Wasaaradda Haweenka oo Muqdisho kuqabatay tababar ku aadan ilaalinta xuquuqda carruurta

Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay tababar ku saabsan; ilaalinta xuquuqda carruurta, dhageysigooda, ka hor tagga ciqaabta jirka iyo in la xoogteeyo tarbiyada wanaagsan ee ubadka Soomaaliyeed, waxaana loo qabtay wakiilo ka kala socda hey’addaha Dowladda Federaalka iyo maamulka Gobolka Banaadir.

Tababarka oo labo maalin socday ayaa waxaa wasaaradda ka gacan siiyay hey’adda Save the Children xafiiskeeda Soomaaliya.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA MAALINTA CALANKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galay munaasabadda salaanta calanka si loo weyneeyo Maalinta asaaska Calanka ee 12-ka Oktoobar, ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka.
Madaxweynaha oo dhammaan shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aaddan maalinta qiimaha badan ee Calanka ayaa tilmaamay in ay muhiimad weyn u leedahay dhammaan ummadda Soomaaliyeed maadaama oo ay ku beegan tahay markii maanta oo kale sanadkii 1954-kii la gardaadiyey Calankeenna oo ah astaan ka turjumaysa gobannimada, wadajirka iyo midnimadeenna.
“Maanta waa maalin ku weyn dhammaan ummadda Soomaaliyeed. Waxa ay ku beegan tahay markii 67 sanno ka hor halyey Maxame Cawaale Liibaan uu hindisay calanka Soomaaliyeed oo ka turjumaya Qarannimada, Gobonnimada, Midnimada iyo Wadajirka Shacabka Soomaaliyeed oo halgan dheer u soo galay sidii ay u hanan lahaayeen xornimadooda iyo talada dalkooda.”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u midoobaan xoojinta dowladnimadooda, difaaca dalkooda iyo ilaalinta danaha qarankooda, si loo ilaaliyo dhaxalka awooweyaasheenna, jiilasha danbe na loogu diyaariyo mustaqbal wanaagsan.

Madaxda Maamul Goboleedyadda Dalka oo Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Maalinta Calanka

Madaxda Maamul Goboleedyadda Dalka ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeyay 67-sanno guurada ka soo wareegtay maalintii la sameeyey calankeenna oo ahayd 12, Oktoobar 1954-tii.

Madaxweyneyaasha iyo ku-xigeenada 5 Maamul Goboleed ayaa si diirran ugu hambalyeeyey ummadda Soomaaliyeed maalintan qiima leh, oo ah sumad iyo astaan qawmi ah oo mudan karaamayn iyo in la weyneeyo xuskeeda.

Madaxda ayaa Hal-abuurihii Calankan Maxamed Cawaale Liibaan AUN iyo intii u soo dhimatay ee sababtay inuu si xora dunida uga babado ee u soo halgantay. Inta maanta u heellan maamuuskiisa iyo qimayamkiisana Alle u fududeeyo.

Guddiga Doorashada Galmudug oo kulan laqaatay haweenka murashixiinta Baarlamaanka Galmudug

Guddiga Doorashada Galmudug oo uu hogaaminayo Gudoomiye Mohamed Dahir Guled iyo Guddiga FEIT oo uu metelayey Cabdicasiis Cabdirahman ayaa la kulmay haweenka iyo qaar kamid ah haweenka murashixiinta Baarlamaanka Galmudug oo ay hogaaminayso wasiirka Wasaaradda Haweenka Galmudug Marwo Ubah Dhiblaawe.

Kulanka oo ka dhacay xarunta guddiga doorashooyinka Galmudug ayaa waxaa looga hadlay dardar gelinta doorashooyinka iyo xaqiijinta qoondada haweenka

Ra’iisul Wasaare Rooble oo ummadda Somaaliyeed ugu hambalyeeyey maalinta Calanka Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Ummadda Somaaliyeed ugu hambalyeeyey maalinta calankeenna ee 12ka October oo ku beegan maanta oo kale 67 sano ka hor.

“Waxaan Ummadda Somaaliyeed ugu hambalyeynayaa maalinta calankeenna ee 12ka October oo ku beegan maanta oo kale 67 sano ka hor.

Calankeenna ha sarreeyo, gobannimada Soomaaliyeed ha waarto. Gallad waxaan u haynaa geesiyadii u soo halgamay difaaca Calanka iyo Ciidda.” ayuu yidhi Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari oo arday kala qeyb galay munaasabadda xuska maalinta Calanka Soomaaliyeed.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa manta Ardada Iskoolka Public sacondary kala qeybgalay Xuska munaasabadda Maalinta Calanka Soomaaliyeed ee 12-ka Oktoobar.

Taliyaha ayaa aradada uga shekeeyay Halgankii Calankaan laga soo maray isagoona maamulka iskoolka iyo macalimiinta ku dhiirigaliyay in ardada marwalba lagu dhiirigaliyo Wadaniyada iyo Gobonnimada, Midnimada iyo Wadajirka Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Puntland.”

Taliyaha Qeybta Booliska ayaa Ardadaan ku adkeeyay in amniga ay kala shaqeyaan Lamaha kala duwan ee ciidamada Dowlad Goboleedka Puntland kuwaas oo marwalba ku jira xaqiijinta amaanka isagoona uga mahadceliyay sida ay u garab taagan yihiin ciidamadooda si kor loogu qaado wada shaqeynta Booliska Iyo Bulshada magaalada Bosaaso.

Maalinta Calanka Soomaaliyeed 12-ka Oktoobar (warbixin)

Maanta oo ah 12-ka Oktoobar waxay ku beeggan tahay sannad guuraddii 67-aad ee ka soo wareegtay maalintii ugu horaysay ee la isku raacay soo bandhigidda naqshadda Calan Soomaaliyeed oo uu hal abuurkeeda lahaa Allaha u naxariistee marxuum Maxamed Cawaale Liibaan.

Xuska 12-ka Oktober waa maalin qaran oo ku wayn quluubta shacbiga Soomaaliyeed,isla markaana ka tarjumaya dadaalkii loo soo galay lahaanshaha calan Soomaaliyeed oo ku yimid rabitaanka dad in muddo ah ku hoos nolaa gumeysi shisheeye.

Soo Bandhigidii Calanka.
Markii loo soo bandhigay Calanka ururka SYL ,dood dheer ka dib waxaa la isku waafaqay Muxaafid iyo Mucaaridba in la qaato Calanka uu soo bandhigay Maxamed Cawaale Liibaan.
Cabdulkadir Cali Boolay oo ka mid ahaa halgamayaashii S.Y.L ayaa yirri”waxaan nasiib u yeeshay in aan goob joog ka ahaa xilligaasi oo lagu soo bandhigay xarunta dhexe ee xisbigii SYL, waxaana cod buuxda la isku waafaqnay in la qaato naqshadda uu soo bandhigay marxuum Maxamed Cawaale Liibaan.

Hase yeeshee markii loo geeyay maamulkii Talyaaniga ayaa diiday oo ku tilmaamay inuu u egyahay Calanka dalka Za’iir iyo kan Jimciyadda Qaruumaha ka dhaxaysa “United Nations-ka” sidaasi darteed aan la ogolayn calan dal leeyahay. Maamulkii Talyaaniga wuxuu ku adkaystay hindisihii uu soo bandhigay marxuum Maxamed Cawaale Liibaan in aan la qaadan Karin isagoo qiil uga dhigaya in uu egyahay calanka dalka Democtatic Republic of Congo Ex. Za’iir.

Balse Maxamad Cawaale Liibaan wuxuu Talyaaniga u sheegay in labada calan aanay isku mid ahayn sababtoo ah Calanka dalkii Za’iire horay loo oran jiray, xiddigta ku dhextaal waa mid Dahabi ama Huruud ah, sidaasi darteed dood dheer iyo wada tashi fara badan ka dib maamulkii Talyaaniga oo xiligaasi maamulaayay koonfurta soomaaliya wuxuu ogolaaday in la qaato calanka buluugga ah xiddigta cad dhexda kaga taallo.

Halgan dheer ka dib ummadda soomaaliyeed waxay ku guuleysatay una suurta gashay in ay yeelato calan aad u qurux badan ,kaasoo ka tarjumaya jiritaanka iyo himilada ummadeed oo ah in la helo soomaali midaysan.Calanka Qaranka Soomaaliyeed oo maanta 67- sano jirsaday, wuxuu ku yimid halgan adag oo ay hoggaanka u hayeen dhallinyaraddii soomaaliyeed xisbigii SYL, kuwaas oo loolan qaraar la galay gumaystayaashii isu soo bahaystay umadda Soomaaliyed.

12-ka Oktobar ee sanadkii1954kii waa maalin xasuus leh oo la soo bandhigay callanka buluugga ah ee xambaarsan sharafta umadda,waxaadna ka dhadhansan karnaa miraha can baxay ee ku jira heesta (Qoloba calankeedu) ee uu ku luuqeeyo Marxuum Cabdullahi Qarshe waxaana ka mid aha:-

“Qolobaa calankeedu waa ceynoo-Innagaa keennu waa – Cirkoo kale’e – ee aan Caadna-lahayn – ee Caashaqa’e – Xiddig yahay Cadi-waad Na Ciidamisee- Caradaan Kaligaa Aadow Curadee – Cadceeda Sideeda Caan Noqo’ee”.
26kii Juun1960kii waa markii ugu horaysay ee calankaasi kifaaxa dheer loo soo maray laga taagay fagaaraha xoriyadda ee magaalada Hargaysa, kadib markii goballada waqooyi ay ka xoroobeen gumaysigii Ingiriiska,afar maalmood kadib, 1dii luulyo 1960kii waxaa ka xoroobay gumaysigii Talyaaniga koofurtii dalka, islamarkaana waxaa israacay labadii gobol ee Waqooyi iyo Koofur, waxaana halkaasi ka dhashay Jamhuuriyaaddii Soomaaliya.

Calanka waa astaanta dalka,in la jeclaado korna loo qaado xuskiisa iyo munaasabaddiisa waa qayb wadaniyadda ka mid ah, taasi dad badan oo Soomaali ah aysan ku baraarugsanayn, waxaana habboon si dareenka wadaniyadeed ee shacbiga kor loogu qaado in manaahijta ardayda dugsiyada loogu dhigo lagu daro maaddoWadaniyadda ku saabsan, si ardayda loo baro qiimaha dalkaiyo halgankii loo soo maray xoriyadda,gaar ahaan halgamayaashii taariikhda galay iyo Qiimaha Calanka iyo astaanta dalku leeyihiin.

Maalinta Calanka Soomaaliyeed 12-ka Oktoobar(warbixin)

Maanta oo ah 12-ka Oktoobar waxay ku beeggan tahay sannad guuraddii 67-aad ee ka soo wareegtay maalintii ugu horaysay ee la isku raacay soo bandhigidda naqshadda Calan Soomaaliyeed oo uu hal abuurkeeda lahaa Allaha u naxariistee marxuum Maxamed Cawaale Liibaan.

Xuska 12-ka Oktober waa maalin qaran oo ku wayn quluubta shacbiga Soomaaliyeed,isla markaana ka tarjumaya dadaalkii loo soo galay lahaanshaha calan Soomaaliyeed oo ku yimid rabitaanka dad in muddo ah ku hoos nolaa gumeysi shisheeye.

Soo Bandhigidii Calanka.
Markii loo soo bandhigay Calanka ururka SYL ,dood dheer ka dib waxaa la isku waafaqay Muxaafid iyo Mucaaridba in la qaato Calanka uu soo bandhigay Maxamed Cawaale Liibaan.
Cabdulkadir Cali Boolay oo ka mid ahaa halgamayaashii S.Y.L ayaa yirri”waxaan nasiib u yeeshay in aan goob joog ka ahaa xilligaasi oo lagu soo bandhigay xarunta dhexe ee xisbigii SYL, waxaana cod buuxda la isku waafaqnay in la qaato naqshadda uu soo bandhigay marxuum Maxamed Cawaale Liibaan.

Hase yeeshee markii loo geeyay maamulkii Talyaaniga ayaa diiday oo ku tilmaamay inuu u egyahay Calanka dalka Za’iir iyo kan Jimciyadda Qaruumaha ka dhaxaysa “United Nations-ka” sidaasi darteed aan la ogolayn calan dal leeyahay. Maamulkii Talyaaniga wuxuu ku adkaystay hindisihii uu soo bandhigay marxuum Maxamed Cawaale Liibaan in aan la qaadan Karin isagoo qiil uga dhigaya in uu egyahay calanka dalka Democtatic Republic of Congo Ex. Za’iir.

Balse Maxamad Cawaale Liibaan wuxuu Talyaaniga u sheegay in labada calan aanay isku mid ahayn sababtoo ah Calanka dalkii Za’iire horay loo oran jiray, xiddigta ku dhextaal waa mid Dahabi ama Huruud ah, sidaasi darteed dood dheer iyo wada tashi fara badan ka dib maamulkii Talyaaniga oo xiligaasi maamulaayay koonfurta soomaaliya wuxuu ogolaaday in la qaato calanka buluugga ah xiddigta cad dhexda kaga taallo.

Halgan dheer ka dib ummadda soomaaliyeed waxay ku guuleysatay una suurta gashay in ay yeelato calan aad u qurux badan ,kaasoo ka tarjumaya jiritaanka iyo himilada ummadeed oo ah in la helo soomaali midaysan.Calanka Qaranka Soomaaliyeed oo maanta 67- sano jirsaday, wuxuu ku yimid halgan adag oo ay hoggaanka u hayeen dhallinyaraddii soomaaliyeed xisbigii SYL, kuwaas oo loolan qaraar la galay gumaystayaashii isu soo bahaystay umadda Soomaaliyed.

12-ka Oktobar ee sanadkii1954kii waa maalin xasuus leh oo la soo bandhigay callanka buluugga ah ee xambaarsan sharafta umadda,waxaadna ka dhadhansan karnaa miraha can baxay ee ku jira heesta (Qoloba calankeedu) ee uu ku luuqeeyo Marxuum Cabdullahi Qarshe waxaana ka mid aha:-

Qolobaa calankeedu waa ceynoo-Innagaa keennu waa – Cirkoo kale’e – ee aan Caadna-lahayn – ee Caashaqa’e – Xiddig yahay Cadi-waad Na Ciidamisee- Caradaan Kaligaa Aadow Curadee – Cadceeda Sideeda Caan Noqo’ee”.

26kii Juun1960kii waa markii ugu horaysay ee calankaasi kifaaxa dheer loo soo maray laga taagay fagaaraha xoriyadda ee magaalada Hargaysa, kadib markii goballada waqooyi ay ka xoroobeen gumaysigii Ingiriiska,afar maalmood kadib, 1dii luulyo 1960kii waxaa ka xoroobay gumaysigii Talyaaniga koofurtii dalka, islamarkaana waxaa israacay labadii gobol ee Waqooyi iyo Koofur, waxaana halkaasi ka dhashay Jamhuuriyaaddii Soomaaliya.

Calanka waa astaanta dalka,in la jeclaado korna loo qaado xuskiisa iyo munaasabaddiisa waa qayb wadaniyadda ka mid ah, taasi dad badan oo Soomaali ah aysan ku baraarugsanayn, waxaana habboon si dareenka wadaniyadeed ee shacbiga kor loogu qaado in manaahijta ardayda dugsiyada loogu dhigo lagu daro maaddoWadaniyadda ku saabsan, si ardayda loo baro qiimaha dalkaiyo halgankii loo soo maray xoriyadda,gaar ahaan halgamayaashii taariikhda galay iyo Qiimaha Calanka iyo astaanta dalku leeyihiin.

Shirka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Qurba joogta oo lagu qabtay Jowhar

Shirka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Qurba joogta Hirshabeelle ayaa maanta ka furmay magaalada Jowhar ee Caasimada Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada reer Jowhar, waxaana inta shirka uu socday la isku weedaarsaday Aragtida Bulshada ee ah sida qurba joogta Soomaaliyeed ee Hirshabelle, sidii ay maalgashi ugu sameysan lahaayeen deegaannada Hirshabeelle oo ah Deegaanno Rabi kumaneestay kheyraadka nuucyadiisa kala duwan.

Guddoomiye ku-xigeenka dhanka Siyaasadda ee Gobolka Shabeelaha Dexe iyo Guddoomiye ku-xigenka dib u heshiisinta ayaa si wada jir ah shirka kaga hadlay muhiimadda ay leedahay in Jaaliyaddu ay maalgashi ku sameystaan deegaannadooda, si sare loogu qaado horumarka deegaannada Maamulka.

Lataliyaha Madaxweyna Hirshabeelle Cabdirisaaq Bood ayaa bulshada iyo guud ahaan ka qeybgalayaasha ugu baaqay in waxyaabaha u baahan maalagashiga lagu sameeyo ay u bidhaamiyaan qurba joogta

Agaasimaha Madaxtooyada Hirshabeelle Cabqaadir Cabduulle Xooshow oo gaba gabadii shirka ka hadlay ayaa sheegay in ujeedka shirka uu yahay sidii Qurba joogta ay fursado shaqo uga abuuri lahaayeen deegaannada ay ka soo jeedaan, iyagoo ku sameysanaya maalgashi.

Xubno ka Socda Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal oo gaaray Magaalada Boosaaso

Xubno ka mida Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) ayaa maanta gaadhay Xarunta Gobolka Bari ee Boosaaso.

Xubnaha Guddiga Waxa garoonka Diyaaradaha kusoo dhaweeyay Guddiga maamulka Doorashada heer Dowlad goboleed puntland(SEIT).

Ujeedada socdaal Guddiga GHDHF ayaa daaran qiimayn goobaha Codbixinta Doorashada Gollaha Shacabka iyo in la dardar galiyo howlaha shaqo ee deerashooyinka.