Ciidamada dowladda oo degaanno kala wareegay Argagixisda Al-Shabaab

Ciidamo ka tirsan Ururka 49 aad Guutada 10aad Qeybta 43aad ee Ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ayaa saakay howlgallo qorsheysan waxa ay  ka fuliyeen degaano hoostaga  Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Degaannada ciidamada aya howlgallada sameeyay ayaa waxaa la sheegay inay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan argagixisada  Al-Shabaab, balse ay Ciidamada dowladda la wareegeen, kuwaas oo kala ah,Tubaako Koreey iyo kudug.

Sarakiisha howlgalka hoggaamineysay aya sheegay in degaannada ay ciidamada la wareegeen ay argagixisda AL-Shabaab lacaga baad ah uga qaadi jireen dadka shacabka balsa hada ay ciidamadu dowladda ay gacanta ku yaan degaannadasi