Wasaaradda Haweenka oo Muqdisho kuqabatay tababar ku aadan ilaalinta xuquuqda carruurta

Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay tababar ku saabsan; ilaalinta xuquuqda carruurta, dhageysigooda, ka hor tagga ciqaabta jirka iyo in la xoogteeyo tarbiyada wanaagsan ee ubadka Soomaaliyeed, waxaana loo qabtay wakiilo ka kala socda hey’addaha Dowladda Federaalka iyo maamulka Gobolka Banaadir.

Tababarka oo labo maalin socday ayaa waxaa wasaaradda ka gacan siiyay hey’adda Save the Children xafiiskeeda Soomaaliya.