non-aligned countries, ayaa maanta si heer-sare ah looggu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Tesla ee caasimadda Belgrade.

Wasiirka oo garoonka ay ku qaabileen Madax ka tirsan dawladda Zerbia ayaa waxaa dhex maray kulamo hor-dhac ah, waxaana socdaalkiisa ku wehelinaayey Madaxa Safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi, Diblomaasiyiin ka socotay Wasaaradda Arrimaha Dibedda XFS iyo La-taliyaha Wasiirka.

Shirka ayaa qabsoomi doona 11ka illaa 12ka October 2021 iyadoo looga hadli doono danaha iskaashi ee u dhaxeeya wadamada ku bahoobay dhaq-dhaqaaqaasi oo ay Soomaaliya ka mid tahay aas-aaseyaashii isbahaysiga.

Maalinta dhimirka oo laga xusay Muqdisho

Munaasbadda Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caafimaadka Dhimirka Adduunka ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa waxaa ka qayb galay Wasiirka Caafimaadka Drs Fawziya Abikar Nur, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr Abdinasir Mukhtar Ibrahim,  Senator Dr Dufle, Agaasimaha Wasraadda Dhalinyaradda,  Agaasimaha Waxaad Caafimaadka Maamulka Gobolka Banadir,  xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra, iisul Wasaaraha,  Gudoomiyaha Culimada Soomaaliyeed, Gudoomiyaha xarunta Dhimirka Dr Xabeeb,  Madaxda ururada Caafimaadka,dhaqaatiirta Soomaaliyeed,iyo Hay’addaha Caalmiga ah ee taageera Caafimaadka Soomaaliya iyo Bulshadda rayidka.

Waxaa munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Caafimaadka Dhimirka sanadkan diirada lagu saaray dhibaatooyinka keena xanuun ku dhaca Caafimaadka Dhimirka iyo sida ugu macquulsan ee loo yarayn karo waxyeelada keeno dhibaatada Caafimaadka Dhimirka.

Maanta oo ay ku asteysan tahay 10 October, waxay ku beegan tahay maalinta dhimirka adduunka, sanad walbana maanta oo  kale waa laga xusaa guud ahaan dalalka caalamka ku yaalla.