Weerar loo adeegsaday Qaanso iyo Fallaadho oo ka dhacay Norway

Shan qof ayaa dhimatay, laba kalana waxaa soo gaaray dhaawacyo, ka dib markii nin ku hubeysnaa qaanso iyo fallaadho uu magaalada Kongsberg ee dhacda koonfur-galbeed caasimadda Oslo, uu weeraray dad ku sugnaa halkaasi.

Ninka weerarka geystay ayaa la sheegay inuu weerarka ka bilaabay gudaha dukaan weyn oo ku yaal galbeedka magaalada Kongsberg, waxaana labada dhaawaca ah ku jira askari.

Waxaa la sheegay in iska hor imaad uu dhexmaray ninka weerarka soo qaaday iyo booliska ka hor inta aan la qaban ninkaasi oo da’diisa lagu sheegay 37 sano jir u dhashay Danish .

R/wasaare Erna Solberg ayaa sheegtay in falkaasi uu yahay mid bahalnimo ah oo aad looga naxo.

Booliiska ayaa sheegay in ay sameyn doonaan baaritaan ku aadan in falkaasi uu yahay mid argagixiso ah iyo in kale.