Madaxda Maamul Goboleedyadda Dalka oo Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Maalinta Calanka

Madaxda Maamul Goboleedyadda Dalka ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeyay 67-sanno guurada ka soo wareegtay maalintii la sameeyey calankeenna oo ahayd 12, Oktoobar 1954-tii.

Madaxweyneyaasha iyo ku-xigeenada 5 Maamul Goboleed ayaa si diirran ugu hambalyeeyey ummadda Soomaaliyeed maalintan qiima leh, oo ah sumad iyo astaan qawmi ah oo mudan karaamayn iyo in la weyneeyo xuskeeda.

Madaxda ayaa Hal-abuurihii Calankan Maxamed Cawaale Liibaan AUN iyo intii u soo dhimatay ee sababtay inuu si xora dunida uga babado ee u soo halgantay. Inta maanta u heellan maamuuskiisa iyo qimayamkiisana Alle u fududeeyo.