MADAXWEYNAHA GALMUDUG OO MAGACAABAY GUDDIGA DAADEJINTA ADEEGGA DOWLADAHA HOOSE.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug.
Markuu Arkay: Qodobka 50aad farqaddiisa 5aad, ee Dastuurka Galmudug;
Markuu Arkay: Baahida loo qabo in lamagacaabo Guddiga Daadejinta
Adeegga Dowladaha Hoose,
Markuu tixgaliyey: Aqoonta iyo khibradda ay leeyihiin Daadeiinta Dowladaha hoose,
Markuu latashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda GM,
Madaxweynuhu wuxuu Magacaabay Guddiga Hoos Ku Xusan, waxaana hogaamin doona Madaxweyne kuxigeenka DGM, Mudane, Cali Dahir Ciid.
Qodobka 1aad.
1.Axmed Xasan Cali Wasiiru Dowlaha W. Arimaha Gudaha (Gud. Kuxigen)
2.Farxaan Cali Maxamuud Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda
3.Maxamed Xaashi Dhoore Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada
4.Cabdiwali C/llahi laamac Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka
5.Cabdinasir Geelle Cilmi Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta
6.Maxamuud Cabdi Axmed ‘Kaarshe’ Wasiirka Wasaaradda Biyaha Iyo Tamarta
7.Axmed Casir Dhiblaawe Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-U-Dhiska
8.Siciid Siyaad Shirwac Wasiirka Wasaaradda Bayada
10.Yaxye Xasan Xiish Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha
11. Ubax Xuseen Dhiblaawe Wasiirka Wasaaradda Haweenka yo Xuquuqda Aadanaha
Qodobka 2aad.
1. Waxaa lafarayaa dhammaan hay’adaha kala duwan ee Dowladda Galmudug, in ay la shaqeeyaan Guddigan si ay u gutaan
waajibaadkooda shago.
Qodobka 3aad.
1. Xeerkan wuxuu dhagan galayaa marka uu saxiiixo Madaxweynaha waana saxiixay.

Mareykanka oo taageero u fidiyay qoyskii ku waxyeeloobay duqeyntii Droniska ee Kaabul

Waaxda Difaaca Mareykanka ee Pentagon -ka ayaa dhambaal tacsi ah iyo lacago aan la cayimin u fidisay qoyskii 10 qof oo rayid ah oo ku dhintay duqeyn diyaaradeed oo Mareykanku bishii la Agoosto ee la soo dhaafay uu ka geystay Magaalada Kaabul ee dalka Afgaanist.

Waaxda Difaaca ee Mareykanka ayaa sheegtay inay samaysay ballanqaad ay ka mid yihiin bixinta lacag iyo in Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ay kala shaqeynayaan sidii loo taageeri lahaa  xubnaha qoyska ee danaynayay inay u guuraan Mareykanka.

Xafiiska Pentagoonka ayaa sheegay in dadkii ku dhintay duweyntii Kaabul ee 29-Agoosto ay ahaayeen dhibbanayaal aan waxba galabsan oo aan eed lahayn ,isla markaana  aan xiriir la lahayn Dawladda Islaamiga ah ee Gobolka Khorasa.

Duulaanka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Kabul ayaa lagu dilay ilaa 10 qof oo rayid ah oo ay ku jiraan 7 carruur ah.

Pentagon-ka ayaa horay u sheegay in weerarkii 29-kii bishii August lala beegsaday kooxo mitidiin ah oo halis weyn ku ahaa ciidammada uu hoggaaminayo Mareykanka ee ku sugnaa garoonka diyaaradaha,xilli ay socdeen dhamaystirka marxaladihii ugu dambeeyay ee ka bixitaanka Afghanistan.

Soomaaliya iyo Thailand oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Maxamud Axmed Nuur ayaa la kulmay danjiraha Thailand ee dalka Kenya Danjire H.E. Sasirit Tangulrat.

Labada safiir ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal oo ay ku jiraan horumarinta ganacsiga gaar ahaan kalluumaysiga, caafimaadka iyo waxbarashada.

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka UK oo u geeriyooday dhaawac tooreey ah oo maanta loo geystay.

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka UK oo lagu magacaabi jiray David Amess ayaa deegaanka laga soo doorto ee Leigh-on-Sea ugu geeriyooday dhaawac tooreey ah oo maanta jimco ah loo geystay.

Xildhibaankan oo lagu magacaabi jiray David Amess ayaa waxaa weeray nin mindi sitay oo dhowr goor ka galiyay saableeyda.

Amess oo ahaa 69 jir ayaa ka tirsanaa xisbiga talada UK haya ee Conservative.

Wuxuu baarlamaanka UK ku biiray sanadkii 1983 wuxuuna ahaa rug cadaa dhanka siyaasada oo caan ka ahaa dalka UK

source: Sonna

Ciidanka xoogga dalka oo howlgallo ka wada Sh/Dhexe

Taliyaha qeybta 27-Aad ee ciidanka xoogga dalka Generaal Maxamed Axmed (Tareedisho) oo kormeer shaqo ku marayay fariisimaha ciidanka xoogga dalka ay ku leeyihiin gobolka Shabeellada Dhexe ayaa tagay deegaanka Xaaji-Cali iyo degmada Warsheekh, waxuuna intii kormeerka uu ku jiray uu sarakiisha ciidanka xoogga dalka kula dardaarmay inay xoojiyaan howl-galada lagu baacsanayo argagixisada dhibaatada ku heysa shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaa la idinka rabaa idinkoo uturaya shacabka inaad sii labo jibaartaan howl-galada lagula dagaalamayo cadowga ummada Soomaaliyeed ee Al-Shabaab.

Jeneraal Maxamed Axmed Tadeerisho Taliyaha qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka oo sidoo kale kormeer ku tagay xeraha ciidamada AMISOM ee deegaanka Qolidhoow ayaa saraakiisha AMISOM la qaatay kulan gaar ah oo diirada lagu saaray sidii loo sii xoojin lahaa howl-galada ka dhanka argagixisada Al-Shabaab, isla markaana loogu xoreyn lahaa deegaannada fara ku turiska oo ay ka joogaan gobolka Shabeellada Dhexe.

“Waxaan la qaatay kulan gaar ahaan ciidamada AMISOM, si aan usii labo jibaarno howl-galada lagula dagaalamayo cadowga ummadda Soomaaliyeed ee Al-shabaab, waana isla qaadanay go’aankii ugu haboonaa,” ayuu yiri.

Taliyaha qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Generaal Maxamed Axmed Tareedisho ayaa sheegay in dhamaan howl-galadii ka socday gobolka Shabeellada Dhexe lagu guuleystay oo cadawga laga xoreeyey inta badan deegaanada muhiimka ah ee gobolkaas.

Taliyaha Boliska Soomaaliya oo ka qeybgalay shirka Ururka Iskaashiga Boliiska ee Bariga Afrika .

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa Magaalada Kinshaasha ee Dalka Jamhuuriyadda Koongo uga qeybgalay shir ay isugu yimaadeen Taliyeyaasha Ururka Iskaashiga Booliska ee Bariga Afrika .

Kulankaasi oo ahaa shir sanadeedkii 23 –aad waxaa taliyaashii ka qeybgalay ay diiradda ku aareen wadaagga xogta, amniga iyo wada shaqeynta Booliska ee Gobolka.

 

Yugaanda oo Soomaaliya u soo direysa 160 sarkaal oo Boliis ah

Mas’uuliyiinta dalka Yugaanda ayaa sheegay in bisha Disembar ee soo socota ay dalka Soomaaliya u soo diri doonaan 160 askari oo boolis ah,si ay uga qeybqaataan howlaha AMISOM  ee nabad -ilaalinta  dalka.

Saraakiisha ayaa dhameystay tababar socday muddo lix bilood ah oo loogu diyaar garoobay in ay ka qeybqaataan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), sida ay sheegeen booliska dalkaasi.

Saraakiishu waxay ka shaqeyn doonaan maareynta kala dambeynta dadweynaha, ilaalinta shaqaalaha Midowga Afrika (AU) iyo taageeridda hawlgallada bilayska ee u baahan jawaab celin degdeg ah.

Yuganda ayaa billowday inay ciidamo boliis ah keento Soomaaliya bishii July ee sannadkii 2012 -kii kaddib markii 2007 –dii,ay horay u soo dirtay ciidamo ka tirsan kuwa difaaca.

MADAXWEYNE FARMAAJO “WAA MAALIN QOF KASTA OO SOOMAALIYEED UU XASUUSAN YAHAY DAREENKA MURUGADA LEH EE QARAXII 14-KA OKTOOBAR

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shacabka Soomaaliyeed la wadaagay farriin ku aaddan Xuska Shuhadada Qaraxii 14-ka Oktoobar 2017-kii ay argagixisadu ku bartilmaameedsadeen boqollaal shacab ah, ayaa Alle uga baryey in uu naxariistiisa janno ku abaal mariyo shuhadadii aynu ku weyney weerarkaas.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in qof kasta oo Soomaaliyeed uu xasuusnaan doono dareenkii murugada lahaa ee ka dhashay weerarkii arxan darrada ahaa ee aynu ku waynay muwaadiniin Soomaaliyeed oo u taagnaa in ay door weyn ka qaataan horumarka dalkeenna iyo dib u dhiska dowladnimadeenna.
“Alle ha u wada naxariisto Shuhadada Qaraxii 14-ka Oktoobar. Waxaa ay ahaayeen muwaadiniin mudnaa nolol qurux badan, balse ay argagixisadu u qoonsadeen noloshoodii sharafta badnayd. Inkasta oo ay dhacdadaasi tahay mid uurkutaallo badan inagu reebtay, misna waxa ay ahayd dhacdo daaha ka feydey sida wanaagsan ee ay shacabka Soomaaliyeed isu caawiyaan, oo isu garab istaagaan.”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maaxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in geesiyaasheenna Ciidammada Qalabka Sida lagu garab istaago sidii ay ugu guuleysan lahaayeen ciribtirka haraadiga argagixisada arxanka daran ee Al-shabaab.

Wasiirka Caafimaadka JFS oo ka qayb gashay shir looga hadlayey Caafimaadka Aduunka

-WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA, AGAASIMAHA GUUD, LA TALIYEYAAL IYO MADAX KALE AYAA HANAANKA FOGAAN ARAGGA KAGA QAYBGALAYA MAALINTII 3AAD KALFADHIGA 68AAD EE (RC68 REGIONAL COMMITTEE FOR THE EASTERN MEDITERRANEAN COUNTRIES.

Qeyb kamida Kal-fadhiga waxaa shir guddomiyay lataliyaha Wasiirka Caafimaadka Prof. Maxamed Jaamac taasoo diirada lagu saaray Caafimaadka Aduunka iyo sida uu nabada iyo xasiloonda uga qeyb qaadan karo .

H.E. Dr. Fawziya Abikar Nur ayaa Madasha ka jeedisay kalmada Soomaaliya ee Shirka taasoo aad u taabanaysay ka qeyb qaadashada Caafimaadka ee dhisidda nabadda, hormarinta bulshada iyo dhaqaalaha & sida Caafimaadka loogu adeegsan karo inuu noqdo “buundada nabadda iyo Xasiloonida.

Sidoo kale Wasiirada ayaa ka hadashay
baahida Soomaaliya ay u qabto maalgelinta iyo dib udhiska nidaam caafimaad oo adkeysi u leh bixinta adeegyada Caafimaadka Assaasiga ah xiliyada xaaladaha deg-dega ah lagu jiro ee ay kacsanyihiin dhibaatooyinka iyo xasaradah

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka oo bogaadiyay qareennadii iyo khubaradii ka qeybqaatay difaaca baddeenna

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa amaan iyo bogaadin u jeediyay qareennadii iyo khubaradii qeybta weyn ka qaatay difaaca baddeenna,

“Sharaf iyo farxad ayay noo hayd aniga iyo wefdigeyga aan hogaaminaayay in aan goobjoog ka noqonno ku dhawaaqista go’aankii Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee dacwadda baddeenna, taas oo guushu nagu raacday.

Waxaan mahad iyo ammaan u jeedinayaa qareennadii iyo khubaradii qeybta weyn ku lahaa difaaca baddeenna, madaxda Qaranka oo u dhabar adeygay in guushan la gaadho, shacabka Soomaaliyeed ee taageerada iyo ducada nagala garab joogay iyo cid kasta oo kaalin ku lahayd in aan xaqiijinno guushan aan xaqeena ku soo dhacsannay”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka.