Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari oo arday kala qeyb galay munaasabadda xuska maalinta Calanka Soomaaliyeed.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa manta Ardada Iskoolka Public sacondary kala qeybgalay Xuska munaasabadda Maalinta Calanka Soomaaliyeed ee 12-ka Oktoobar.

Taliyaha ayaa aradada uga shekeeyay Halgankii Calankaan laga soo maray isagoona maamulka iskoolka iyo macalimiinta ku dhiirigaliyay in ardada marwalba lagu dhiirigaliyo Wadaniyada iyo Gobonnimada, Midnimada iyo Wadajirka Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Puntland.”

Taliyaha Qeybta Booliska ayaa Ardadaan ku adkeeyay in amniga ay kala shaqeyaan Lamaha kala duwan ee ciidamada Dowlad Goboleedka Puntland kuwaas oo marwalba ku jira xaqiijinta amaanka isagoona uga mahadceliyay sida ay u garab taagan yihiin ciidamadooda si kor loogu qaado wada shaqeynta Booliska Iyo Bulshada magaalada Bosaaso.