Taliyaha Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed oo gaarey Dhuusamareeb

Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed General Odawaa Yuusuf Raage ayaa gaarey Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, xili uu jiro dhaq-dhaqaaq ciidamada qalabka sida ay ku sugayaan amaanka guud ee Galmudug, isla markaana ay hore u socdeen howlgalo argagaxisada ka dhan ahaa.

Taliye odawaa oo ay wehliyeen Saraakiisha ciidan xoogga ayaa la filayaa in uu la kulmo Madaxwaynaha Galmudug iyo saraakiisha talisyada kala duwan ee ku sugan Caasimada.

Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shirka Ururka iskaashiga Islaamka (OIC)

Waxaa Maalmahan Shirar is daba joog ah uga socday Xaruunta Dhexe ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ee Magaalada Jidda Dalka Sacuudiga, Qubaro ka kala socotay Wadamada Xubnaha ka ah Ururka Isk. Islaamka (OIC), Iyadoo Dowalada Soomaaliya uu uga qeyb galay shirarkaasi Xoghayaha Koowaad ee Ergada Joogtada JFS u fadhiya Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) Mudane Maxamuud Cumar Jowle.

Shirarkaas ayaa waxuu si rasmi ah u furmay 3dii Oktober 2021, kuwaasoo looga hadlay Ajendayaal kala duwan.

Haddaba, waxaa maalintii 1aad iyo 2aad looga hadlay sidii Dib-u Eegis iyo wax ka badal loogu sameyn lahaa Sharciga lagu dhaqo Shirka Golaha Wasiirada Arrimaha Dibadda Wadamada Xubnaha ka ah Ururka OIC, Iyadoo sidoo kale, Maalintii 3aad looga hadlay Sharciga Wakiilada ay u soo magacoowdaan Wadamada annan xubnaha ka aheyn Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), halka shirka maalmaha 4aad iyo 5aad lagu lafa guray xeerka kooxda xiriirka wadamada Ururka Isk. Islaamka (OIC).

Dhamaan Qubaradii kasoo qeyb gashay shiraarkaasi waxaa ay halkaasi kasoo jeediyeen doodo iyo aragtiyo cilmiyeeysan taasoo waxtar weyn u yeelan karta taabagelinta siyaasada iyo Isteraajiyada xeerarkii ay qubarada uga hadleen kulamadooda.

Marka laga hadlaayo jawiga iyo munaasabadahii ay ku dhaceen shirarkaasi ayaa waxaa la tilmaami karaa in natiijooyinkii doodaha qubarada laga aqrisan karo in ay hormuud u noqon karaan Aayaha Ururka, waxaana xusid gaar ah mudan in Xoghayaha Koowaad ee Ergada Joogtada OIC Mudane Maxamuud Cumar Jowle kulaamadaas kasoo jeediyay talooyin iyo aaraa saldhig u adag u noqon kara xeerarkii iyo habraacyadii looga hadlay kulamadaas.

 

Madaxweyne Farmaajo oo Ummadda Soomaaliyeed u jeediyey khudbad ku aaddan go’aanka kama danbeysta ah ee ka soo baxay maxakamadda ICJ

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo jeediyey khudbad ku aaddan go’aanka kama danbeysta ah ee ka soo baxay Maxakamadda ICJ ee kiiska dacawadda Badda Soomaaliya ayaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey miro-dhalka dadaalladii waddaniga ahaa ee lagu difaacayey Baddeenna.

Madaxweynaha ayaa xusay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay la kulantay culaysyo badan oo diblomaasiyadeed si ay u xaqiijiso guushan taariikhiga ah, iyada oo dowladda Kenya ay qaadday tallaabooyin ay ku carqaladayneysay habsami u socodka dacwadda Badda, isla markaannaa ay ku dooneysay in qol mugdi ah loogu xalaaleeyo baddeenna.

“Waxaanu u dhaarannay inaan ilaalino ammaanada aan u qaadnay shacabka Soomaaliyeed, damiirkeenna marnaba nama siinayo in aan dhaxalka jiilasha soo socda ku beddelanno dano siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale. Waxaannu iska diidnay in aan qaadanno gunnimo dhereg leh, annagoo ka doorannay gobanimo gaajo leh. Tallaabo kasta oo aanu qaadnay iyo go’aan kasta oo aan gaarnay waxa halbeeg u ahaa ilaalinta qabka, qarannimada, midnimada iyo sharafta dadka iyo dalka Soomaaliyeed.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa guushan taariikhiga ah ku tilmaamay mira-dhalka halgankii dheeraa ee dadka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay u soo galeen xaqiijinta kiiska sharci ee lagaga hortegayey damaca hoggaanka Kenya ay ku doonayeen in ay ku sheegtaan qeyb ka mid ah Badda Soomaaliya.

“Waxaa guulaystay xaqa, waxaa guulaystay sarreynta sharciga, guushan waxaa leh shacabka Soomaaliyeed oo mar walba garab iyo gaashaan u ah Madaxdooda iyo dowladdooda. Waxaan u mahadcelinayaa Maxkamadda Caddaaladda Adduunka oo u hiilisay sarreynta sharciga. Xukunkani waa astaan qurux badan oo marqaati ka ah hufnaanta iyo daahfurnaanta garsoorka Maxkamadda ICJ. ”

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha ayaa u mahadceliyey halyeeyadii u soo halgamay guushan taariikhiga ah oo ay ugu horreeyaan Baarlamaankii 8-aad ee qaatay go’aankii dhaxal dhawrka ahaa, Madaxweynihii hore Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, khuburadii Soomaaliyeed ee ay ka midka ahaayeen Dr. Muna Sharmaan iyo AHUN Eng. Maxamed Cumar Saalixi, Garyaqaannadii iyo khubarradii dhanka sharciga ee Shirkadda Foly Hoag iyo Guddigii DFS ee kiiiska Dacwadda Badda.

Madaxweynaha ku xigeenka Puntland oo Ummadda Soomaaliyeed ugu hambaleeyay go’aanka ka soo baxay Maxkamadda Adduunka ee ICJ

Garoowe- Madaxweyna ku xigeen dowlad goboleedka Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Ummadda Soomaalyeed ugu go’aanka ka soo baxay Maxkamadda Adduunka ee ICJ ee Soomaaliya loogu xukmiyey dhul badeedkii mudada dheer Kenya muran galisay waxaana uu yiri “Waxaan Rabbi mahadiis ah go’aanka taariikhiga ah ee guusha u wada ah dhammaan ummada Soomaaliyeed, anoo ku hadlaya magacayga, kan Dowladda iyo kan Shacabka Puntland waxaan boggaadinaya go’aanka ka soo baxay Maxkamadda Adduunka ee ICJ”.

Madaxweyna ku xigeen Puntland ayaa adkeeyey siday ay waajib u tahay illaalinta badda, berriga iyo hawada Soomaaliya, asagoo sheegay in ka maamul ahaan ay u taagan yihiin aragtidaas “ Badda, Berriga iyo Hawada Soomaaliya illaalinteeda iyo sugiddeedu waa waajib lama taabtaan ah oo ay tahay inay wada illaashadaan Soomaali oo idil, ka Puntland ahaanna markasta waa aragti aan u taaganahay. Waa dharaar farxadeed maalinta xuska Calankeenna iyo go’aanka muddada soo socday ee ka soo baxay ICJ waa dhacdo masiireed oo aan la hilmaami doonin.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo shacabka Soomaaliyeed u jeedinaya khudbad ku saabsan Xukunka Maxkamada ICJ ee Kiiska Baddeenna

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed u jeedinaya khudbad  ku saabsan Xukunka Maxkamada ICJ ee Kiiska Baddeenna, isaga oo la wadaagaya Shacabka halgankii loo soo maray Kiiskan, caqabadihii ku xeernaa iyo aragtida daris wanaagga ku dhisan ee labada shacab ee Soomaaliya iyo Kenya.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Golahiisa Wasiirada oo si wada jir ah u daawaday xukunka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Golaha Wasiirrada iyo mas’uuliyiin kale ayaa si wadajir u daawaday xukunka Maxkamadda caddaaladda Adduunka (ICJ) ee arrinta dawadda badda.

Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ ayaa go’aan ka gaartay kiiskii dacwadda badda ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya. Maxkamadda ayaa Soomaaliya u xukuntay dacwada Badda ee mudada dheer soo socotay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo toos uga qeyb galay dhagaysiga xukunka Kiiska dacwadda Badda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay wehelinayeen Guddoomiyaha Baarlamaanka FS Mudane Maxamed Mursal Sheekh, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed,Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Cabdirixmaan Ducaale Beyle, Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Cali Cabdi Wardheere iyo Agaasime Kuxigeenka Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa Madaxtooyada Qaranka si toos ah uga ga qeyb galay dhagaysiga xukunka kama danbaysta ah ee Maxkamadda Adduunku ay ka soo saartay Kiiska dacwadda Baddeena.

Soomaaliya oo ku guuleysatay Dacwadii badda ee Kenya kala dhaxeysay

Hague-(SONNA)-Maxkamadda Caalmiga ah ee ICJ ayaa go’aan ka gaartay kiiskii dacwadda badda ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya. Maxkamadda ayaana diiday sheegashadii ugu weyneed ee Kenya ku doodaysay taas oo aheyd inuu jiro xad u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya oo lala siman xariiqda loolka ah.

Soomaaliya ayaa mowqifkeedu waxaa uu ahaa in xadeynta lagu saleeyo xariiqda tooska ah ee astaysayn xuduudda badda laakiin Kenya waxaa ay ku doodeysay in xariiqda lagu saleeyo loolka.

Kalfadhiga Maxkamada oo ay shir guddoomisay madaxwaynaha Maxkamadda ICJ garsoore Joan E. Donoghue ayaa lagu laalay doodo badan oo ay soo jeedisay Kenya, waxaana dhul badeedkii la isku heystay loo xukumaday Soomaaliya.

Maxkamadda Caalmiga ah ee ICJ, ayaa sameysay xariiq cusub oo ah xuduud badeedka labada dal. Sida ku cad xariiqda cusub ee la calaameeyey inta badan dhul badeedkii ay sheegatay Kenya ayaa laga diiday waxaana loo xukumay Soomaaliya.

Go’aanadda maxkamadda waxaa kamid ah ahaa:

  1. In uusan jirin wax heshiis ah labada dhinac ay horrey kaga gaareen khilaafka/
  2. In Halka Xuduudda ay tahay uu raacsan yahay xariiqinta dhulka.
  3. In Maxkamadda diiday sheegashada Kenya ee xariiqinta xuduudda.

Bishii July ee sanadkii 2014-kii ayaa dowladda Soomaaliya si rasmi ah maxkamadda ICJ ugu gudbisay dacwadda ku saabsan muranka badda ee kala dhaxeeya Kenya.

Wasiirka wasaaradda Beeraha ee XfS oo qaabilay Wakiilka cusub ee hey’adda cunadda aduunka ee WFP u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo waraabka ee Xukumadda federaalka Soomaaliya mudane Saciid Xuseen Ciid, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Cusub ee hey’adda cunadda aduunka WFP uqaabilsan Soomaaliya Mr. Elkhidir Daluum oo dhowaan loo magacaabay kaasi oo booqasho rasmi ah ku yimid xarunta wasaaradda.

Kulanka ayaa diirada lagu saaray sidii loo xoojinta lahaa iskaashiga wasaaraduu ay la leeyahay hay’adda WFP iyo sidoo kale sida loo sii ballaarin karo wada-shaqaynta labada dhinac

Wasiirka Wasaaradda beeraha iyo Waraabka xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid oo kulanka kadib la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay inay isku af-garteen xoojinta iyo dar dargelinta shaqooyinka gargaarka ee hey’adda WFP ka qabato gudaha Soomaaliya

Wakiilka Cusub ee Hey’adda cunadda aduunka WFP ee Soomaaliya Mr. Elkhidir Daluum ayaa balan qaaday inay sii xoojin doonaan howlaha ay ka qabtaan dalka, waxaana uu wasaaradda uga mahadceliyay wadashaqeynta dhaw ay la leeyihiin hey’adda WFP.

“sharaf ayay ii tahay inaan mar kale fursad u helo ka shaqeynta soomaaliya iyo u adeegida shacabka soomaaliyeed, waqtigan waa inaan meesha ugu hooseysa ee cunta yarida gaarnaa, kana qeyb qaadanao hormur iyo nabad waarta. sidoo kale waxaan ka wadahalnay wasiirka inaan sii xoojino xiriirkeenna gaar ahaan dhinacyada horumarinta fulinta qorshaha qaranka” ayuu yiri Mr. Elkhidir Daluum Wakiilka Cusub ee Hey’adda cunadda aduunka WFP ee Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeen Puntland oo qaabilay Wafdi ka socda dowlad goboleed Koonfur Galbeed

Madaxeyna ku xigeenka dowlad goboleedka Puntland ahna Ku simaha Madaxweynaha Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta qaabilay Wafdi Wasiiro ah oo ka socda maamul Goboleedka Koonfur Galbeed ku waasi oo Puntland u yimid xaaladda dadkii laga soo barakaciyay magaalada Laascaanood.

Wafdiga Wasiirada ah ee ka socda Koonfur Galbeed, ayaa Madaxweyne Ku-xigeenka la wadaagay dhambaal Mahadcelin ah oo ay Puntland uga wadeen dadka reer Koonfur Galbeed Dowlad Goboleed iyo Shacaba, kuwaasi oo si weyn uga mahadceliyay sida Puntland usoo dhoweysay dadkii laga soo barakaciyay Laascaanood.