Wasiirka Ganacsiga oo gaaray Serbia

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Khaliif Cabdi Cumar oo shalay u dhoofay wadanka Serbia oo uu kaga qeyb-galaayo shirka iyo xuska sanad-guurada 60aad ee dalalka dhex-dhexaadka ka ah isbahaysiyada ka jira caalamka ee loo yaqaano Non-aligned countries, ayaa maanta si heer-sare ah looggu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Tesla ee caasimadda Belgrade.

Wasiirka oo garoonka ay ku qaabileen Madax ka tirsan dawladda Zerbia ayaa waxaa dhex maray kulamo hor-dhac ah, waxaana socdaalkiisa ku wehelinaayey Madaxa Safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi, Diblomaasiyiin ka socotay Wasaaradda Arrimaha Dibedda XFS iyo La-taliyaha Wasiirka.

Shirka ayaa qabsoomi doona 11ka illaa 12ka October 2021 iyadoo looga hadli doono danaha iskaashi ee u dhaxeeya wadamada ku bahoobay dhaq-dhaqaaqaasi oo ay Soomaaliya ka mid tahay aas-aaseyaashii isbahaysiga.