Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay saraakiil ka socday Arrimaha Dibadda Mareykanka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane,Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar ayaa kulan wadahadal ah la yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee dhinaca Arrimaha Afrika, Mary.

Labada dhinac  waxay ka wada hadleen horumarka Soomaaliya ee laga gaaray doorashooyinka socda iyo arrimaha gobolka.

Dhinaca kale,Dowladda Mareykanka ayaa mar kale xaqiijisay inay ka go’an tahay inay garab istaagto dowladda iyo shacabka Soomaaliya.

Iyadoo manta la xusayo weerarkii argagixiso ee dhacay 14 Oct. 2017, ayaa dowladda Mareykanka waxa ay sheegtay in ay gacan ka geysaneyso sidii loogahortagi lahaa  xagjirnimada iyo Al-shabaab.

Weerar loo adeegsaday Qaanso iyo Fallaadho oo ka dhacay Norway

Shan qof ayaa dhimatay, laba kalana waxaa soo gaaray dhaawacyo, ka dib markii nin ku hubeysnaa qaanso iyo fallaadho uu magaalada Kongsberg ee dhacda koonfur-galbeed caasimadda Oslo, uu weeraray dad ku sugnaa halkaasi.

Ninka weerarka geystay ayaa la sheegay inuu weerarka ka bilaabay gudaha dukaan weyn oo ku yaal galbeedka magaalada Kongsberg, waxaana labada dhaawaca ah ku jira askari.

Waxaa la sheegay in iska hor imaad uu dhexmaray ninka weerarka soo qaaday iyo booliska ka hor inta aan la qaban ninkaasi oo da’diisa lagu sheegay 37 sano jir u dhashay Danish .

R/wasaare Erna Solberg ayaa sheegtay in falkaasi uu yahay mid bahalnimo ah oo aad looga naxo.

Booliiska ayaa sheegay in ay sameyn doonaan baaritaan ku aadan in falkaasi uu yahay mid argagixiso ah iyo in kale.

Xuska dhacdadii 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe (warbixin)

Waxaa nasiib darro ah in muddo shan sano ah oo ka soo wareegatay qaraxii Soobbe ee galaaftay in ku dhow dad gaaraya kun iyo shan boqol oo ruux, in weli ay jiraan kooxo hubeysan oo u ooman daadinta dhiigga dadka, isla markaana doonaya in ay wiiqaan nidaamka dowladdnimo iyo dadaalada kale ee loogu jiro horumarinta adeegyada bulshada iyo soo celinta amniga dalka.

Marka loo eego,horumarka baahsan ee uu gaaray dalka iyo mustaqbalka wanaagsan ee u ifaya dadka,ka sokoow,waxaa muuqda kooxo baal maray nidaamka suuban oo ka been-sheegay diinta, diidanna hannaanka dowladnimo ee dalka,kuwaas oo sida cad faraha la galay dagaallo ay ku hoobteen shacab aad u fara badan oo birimageydo ah.

Xuska 14-ka Oktoobar waa maalin murugo oo loo sameeyo qeybinii bulshada ee naftooda iyo hantidooda ku waayey qaraxii Soobbe oo shan sano ka hor ka dhacy Magaalada Muqdisho,kaas oo reebay xasuus lama iloowaan ah oo aan ka go’eyn qalbiyada umad sanado badan ku soo jirtay dagaallo sokeeye oo haatan doonaya in ay u gudbaan nidaam sal adag oo horseeda nabad iyo barwaaqo.

Dhacdadaan oo laheyd naxdin iyo amakaag,ayaa sababtay in maalin qura ay dhibaatooyin isugu jiray dhimasho,dhaawacyo iyo burbur hanti ay soo gaarto dad kau dhow kun iyo shan boqol oo -ruux oo ahaa kuwo meherado ganacsi ku lahaa isoyska Soobe iyo dad socota ah oo marayey halkaasi.

Tirakoob rasmi ah oo la sameeyay ayaa muujinaya in ay dhinteen in ka badan 500 oo ruux,isla markaana uu dhaawacyo kala duwan soo gaaray ku dhawaad 300 oo qof,halka la waayey ,dad gaaraya 54- oo illaa haddda aan la ogeyn meel ay ku dambeeyeen raq iyo ruux.

Qaraxaasi foosha xun ee ay ka dambeeyeen kooxaha nabad-diidka ee adeegsada fikirka gurracan, Waxaa marka laga yimaado khasaaraa nafeed ee soo gaaray dadka, ku burbuay hanti lagu qiyaasay $6.3 Milyan oo isugu jirtay nuucyada adeegyada ganacsiga,gawaari iyo dhismayaal.

Jawaabo wax ku ool ah oo ay bixiyeen dadka Soomaaliyeed,ayaa dhaliyay in si degdeg ah loogu gurmado ehelada qeybihii bulshada ee la kulamay dhibaatooyinka qaraxaasi,waxaana tallaabadaasi lagu tilmaamay mid muujineysa damiirka iyo dhaqanka suuban ee ay leeyihiin dadka Soomaalida.

Waxaa xaqiiqo ah in dowladda federaalka iyo dadka Soomaaliyeed ee ku kala nool gudaha iyo dibadaha ay u howlgaleen bixinta lacago malaayiin doolar ah oo xirfado ganacsi loogu abuuray eheladii uu saameeyay qaraxii Soobbe.

Waa dhab in ay jiraan dad daacad ah oo xilli kasta u taagan badbaadinta bulshada iyo ka qeybqaadashada horumarka dalka,taasina waa wax u gaar ah dadka Soomaaliyeed oo ay kaga duwan yihiin shucuubta kale ee caalamka.

Haddaba,waxaa manta Magaalada Muqdisho ka dhacay xuska maalinta 14-ka Oktoobar oo ah xasuuqii ugu xumaa ee loo geysto dad rayid ah oo ku sugnaa meherado ganacsi iyo kuwo kale oo socoto ah oo marayey agagaarka isgoyska Soobbe.

Inkastoo qaraxyadu ay yihiin kuwo aan joojineyn ama aan wax u dhimeyn horumarada socda,haddana,waxaa habboon in si wadajir ah looga shaqeeyo soo celinta amniga dalka iyo la dagaalanka qof kasta oo loo arko in ay lid ku yihiin danta dalka iyo dalka.

Sida cad,wadajir ayaa lagu badbaadin karaa dal jira,sidaa daraadeed,waa muhiin in ciidan iyo shacabba ay ka shaqeeyaan danta umadda,gaar ahaan waxyaabaha u baahan in hoos loo eego sida ilaalinta xasiloonida dalka,daryeelka bulshada , ka qeybgalka barnaamijyada horumarineed iyo dhismaha dalka .

Sidoo kale, haddii lagu shaqeeyo caqli saliim ah,waxaa suurtagal ah in ay badbaadaan shacbiga,isla markaana la bartilmaameedsado cid kasta oo ku howlan sameynta dambiyo dasgaal oo ka dhan ah aadanaha.

Dowlad iyo shacab,waa in xil la iska saaro sidii mudnaanta loo siin lahaa amniga, Waxaanna aaminsan nahay in bulsho mideysan oo diyaar ah ay ku dhaqaaqi karaan la dagaalanka cid kasta oo wax u dhimaya amnga dalka.

Si mar kale aysan u dhicin dhacdo la mid ah tii Soobe waa in qof kasta ay u howlgasho xilka kaga aadan dhowrista dowladnimada iyo guud ahaan soo celinta amniga iyo kala dambeynta oo si gaar ah u taabanaya dhaqdhaqaaqa bulshada.

Xal ayaan u aragnaa go’aanka Maxkamadda Caddaaladda ee ICJ (warbixin)

THE HAGUE, NETHERLANDS - JULY 23: An inside view of International Court of Justice in The Hague, Netherlands on July 23, 2018. The International Court of Justice on Monday ruled that the United Arab Emirates had violated the rights of Qataris through the blockade it imposed on its Persian Gulf neighbor over a year ago. (Photo by Abdullah Asiran/Anadolu Agency/Getty Images)

Waxaa xaqiiqo ah in caalamkani uu yahay mid loo asteeyay aadanaha oo loogu talagalay in ay ka helaan adeegyada aasaasiga ah ee ku habboon nolosha,iyadoo sharci ahaan la dhowrayo xaqa iyo nasiibka bulsho kasta ay u yeelatay deegaan ama dal u gaar ah oo aan dhibaato u horseedeyn qawaaniinta guud iyo nidaamka dhaqan ee dunida.

Bulshada Soomaakiyeedna waxa ay ka mid tahay shucuubta caalamka ee dhaxalka u helay deegaan ka kooban bad iyo berri oo caalamka la wadaaga qawaaniinta iyo shuruucda soo jireenka ah ee lagu ilaaliyo danaha guud ee dunida. iyo kuwa urur goboleedyada ee dalalka deriska ah.

Marka laga yimaado dhulalka maqan ee ay bixiyeen gumeystayaashii reer Yurub,Waxaa xasuus ah in dalka Soomaaliyauuxoriyadiisa qaatay sanadkii 1960-kii,taasoo macnaheedu yahay in caalamku uu dal jira u aqoonsaday Soomaaliya,isla markaana aan lagu xadgudbi Karin sohdimaheeda sida dhulka,badda iyo marinka hawadeeda.

Haddaba, maxaa keenay bishii April 2009-kii in dowladdii ku meel gaarka aheyd ay saxiixdo heshiis isfaham oo dalka Kenya u ogolaanaya in wadahadal ay ka galaan xadka biyaha Soomaaliya oo la tilmaamay in ay ka buuxaan keydad shiidaal ah?.

Muranka badda  oo socday in ka badan muddo 10-sano,waxa uu soo maray marxaladahaan

Bishii April ee sanadkii 2009-kii Dowladda Soomaaliya oo xilligaasi aheyd ku meel gaar iyo Dowladda Kenya,waxaa dhexmaray heshiis Isfaham oo ku saabsanaa in wadahadal laga yeesho xadka badda labada dal iyo sida suurtagalka ah ee loo qeybsan karo kheyraadka ku jira biyaha badda.

Heshiiskaasi ah,oo ahaa mid loo maray qaab qaldan iyo dambi laga galay shacbiga Soomaaliyeed,waxa uu sababay in 1-dii Agoosto 2009-kii ay diidaan Baarlamaankii Soomaaliya ee waqtigaasi .

Inkastoo Juulaay 2014-kii, maxkamadda ICJ la geeyay kiis ka dhan ahaa Kenya,haddana,13-kii July sanadkii 2015-kii ,Dowladdii Soomaaliya ayaa si  rasmi ah dacwad la xiriirta badda u gudbisay maxkamadda cadaaladda caalamiga ah ee ICJ.

Octobar 10 2015,Xukuumadda kenya ayaa codsatay in wadahadal  lagu dhameeyo dacwadda badda, arrimahasina ay ka shiraan labada dowladood Soomaaliya iyo Kenya.

waxaa jiray isku dayo badan oo keenay ay ku doonaaayeen in labada dal ay arimahooda ku dhameystaan meel dibadda ka ah maxkamadda caalamiga ah,isla markaana isfaham laga gaaro nidaamka loo marayo heshiiska xadka badda.

26 may 2016-kii maxkamadda ICJ ayaa ogolaatay in 19-ka setembar,isla sanadkaasi la bilaabo kiiska dacwadda badda ee Somaaliya iyo Kenya.

18-kii December 2017-kii dalka Kenya ayaa gudbiyay jawaabta ay ka bixisay dacwadda ay Soomaaliya u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee ICJ.

Feb 02, 2018 Maxkamadda Cadaaladda ee ICJ ayaa go’aansatay inay dhageysan karaan dacwadda ku saabsan muranka badda,ka dib kolkii garsoorayaasha Maxkamaddaasi ay u codeeyaeen xaqa sharci ahaan Soomaaliya ay u leedahay doodadda badda iyo sida Kenya  ay u diidan tahay qeynuun ahaan qaabka loo marayo muranka badda.

7-dii febraayo 2019 Magaalada London waxaa lagu qabtay shir ku saabsanaa suuq-geynta shiidaaka soomaaliya oo ay horsed ka aheyd Dowladda Soomaaliya.

Setembar 2019 Kenya ayaa codsi la xiriiray in hal sano- dib loo dhigo dhageysiga dacwadda u gudbisay Maxkamadda Caddaaladda ee Heuge.

Bishii Nofembar,2019-kii Magaalada Nirobi,waxaa ku kulmay Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Uhuro Kenyata,kuwaas oo ka heshiiyay in muranka badda uusan wax saameyn ah ku yeelan xiriirka laba ,isla markaana laga wada shaqeeyo arimaha ganacsiga iyo dibolomaasiyadda.

16-kii Bishii Oktoobar ee sannadkii 2019-kii Maxkamadda Caddaallada ee ICJ ayaa dib u dhigtay dhageysiga kiiska badda oo lagu ballansanaa 4-ta Nofeembar,waxayna mar kale ku muddeysay dhageysiga dacwadda bisha June ee sannadkii 2020-kii.

May 19 2020 maxkamadda ICJ ayaa mar kale ogolaatay dib u dhigidda dacwadda badda,waxayna shaacisay in mar kale la isu yimaado 15 maarso 2021-ka

Maarso 14 2021 Dowladda kenya ayaa sheegtay in aysan diyaar u aheyn in ay ka qeybgasho kulamada loogu talagalay in lagu qaado dacwadda badda. dacwadda

15-kii Maarso ee sanadkaan waxaa  Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ka bilowday dhageysiga dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya,iyadoo  la diiday codsi kale oo Kenya ay ku dooneysay in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda badda,waxaana halkaasi ka maqnaaday qareenadii matalayey Kenya.

Haddaba,waxaa 12-ka bisha Oktoobar ee sanadka 2021 –ka Magaalada The Heuge ee Dalka Bilja m lagu soo gabagabeeyay dacwaddii muranka badda ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya,taasina waxa ay ka dhigan tahay in lagu soo afjartay hammigii iyo riyadii ay ku taameysay Dowladda Kenya oo aamisaneyd in dadka Soomaaliyeed ay ku jiraan xilli kala uur ah,isla markaana,lagu qasbi karo in laga fushado dano shisheeye.

Maxkamadda ICG,ayaa go’aamisay qodobo muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen:-

-In xadka badda uu yahay mid la dhirirsan xariiqa dhulka ee Soomaaliya,sidaa daraadeedna biyaha Soomaaliya ay yihiin lama taabtaan.

-Waxaa la diiday qorshaha Kenya ee ahaa in la weeciyo xariiqa xadka badda ee sdhinaca Soomaaliya.

-Maxkamadu waxay go;aamisay in wax mag-dhow ah aysan laheyn Soomaaliya ,maadaama qarasha badan ka galay dacwadda badda.

-Maxkamaddu waxay dhanka biyaha Soomaaliya ka jartay 12-mayl oo loo adeegsado marinada badaha caalamiga ah.

-Waxaa la go’aamiyay in labada dal Soomaaliya iyo Kenya ay u hoggaansamaan natiijada ka soo baxday maxkamadda ICJ.

Inta badan madaxda xukuumadihii u dambeeyay iyo shacbiga Soomaaliyeed,waxay soo dhoweeyeen natiijada go’aankii kama dambeysta ahaa ee kala saarayey muranka biyaha badda ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya.

Waa dhab in xilli kasta ay jiraan dad caafimaad qaba oo u diyaar ah ilaalinta danta dalka oo doonaya in ay ka hortagaan cid kasta oo  daneystayaal ah oo door biday in dalkooda ay ka fuliyaan damac shisheeye  oo keeni kara in lagula qeybsado dhaxalka dabiiciga ah ee qeyb ahaan ay u heleen bulshada Soomaaliteed.

waxaa lama huraan ah in la xuso doorkii shariifka ahaa ee ay aqoonyahanada Soomaaliyeed ka soo qaateen xal u helidda muranka badda,waxaana ka mid ahaa ex xeer ilaaliyihiin hore Daahir Axmed Cali, Injineer Maxamed Cumar Saalixi  ,Muuna Sharmaan,Prof Faarax Qare iyo xubno kale oo mihiim ah,kuwaas oo muujiyay in aan wax gorgortan ah laga gali Karin badda Soomaaliya,isla markaana damiyay damacii Kenya ee ahaa in ay wax ku yeelato badda Sooaaliya.

Sidoo kale,waxaan halkaan hambalyo uga direynaa garyaqaanada caalamiga ah ee Soomaaliya ku mataley dascwaddaasi, waxayna kala yihiin,1-Paul S Reichler oo u dhashay Dalka Mareykanka,2-Prof. Philippe Sands British-French ,3-Prof. Alain Pellet u dhashay Faransiiska ,4-Alina Miron u dhashay Faransiiska iyo,5-Edward Craven u dhashay Dalka Ingiriiska.

Xal ayaan u aragnaa go’aanka maxkamadda caddaaladda ICJ ee khuseeya xadka badda Soomaaliya,sidaa daraadeed,aragtida saliimka ah waxa ay na tuseysaa in maxkamaddaasi ay tahay mid dhexdhexaad ah oo u taagan hirgalinta shuruucda caalamiga ah ee lagu dhowrayo ama lagu ilaalinaayo xadadka badaha iyo beriga ee dalalka caalamka.

SONNA

Afar Walaalo ahaa oo ku geeriyooday Ceel biyood ay qodeen

Afar Nin oo walaalo ahaa ayaa isku mar ku geeriyooday ceel biyood ay ku dhaceen, kaas oo ku yaalla tuulada Hora-hawd oo u dhaw magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad Degaanka Soomaalida.

Allaha u naxariistee Raggan ayaa ku geeriyooday Ceel kuyaal Togga Faafan, kaasi ahaa mid ay iyaga qodeen si ay Biyo uga cabaan, balse halkaas ayay si wada jir ah ugu geeriyodeen xilli ay doonayeen inay ku waraabiyaan beer ugu taalla gudaha halkaas.

Ehellada Afartan nin ee dhintay ayaa sheegay in saacado kadib markii ay ceelka ku dhaceen la ogaaday, kadib markii uu kusoo wargeliyay mid kamid ah Shaqaalaha Beerta.

Bulshada degaanka Faafan ayaa waxaa ay ku guuleysteen inay Ceelka kasoo saaraan Meydadka Afarta Nin oo ku jiray in ka badan lix saacadood, waxaana islamaanta lagu Aasay Tuulada Hora-hawd.

Wasiirka ganacsiga oo khudbad ka jeediyay shirka waddamada dhex-dhexaadka ah

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Khaliif Cabdi Cumar iyo wefti uu hoggaaminaayey oo uu ka mid ahaa Madaxa Safaaradda Soomaaliya ee Serbia Ambassador Maxamed Cabdullaahi Axmed, ayaa caasimada dalkaasi Beldgrade kaga qeyb-galay shirka iyo xuska sanad guurada 60-aad ee ka soo wareegatay aas-aaska dhaq-dhaqaaqa dawladaha dhex-dhexaadka ka ah isbahaysiyada kale ee ka jira caalamka.

Dhaq-dhaqaaqan oo la yiraahdo Non Alingned Movement, ayaa ay dawladda Soomaaliya ka mid ahayd aas-aaseyaashii ururkan kaasi oo inta badan loogga hadlo iskaashiga dawladaha ku bahoobay gaar ahaan dhinacyada nabad-galyada, dhaqaalaha iyo jiritaanka dawladaha.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Mudane Khaliif Cabdi Cumar, ayaa shirkan oo socday muddo laba cisho ah, waxa uu halkaas ka jeediyey khudbad dheer oo uu kaga hadlaayey muhiimada iskaashiga dawladaha ku bahoobay Ururkan, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha iyo ganacsiga.

Waxa kale oo uu carabka ku dhuftay in Soomaaliya ay ayidsan tahay mabaadiida ururkan isla-mar-ahaantaana ay mar walba danaynayso inay nabad kula noolaato caalamka intiisa kale isaga oo wufuuda shirkan ka soo qeyb-galay u sheegay in waayo-aragnimada ay ka soo dhaxleen burburkii iyo dagaaladdii sokeeye ba ay tahay in wixii khilaafaad ah lagu dhammeeyo wada-hadal iyo hab nabdoon kuwaas oo ka mid ah mabaadiida uu ku dhisan yahay ururkani.

Wasiirka oo intii shirku socday kulamo gaar gaar ah la qaatay madaxda ka socotay caalamka, ayaa wuxu sidoo kale uu kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Serbia Mudane Nikola Selaković oo ay ka wada-hadleen iskaashiga dhaqaalaha, ganacsiga iyo dhiiri-gelinta Maal-gashiga.

Dawladaha Soomaaliya iyo Serbia, ayaa wada leh xariir dheer oo soo jireen ah oo soo bilaabmay horraantii 1950-kii, waxaana xiriidhkan cusub uu dib u furayaa siddii loo soo celin lahaa iskaashigii ka dhaxayn jiray labada dhinac gaar ahaan dhinacyada Ganacsiga, Dhaqaalaha iyo Maal-gashiga

Hoggaamiyeyaasha Dalalka G20 oo ku dhawaaqay ka go’anaanshahooda gargaar gaarsiinta Dadka Reer Afgaanistaan

Hoggaamiyeyaasha dalalka ugu dhaqaalaha weyn ee G20 ayaa mar kale xaqiijiyey “ka go’naanshahooda wadajirka ah” si loo hubiyo sii socoshada gargaarka bani’aadamnimada ee dadka Afgaanistaan, sida lagaga dhawaaqay Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka maraykanka.

Waxay ku heshiiyeen in gargaarku ku qulqulo dadka reer Afgaanistaan ​​“iyagoo u sii maraya ururo caalami ah oo madaxbannaan” si “kor loogu qaado xuquuqda aasaasiga ah ee dhammaan dadka reer Afgaanistaan, oo ay ku jiraan haweenka, gabdhaha, iyo xubnaha kooxaha laga tirada badan yahay,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Aqalka Cad ka dib shir madaxeedka G20.

“Mareykanka waxaa ka go’an inuu si dhow ula shaqeeyo beesha caalamka uuna u adeegsado hab diblumaasiyadeed, bani’aadanimo, iyo dhaqaale si wax looga qabto xaaladda Afgaanistaan ​​loona taageero dadka Afgaanistaan,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Ku dhawaaqista ayaa imaanaysa iyadoo Afghanistan ay wajahayso dhibaato dhaqaale oo saameysay kala bar dadka dalkaas, ama qiyaastii 18 milyan oo qof. Dalka Afgaanistaan ayaa ah dal ay si xoog leh u kabaysay kaalmo caalami ahi labaatankii sano ee la soo dhaafay

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Guterres ayaa sheegay in 80% dhaqaalaha Afgaanistaan ​​uu yahay mid aan rasmi ahayn iyadoo haweenku ay ciyaarayaan “door muhiim ah.” Taalibaan, ayaa ku guuldareysatay inay fuliso ballanqaadyadoodii ahaa inay ilaalinayaan xuquuqda haweenka, ayuu yiri madaxa Qaramada Midoobay isagoo ka codsaday taliyayaasha Afghanistan inay gutaan waajibaadka ka saaran xuquuqda aadanaha iyo sharciga caalamiga ah.

Ra’iisul wasaarihii dalka Austria oo is casilay

Ra’iisul wasaaraha dalka Austria Sebastian Kurz ayaa xilka iska casilay kadib eedeymo musuqmaasuq oo loo jeediyey dartood,mudane Kurz oo la hadlay telefishinka ayaa yiri “Dalkeyga ayaa iiga muhiimsan qofkeyga. Waxa hadda loo baahan yahay waa xaalado deggan. Waxaan rabaa inaan meel u banneeyo si aan uga hortago fowdada oo aan u xaqiijiyo xasilloonida,”

Xafiiska dacwad oogaha guud ee dalka Austria ayaa baaraya Kurz iyo xubno ku dhow kooxdiisa oo looga shakisan yahay inay ku kaceen falal musuqmaasuq.

Hoggaamiyaha xisbiga Greens iyo guddoomiye ku xigeenka Werner Kogler ayaa dhankooda soo dhoweeyay iscasilaadda Kurz.

Madaxweynaha Jubaland oo kubaaqay in gargaar lala gaaro dadka ay abaaraha saameeyeen

Madaxweynaha Dowlada goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa sheegay in abaaro iyo xanuuno aan la garanaynin oo ka jira qeybo kamid ah Jubaland ay dhibaato ba’an ku hayaan xoolo dhaqatada iyo beeraleeyda qeybo badan oo kamid ah Jubaland taas oo khatar ku ah nolosha dad badan oo kamid ah bulshada deegaanka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in abaaraha ka jira qeybo kamid ah Jubaland ay yihiin kuwo u baahan gurmad caalami ah iyo gargaar deg deg ah oo ay helaaan dadka tabaalaysan.

Waxaa Madaxweynahu uu ugu baaqay Dhammaan Hay’adaha gargaarka iyo cid walba oo tageero ka gaysan karta dhibaatada taagan inay tahay hada xiliga ugu haboon ee gurmad deg deg ah loo baahan yahay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Wasaaradda gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka ay wado dadaalo wax lagaga qabanayo xaalada hada taagan isla markana qiimaynta ay ilaa hada sameeyeen ay muujinayso in loo baahan yahay gargaar Caalami ah oo wax lagaga qabto saamaynta abaaraha jira ay gaysanayaan.

Xal ayaan u aragnaa go’aanka Maxkamadda Caddaaladda ee ICJ (warbixin)

THE HAGUE, NETHERLANDS - JULY 23: An inside view of International Court of Justice in The Hague, Netherlands on July 23, 2018. The International Court of Justice on Monday ruled that the United Arab Emirates had violated the rights of Qataris through the blockade it imposed on its Persian Gulf neighbor over a year ago. (Photo by Abdullah Asiran/Anadolu Agency/Getty Images)

Waxaa xaqiiqo ah in caalamkani uu yahay mid loo asteeyay aadanaha oo loogu talagalay in ay ka helaan adeegyada aasaasiga ah ee ku habboon nolosha,iyadoo sharci ahaan la dhowrayo xaqa iyo nasiibka bulsho kasta ay u yeelatay deegaan ama dal u gaar ah oo aan dhibaato u horseedeyn qawaaniinta guud iyo nidaamka dhaqan ee dunida.

Bulshada Soomaakiyeedna waxa ay ka mid tahay shucuubta caalamka ee dhaxalka u helay deegaan ka kooban bad iyo berri oo caalamka la wadaaga qawaaniinta iyo shuruucda soo jireenka ah ee lagu ilaaliyo danaha guud ee dunida. iyo kuwa urur goboleedyada ee dalalka deriska ah.

Marka laga yimaado dhulalka maqan ee ay bixiyeen gumeystayaashii reer Yurub,Waxaa xasuus ah in dalka Soomaaliyauuxoriyadiisa qaatay sanadkii 1960-kii,taasoo macnaheedu yahay in caalamku uu dal jira u aqoonsaday Soomaaliya,isla markaana aan lagu xadgudbi Karin sohdimaheeda sida dhulka,badda iyo marinka hawadeeda.

Haddaba, maxaa keenay bishii April 2009-kii in dowladdii ku meel gaarka aheyd ay saxiixdo heshiis isfaham oo dalka Kenya u ogolaanaya in wadahadal ay ka galaan xadka biyaha Soomaaliya oo la tilmaamay in ay ka buuxaan keydad shiidaal ah?.

Muranka badda  oo socday in ka badan muddo 10-sano,waxa uu soo maray marxaladahaan

Bishii April ee sanadkii 2009-kii Dowladda Soomaaliya oo xilligaasi aheyd ku meel gaar iyo Dowladda Kenya,waxaa dhexmaray heshiis Isfaham oo ku saabsanaa in wadahadal laga yeesho xadka badda labada dal iyo sida suurtagalka ah ee loo qeybsan karo kheyraadka ku jira biyaha badda.

Heshiiskaasi ah,oo ahaa mid loo maray qaab qaldan iyo dambi laga galay shacbiga Soomaaliyeed,waxa uu sababay in 1-dii Agoosto 2009-kii ay diidaan Baarlamaankii Soomaaliya ee waqtigaasi .

Inkastoo Juulaay 2014-kii, maxkamadda ICJ la geeyay kiis ka dhan ahaa Kenya,haddana,13-kii July sanadkii 2015-kii ,Dowladdii Soomaaliya ayaa si  rasmi ah dacwad la xiriirta badda u gudbisay maxkamadda cadaaladda caalamiga ah ee ICJ.

Octobar 10 2015,Xukuumadda kenya ayaa codsatay in wadahadal  lagu dhameeyo dacwadda badda, arrimahasina ay ka shiraan labada dowladood Soomaaliya iyo Kenya.

waxaa jiray isku dayo badan oo keenay ay ku doonaaayeen in labada dal ay arimahooda ku dhameystaan meel dibadda ka ah maxkamadda caalamiga ah,isla markaana isfaham laga gaaro nidaamka loo marayo heshiiska xadka badda.

26 may 2016-kii maxkamadda ICJ ayaa ogolaatay in 19-ka setembar,isla sanadkaasi la bilaabo kiiska dacwadda badda ee Somaaliya iyo Kenya.

18-kii December 2017-kii dalka Kenya ayaa gudbiyay jawaabta ay ka bixisay dacwadda ay Soomaaliya u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee ICJ.

Feb 02, 2018 Maxkamadda Cadaaladda ee ICJ ayaa go’aansatay inay dhageysan karaan dacwadda ku saabsan muranka badda,ka dib kolkii garsoorayaasha Maxkamaddaasi ay u codeeyaeen xaqa sharci ahaan Soomaaliya ay u leedahay doodadda badda iyo sida Kenya  ay u diidan tahay qeynuun ahaan qaabka loo marayo muranka badda.

7-dii febraayo 2019 Magaalada London waxaa lagu qabtay shir ku saabsanaa suuq-geynta shiidaaka soomaaliya oo ay horsed ka aheyd Dowladda Soomaaliya.

Setembar 2019 Kenya ayaa codsi la xiriiray in hal sano- dib loo dhigo dhageysiga dacwadda u gudbisay Maxkamadda Caddaaladda ee Heuge.

Bishii Nofembar,2019-kii Magaalada Nirobi,waxaa ku kulmay Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Uhuro Kenyata,kuwaas oo ka heshiiyay in muranka badda uusan wax saameyn ah ku yeelan xiriirka laba ,isla markaana laga wada shaqeeyo arimaha ganacsiga iyo dibolomaasiyadda.

16-kii Bishii Oktoobar ee sannadkii 2019-kii Maxkamadda Caddaallada ee ICJ ayaa dib u dhigtay dhageysiga kiiska badda oo lagu ballansanaa 4-ta Nofeembar,waxayna mar kale ku muddeysay dhageysiga dacwadda bisha June ee sannadkii 2020-kii.

May 19 2020 maxkamadda ICJ ayaa mar kale ogolaatay dib u dhigidda dacwadda badda,waxayna shaacisay in mar kale la isu yimaado 15 maarso 2021-ka

Maarso 14 2021 Dowladda kenya ayaa sheegtay in aysan diyaar u aheyn in ay ka qeybgasho kulamada loogu talagalay in lagu qaado dacwadda badda. dacwadda

15-kii Maarso ee sanadkaan waxaa  Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ka bilowday dhageysiga dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya,iyadoo  la diiday codsi kale oo Kenya ay ku dooneysay in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda badda,waxaana halkaasi ka maqnaaday qareenadii matalayey Kenya.

Haddaba,waxaa 12-ka bisha Oktoobar ee sanadka 2021 –ka Magaalada The Heuge ee Dalka Bilja m lagu soo gabagabeeyay dacwaddii muranka badda ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya,taasina waxa ay ka dhigan tahay in lagu soo afjartay hammigii iyo riyadii ay ku taameysay Dowladda Kenya oo aamisaneyd in dadka Soomaaliyeed ay ku jiraan xilli kala uur ah,isla markaana,lagu qasbi karo in laga fushado dano shisheeye.

Maxkamadda ICG,ayaa go’aamisay qodobo muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen:-

-In xadka badda uu yahay mid la dhirirsan xariiqa dhulka ee Soomaaliya,sidaa daraadeedna biyaha Soomaaliya ay yihiin lama taabtaan.

-Waxaa la diiday qorshaha Kenya ee ahaa in la weeciyo xariiqa xadka badda ee sdhinaca Soomaaliya.

-Maxkamadu waxay go;aamisay in wax mag-dhow ah aysan laheyn Soomaaliya ,maadaama qarasha badan ka galay dacwadda badda.

-Maxkamaddu waxay dhanka biyaha Soomaaliya ka jartay 12-mayl oo loo adeegsado marinada badaha caalamiga ah.

-Waxaa la go’aamiyay in labada dal Soomaaliya iyo Kenya ay u hoggaansamaan natiijada ka soo baxday maxkamadda ICJ.

Inta badan madaxda xukuumadihii u dambeeyay iyo shacbiga Soomaaliyeed,waxay soo dhoweeyeen natiijada go’aankii kama dambeysta ahaa ee kala saarayey muranka biyaha badda ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya.

Waa dhab in xilli kasta ay jiraan dad caafimaad qaba oo u diyaar ah ilaalinta danta dalka oo doonaya in ay ka hortagaan cid kasta oo  daneystayaal ah oo door biday in dalkooda ay ka fuliyaan damac shisheeye  oo keeni kara in lagula qeybsado dhaxalka dabiiciga ah ee qeyb ahaan ay u heleen bulshada Soomaaliteed.

waxaa lama huraan ah in la xuso doorkii shariifka ahaa ee ay aqoonyahanada Soomaaliyeed ka soo qaateen xal u helidda muranka badda,waxaana ka mid ahaa ex xeer ilaaliyihiin hore Daahir Axmed Cali, Injineer Maxamed Cumar Saalixi  ,Muuna Sharmaan,Prof Faarax Qare iyo xubno kale oo mihiim ah,kuwaas oo muujiyay in aan wax gorgortan ah laga gali Karin badda Soomaaliya,isla markaana damiyay damacii Kenya ee ahaa in ay wax ku yeelato badda Sooaaliya.

Sidoo kale,waxaan halkaan hambalyo uga direynaa garyaqaanada caalamiga ah ee Soomaaliya ku mataley dascwaddaasi, waxayna kala yihiin,1-Paul S Reichler oo u dhashay Dalka Mareykanka,2-Prof. Philippe Sands British-French ,3-Prof. Alain Pellet u dhashay Faransiiska ,4-Alina Miron u dhashay Faransiiska iyo,5-Edward Craven u dhashay Dalka Ingiriiska.

Xal ayaan u aragnaa go’aanka maxkamadda caddaaladda ICJ ee khuseeya xadka badda Soomaaliya,sidaa daraadeed,aragtida saliimka ah waxa ay na tuseysaa in maxkamaddaasi ay tahay mid dhexdhexaad ah oo u taagan hirgalinta shuruucda caalamiga ah ee lagu dhowrayo ama lagu ilaalinaayo xadadka badaha iyo beriga ee dalalka caalamka.

W/qoray Shire Xasan Kulmiye