Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo toos uga qeyb galay dhagaysiga xukunka Kiiska dacwadda Badda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay wehelinayeen Guddoomiyaha Baarlamaanka FS Mudane Maxamed Mursal Sheekh, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed,Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Cabdirixmaan Ducaale Beyle, Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Cali Cabdi Wardheere iyo Agaasime Kuxigeenka Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa Madaxtooyada Qaranka si toos ah uga ga qeyb galay dhagaysiga xukunka kama danbaysta ah ee Maxkamadda Adduunku ay ka soo saartay Kiiska dacwadda Baddeena.