Horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku soo dhiibay ciidamada Xoogga dalka

Mohamed Kuulow Ali, oo ka tirsanaa horjoogayaasha Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibey Ururka 260-aad, Guutada 9-aad, Qeybta 60aad ee Ciidamada Xoogga dalka.

Horjooge Maxamed Kuulow ayaa maleeshiyada A-Shabaab ka mid ahaa Mudo 1-sano ah, wuxuuna ka soo howlgalay tuulooyin iyo deegeano hoostaga gobolka Bokool.

Wuxuu sheegay mudadii uu ku jiray Al-Shabaab inuu la kulmay horjoogayaasha sare ee Al-Shabaab, sagoona ka soo qeyb qaatey dagaalo Dhowr.

Horjooge Mohamed Kuulow Ali, ayaa Saaxibadiisa eeli ku jira Kooxda Nabad-diidka Alshabaab ugu baaqey in ay Dowladda isku soo dhiibaan, Isagoona sheegey in Alshabab ay yihiin kuwa Dadka dhiiggooda ka macaasha.

Maxkamadda ciidamaada qalabka sida oo xukuntay eedeysanayaal dhac u geysatay Xarun ganacsi

Faarax Cabdullaahi Calasow “Faaraxey”  iyo Maxamed Abshir Maxamed “Camey” ayaa markii ugu horraysay ka soo Muuqday Camerada Carwa Kaah Electronic oo ku taal degmada Hodan gaar ahaan  Taleex 29-kii June Sanadkan iyaga oo dhac u gaysanayo Carwada.

Faarax iyo Maxamed ayaa Carwada ka qaaday IPHONE,  SAMSUNG iyo agab kale oo electronic ah oo qiima ahaan ku kacayo $12945 Dollar.

Laba Alifle Boliis Faarax Cabdullaahi Calasow “Faaraxey”  ayaa u gacan galay Ciidamada Dowladda labadii July oo isla xilligaasi lagu wareejiyay Hay’adda dambi baarista Boliiska CID.

Baaris dheer kadib ciidamada amniga ayaa ku soo wareejiyay billowgii August sanadkan Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida oo   xilligaasi ka codsaday garsoorka in loo gudbiyo xabsiga dhexe gar-suge ahaan.

Xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida ayaa isku howlay sidii ay u samayn lahaayeen baaris kale oo ay ku xaqiijinayaan eedeymaha Boliiska, waxa ayna billowgii Oktoobar bishan codsadeen in la muddeeyo dhageysiga dacwad ka dhan ah Faarax Cabdullaahi Calasow “Faaraxey” iyo Maxamed Abshir Maxamed “Camey” oo maqana ah.

Maxkamadda ayaa aqbashay dhageysiga dacwadda 12-kii Bishan.

Maxamed Cabdullaahi Khaliif oo kamid ah Xeer Ilaaliyaasha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku eedeeyay labada eedeysane ee midi baxsadka yahay in ay magaallada dhac baahsan ka  gaysteen balse ay tahay Camerada kaah meesha kaliya ee laga helay cadayntooda, waxa uu sidoo kale soo bandhigay dambiya kale oo uu gaystay eedeysanaha Maxkamadda hor taagan sida dhaawac uu hore dhibane ugu gaystay.

Maxkamadda ayuu ka codsaday in lagu xukumo ciqaab u dhiganto qodobada ay ku soo eedeeyeen.

Qareenka u dooday eedeysanaha ayaa Maxkamadda ka hor sheegay in ay diyaar u yihiin in ay kala xaalaan Carwa Kaah magta qaybtooda, sidaas darteed ay Maxkamadda ka ogolaatay in laga qafiifiyo xukunka.

Dable Asluub Maxamed Abshir Maxamed “Camey” ayay Maxkamadda amar soo qabasho iyo hor keenis maxkamadeed ah u jartay hay’adaha amniga 26-kii September sanadkan.

Garsoorayaasha Maxkamadda oo fursad u siiyay dhinacyada dacwadda kaalintooda Maxkamadeeda ayaa ugu dambayn maanta kuwada xukumay Faarax Cabdullaahi Calasow “Faaraxey”  iyo Maxamed Abshir Maxamed “Camey” oo maqana ah min 10 sano oo xabsi ciidan ah iyo bixinta qiimaha lacageed ee ku xusan Dambiga ay galeen sida dhinacyada dacwadda uu u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Garsoorayaasha heerka Koowaad ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanayaasha ayaa haysta fursad ay ku dalban karaan Rafcaan muddo ku siman 30 cisho.

Ra’iisul Wasaaraha oo kulan casho ah ku maamuusay Ergada Soomaaliya ku matalayay Kiiska Badda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa munaasabad soo dhaweyn ah u qabtay Ergadii Soomaaliya ee Kiiskii difaaca Baddeenna oo uu hogaaminayey Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa uga mahadceliyey dadaalka ay ku bixiyeen difaacan Qaran, isaga oo dul istaagay halgankii dheere ee lagu bixiyey sidii looga hor istaagi lahaa Kenya damaca ay ku doonaysay in ay ku qaadato qeyb ka mid ah badda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa bogaadiyey isku duubnida shacabka Soomaaliyeed iyo sida wadajirka ah ay ugu istaageen dacwadda lagu difaacayey baddeenna, isaga oo tilmaamay in taas ay ka tarjumeyso biseylka iyo wadaniyadda ay ku tilmaaman yihiin shacabka Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed iyo xubnaha weheliyey ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha munaasabaddan maamuuska ah, iyagoo adkeeyey qorsheyaasha lagu sii ilaalinayo madaxbannaanida iyo qarannimada dalkeenna.

Qarax khasaare gaystay oo ka dhacay magaalada Beled weyne

Beledweyne- Uga yaraan laba ruux oo midi uu yahay gudoomiyihii degmada Feer-feer ee gobalka Hiiraan iyo gabar askariyad ayaa ku geeriyooday halka seddex kalena ay kuy dhaawacmeen kadib qarax ka dhacay saldhiga magaalada Beledweyne ee G. Hiiraan.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa ku waramaya in qaraxa uu ahaa mid hore meesha loo dhigay, loona maleynayo in uu yahay kan meelaha fog laga hago oo kooxda Al-Shabaab ay gaysto, waxana hadda socda baaritaan ku aadan sababta oo faah-faahsan.

Madaxweyne Farmaajo oo madaxtooyada ku qaabilay carruurta Eng Maxamed Cumar Saalixi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay qaar ka mid ah ubadka Marxuum Maxamed Cumar Saalixi oo laf dhabar u ahaa guushii aan ka gaarnay kiiskii dacwadda baddeenna.

Faysal Maxamed  Cumar Saalixi, Faadumo Maxamed Cumar Saalixi iyo Ismaaciil Maxamed Cumar Saalixi ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey maamuska uu u sameeyey, iyaga oo xusay ahmiyadda ay u leedahay guusha taariikhiga ah ee aynu ka gaarnay kiiska Dacwadda Baddeenna.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in halyey Maxamed Cumar Saalixi, uu ku suntanyahay Baal dahab ah wadaniyad, dal jacayl iyo ilaalinta hantida Qaranka, waxa uuna tilmaamay doorkii uu ka soo qaatay dowladnimada iyo horumarinta dalkeenna.

Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo fasaxday shaqaalaha

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in shaqaalaha kala duwan ee hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa gaarka ay fasax yihiin maalinta Isniinta ee ku aaddan 12 bisha Mowliid si loo wayneeyo dhalashada Rasuulkeenna Suubban (NNKH).

Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu hambalyeysay shaqaale weynaha Soomaaliyeed iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee muslimiinta dhalashada nabigeena (SCW).

Ra’iisul wasaaraha Suudaan oo sheegay in uu ku howlanyahay qorshe dalkiisa looga saarayo dhibaatada ragaadisay

Ra’iisul wasaaraha dalka Suudaan Cabdalla Xamadook ayaa Jimcihii shalay shaaca ka qaaday in uu damacsanyahay meel marinta qorshe cusub oo lagu soo afjarayo khilaafka siyaasdeed ee ka taagan dalkiisa.

Mudane Xamadook, ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay qaadi doonto tallaabo wax ku ool ah oo wax looga baddalayo Siyaasadda Suudaan.

Ra’iisul wasaare Xamadook, ayaa sidoo kale tilmaamay in khilaafkii Siyaasadeed ee ugu xumaa Suudaan, uu soo maray mudadii labada sano aheed ee uu dalka ku jiray nidaamka ku meel gaarka, taasi oo keentay in ay ka aamin baxaan qaar ka mid ah waddamo saaxiibo laha Suudaan.

Ra’iisal wasaare Rooble oo xafiiskiisa ku soo dhoweeyay ergadii Soomaaliya ku matalayay kiiska baddeenna

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku soo dhaweeyay ergadii Dowladda Soomaaliya ku matalayay kiiska baddeenna.

Ra’iisal wasaaraha ayaa ugu hambalyeey shaqadii wanaagsaneyd iyo guushii ay qaranka u soo hooyeen.

Wafdigii Dowladda Federaalka uga qeyb galay go’aankii Maxkamadda caddaalada Aduunka ee ICJ oo uu hoggaaminayay Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana si weyn loogu soo dhoweeyay Garoonka diyaraadaha Aada. cadde ee magaalada Muqdisho.

Mareykanka oo taageero u fidiyay qoyskii ku waxyeeloobay duqeyntii Droniska ee Kaabul

Waaxda Difaaca Mareykanka ee Pentagon -ka ayaa dhambaal tacsi ah iyo lacago aan la cayimin u fidisay qoyskii 10 qof oo rayid ah oo ku dhintay duqeyn diyaaradeed oo Mareykanku bishii la Agoosto ee la soo dhaafay uu ka geystay Magaalada Kaabul ee dalka Afgaanist.

Waaxda Difaaca ee Mareykanka ayaa sheegtay inay samaysay ballanqaad ay ka mid yihiin bixinta lacag iyo in Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ay kala shaqeynayaan sidii loo taageeri lahaa  xubnaha qoyska ee danaynayay inay u guuraan Mareykanka.

Xafiiska Pentagoonka ayaa sheegay in dadkii ku dhintay duweyntii Kaabul ee 29-Agoosto ay ahaayeen dhibbanayaal aan waxba galabsan oo aan eed lahayn ,isla markaana  aan xiriir la lahayn Dawladda Islaamiga ah ee Gobolka Khorasa.

Duulaanka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Kabul ayaa lagu dilay ilaa 10 qof oo rayid ah oo ay ku jiraan 7 carruur ah.

Pentagon-ka ayaa horay u sheegay in weerarkii 29-kii bishii August lala beegsaday kooxo mitidiin ah oo halis weyn ku ahaa ciidammada uu hoggaaminayo Mareykanka ee ku sugnaa garoonka diyaaradaha,xilli ay socdeen dhamaystirka marxaladihii ugu dambeeyay ee ka bixitaanka Afghanistan.

Madaxweyne Farmaajo oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Guddigii Soomaaliya ee Kiiska Baddeena.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Guddiga Soomaaliya ee Kiiska Baddeena ayaa ku bogaadiyey doorka taariikhiga ah ee ay ka qaateen qadiyaddan Qaran iyo sida jiilasha soo socda ay tusaalaha ugu noqdeen dhanka difaaca Qarankeenna.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in guusha kiiska badda ay muujisay kobaca dareenka wadaniyadeed iyo midnimo ee shacabka Soomaaliyeed, isaga oo Guddiga uga warbixiyey sida shacabka Soomaaliyeed ay u xuseen guushan taariikhiga ah iyo damaashaadka ay ka dhigeen dal iyo dibadba.
“Waxuu ahaa halgan caddaaladeed oo ku astaysan aragti fog, aqoon durugsan, dhiiranaan, waddaniyad, ilaalinta ammaanada ummadda iyo difaaca dadka iyo dalka. Waxa guulaystay halgan dheer oo aannu u galnay difaaca ciiddeenna iyo sarreynta calankeenna.”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Guddiga ayaa wadajir ugu duceeyey, Alle ha u naxariistee, Eng Maxamed Cumar Saalixi oo uu hammigiisu ahaa inuu goobjoog u ahaado miraha dadaalkii uu galiyay kiiskan, isaga oo ammaan iyo mahadcelin u soo jeediyey Qareennadii iyo khubarradii Soomaaliyeed ee u istaagay difaaca baddeenna oo ay ugu horreeyaan Drs. Muna Sharmaan.
Kulankan waxaa ku weheliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed iyo Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Cabdirixmaan Ducaale Beyle.
DHAMMAAD.