Shirka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Qurba joogta oo lagu qabtay Jowhar

Shirka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Qurba joogta Hirshabeelle ayaa maanta ka furmay magaalada Jowhar ee Caasimada Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada reer Jowhar, waxaana inta shirka uu socday la isku weedaarsaday Aragtida Bulshada ee ah sida qurba joogta Soomaaliyeed ee Hirshabelle, sidii ay maalgashi ugu sameysan lahaayeen deegaannada Hirshabeelle oo ah Deegaanno Rabi kumaneestay kheyraadka nuucyadiisa kala duwan.

Guddoomiye ku-xigeenka dhanka Siyaasadda ee Gobolka Shabeelaha Dexe iyo Guddoomiye ku-xigenka dib u heshiisinta ayaa si wada jir ah shirka kaga hadlay muhiimadda ay leedahay in Jaaliyaddu ay maalgashi ku sameystaan deegaannadooda, si sare loogu qaado horumarka deegaannada Maamulka.

Lataliyaha Madaxweyna Hirshabeelle Cabdirisaaq Bood ayaa bulshada iyo guud ahaan ka qeybgalayaasha ugu baaqay in waxyaabaha u baahan maalagashiga lagu sameeyo ay u bidhaamiyaan qurba joogta

Agaasimaha Madaxtooyada Hirshabeelle Cabqaadir Cabduulle Xooshow oo gaba gabadii shirka ka hadlay ayaa sheegay in ujeedka shirka uu yahay sidii Qurba joogta ay fursado shaqo uga abuuri lahaayeen deegaannada ay ka soo jeedaan, iyagoo ku sameysanaya maalgashi.