Taliyaha Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed oo gaarey Dhuusamareeb

Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed General Odawaa Yuusuf Raage ayaa gaarey Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, xili uu jiro dhaq-dhaqaaq ciidamada qalabka sida ay ku sugayaan amaanka guud ee Galmudug, isla markaana ay hore u socdeen howlgalo argagaxisada ka dhan ahaa.

Taliye odawaa oo ay wehliyeen Saraakiisha ciidan xoogga ayaa la filayaa in uu la kulmo Madaxwaynaha Galmudug iyo saraakiisha talisyada kala duwan ee ku sugan Caasimada.