Munaasabad lagu caleema saarayey Gudoomiyaha ururka Haweenka Gaalkacyo oo lagu qabtay Magaaladaas.

Munaasabad ay soo agaasimeen maamulka Degmada Galkaacyo isla markaana lagu caleema saarayey hogaanka cusub ee ururka haweenka degmada Gaalkacyo ayaa lagu qabtay Magaladaas.

Munaasabada ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin isugu jiro heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed waxaana ka mid ahaa masuuliyiintii ka qeyb gashay munaasabadaas iyo xubno matalayey Ururadda Bulshada Rayidka ah ee magaalada Gaalkacyo.

Masuuliyiintii Munaasabadaan ka qeyb galay ayaa waxaa ka mid ahaa Taliye ku xigeenka ciidanka Booliiska Booliiska Soomaaliyeed Gen Cusman Cabdullahi Kaniif , Taliyaha Ciidamadda Daraawiishta Galmudug G/sare Maxamed Nuur Cali , Gudoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye iyo Duqa Degmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Jimcaale.