Madaxweynaha dowlada degaanka soomaalida oo la loo doortay

Madaxweyne Mustafe Cumar ayaa loo doortay inuu hoggaamiyo Deegaanka Somalida Jigjiga shanta sano ee soo socota.,Madaxweyne Mustafe ayaa seddexdii sano ee lasoo dhaafay Deegaanka Madaxweyne ka ahaa.

Madaxweynaha  ayaa cod aqlabiyad ah oo gacan-taag ah waxaa ugu codeeyay xubnaha Barlamaanka Deegaanka Somalida.,waxana sidokale madaxweyne kuxigeenka dowlad deegaanka somalida loo doortay Ibraahim Cusmaan Faarax

Hindiya: 24 ruux oo ku dhintay daadad ku dhuftay gobolka Kerala:

Ugu yaraan 24 qof ayaa ku dhimatay fatahaado ku dhuftay koonfurta Dalka Hindiya, kadib markii roobab mahiigaan ah ay sababeen in wabiyadu ay buux -dhaafaan, isla markaana ay kala jaraan isu socodkii magaalooyin iyo tuulooyin dhowr ah.

Shan carruur ah ayaa ka mid ah dadka dhintay, waxaa jirta cabsi laga qabo in tirada dhimashada ay intaas ka sii badato maadaama  la’yahay. dad badan.

Dad badan ayaa ku xayiran  degmooyinka Kottayam iyo Idukki  ee gobolka Kerala,waxaana jira Dhowr guri oo ay la tageen daadadka.

Ciidamada Mileteriga Hindiya oo adeegsanaya diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa wada howlgal lagu daadgureynayo dadka,waxaana la sameeyay boqol xero oo kuwa gargaarka ah,sida uu sheegay madaxa Kerala Pinarayi Vijayan.

MADAXWEYNE CABDICASIIS LAFTAGAREEN OO QAABILAY CULIMO KA SOCOTAY DOWLADA TURKIYA.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftgareen ayaa kulan la qaatay Culimo ka socday Dowlada Turkiya oo Maalmahan Magaalada Baydhabo u joogay Wacyigelinta Bulshada, Tababarida Culimaa’udiinka iyo Taakulaynta Dadka Danta yar.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftgareen ayaa Culimada ka socotay Dowlada Turkiga uga Mahadceliyey Booqashada ay ugu imaadeen iyo Dadaalkooda ku aadan sidii ay kaalin uga geysan lahayeen bulshada laga soo musaafuriyey Magaalada Laascanood ee Gobolka Sool.

Wasiirka wasaaradda gaashaandhiga JFS oo kulan la qaatay saraakiil ka socotay Safaaradda Maraykanka ee Soomaliya

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ahna Senatorka la doortay Avv.Xasan Xuseen Xaaji oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Maxamed Saciid Samatar Gacaliye ayaa kulan la qaatay Saraakiil ka socda Safaaradda Dowlada Mareykanka Ee Soomaliya.

kulanka aya diiradda lagu saaray Xoojinta Taageeradda Dowlada Mareykanka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo iskaashiga dhanka militariga.

Wasiirka Caafimaadka JFS oo ka qayb gashay xaflad lagu daahfurayay dib u dayactirka qeybaha caruurta Cisbitaalka Banaadir

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda Dr fawzia Abiikar Nuur ayaa maanta ka qaybgashay xafladd lagu daahfurayay dib u dayactirka qeybaha caruurta oo ay kaalin weyn ka qaateen jaamacadaha dalka taas oo ka dhacday isbitalka Banadir waxaana kasoo qeybgalay Agaasimayaasha wasaarada Caafimaadka, Gudoomiyaha midowga jaamacadaha, Gudoomiyaasha iyo hormuudyada jamacadahaDalka, Gudoomiyaha hormud salaam Foundation, Agaasimayaasha Isbitaalada De-Martino iyo Sumait.

Maamulka iyo shaqaalaha isbitaalka Hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir ayaa ugu mahad celiyay maamulka jaamacadda kaalmada ballaaran ee lama ilaawaanka ah ee ay ka geysteen dib u dayactirka qaybaha caruurta (Pediatric Department) ee isbitaalka Banaadir kaasoo socdey bilihii June ilaa September 2021.

Wasaarada Caafimaadka iyo daryeelka bulshada ayaa si guud uga mahadcelisay Jaamacadaha kaalinta mugga leh oo ay kaa qaateen dhismaha iyo dayactirka qeebta Caruurta ee isbitaalka Banaadir.

Tababar ku saabsanaa wacyi galinta codbixiyayaasha ee geedi socodka doorashooyinka oo Gaalkacyo lagu soo gaba gabeeyay.

Tababarkaan ayaa ahaa mid ku saabsanaa wacyi gallinta codbixiyayaasha iyo daneeyayaasha siyaasada ee geedi socadka doorashada oo ay taab a galintiisa iska kaashanayeen Guddiga Doorashooyinka heer Federaal iyo machadka dimuquraadiyada iyo doorashooyinka qaarada Afrika ee EISA ayaa maanta magaalada Gaalkacyo loogu soo xiray xubno ka tirsan bulshada qeybahooda kala duwan

Tababarkaan ayaa socaday muddio 4 maalmood ah waxaana sirasmi ah maanta usoo xiray duqa dagmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Jimcaale.

Ugu horeyn munaasabada xiritaanka tababarka ayaa waxaa ka hadlay Dr Maxamed Muuse oo kamid ah xubnaha Guddiga Doorashada heer Federaal ee tababarka bixinayay wuxunna xusay in tababarkan uu ahaa mid bulshada u fududeeynaya ka qeyb galka doorashooyinka

Qaar ka mida xubnihii ka qeyb galay tababarka oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa iyagu ka warbixiyay waxyaabihii ay ka faa’ideen tababarka mudadii uu socday waxaana ay sheegen in ay ka ka faa’iideen barashada habraacyada doorshada iyo si ay ku ansaxeyso doorshada xubinta ka mid noqan doonta golaha shacabka

Duqa degmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Jimcaale oo tababarka soo xiray ayaa ugu horeyn umahad celiyay madaxdii ka socotay Guddiga doorashada heer Federaal, isagoo dhanka kalana sheegay in Gaalkacyo ay udiyaar garoowday qabashada doorshada 11 kursi oo ka mida kuraasta golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Dalka.

 

 

LAFTAGAREEN OO XARUNTA MADAXTOOYADA KU QAABILAY WAKIILKA HAY,ADDA FCA EE SOOMAALIYA

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada ku-meel gaarka uah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo waxa uu ku qaabilay Wakiilka Hay’adda FCA ee Soomaaliya Ikali karvinen.

Ikali karvinen Wakiilka cusub ee Hay’aada FCA ee Soomaaliya iyo Xubnaha ku wehlinayey socdaalkiisa ayaa Madaxweynaha Warbixin ka siiyey socdaalkooda iyo Waxyaabihii uqabsoomay sanadihii lasoo dhaafay waxaana ay xuseen in Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay kala shaqeynayaan Dhisida Gollaha Deegaanka Degmooyinka Koonfur Galbeed,Hormarinta Waxbarashada,Caafimaada iyo Daadejinta Adeegyada Dowlada.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa U-mahadceliyey Wakiilka Hay,adda FCA Ikali karvinen iyo Madaxda ku wehlinaysa Socdaalkiisa waxaana uu xusay in ay bogaadinayaan shaqada wanaagsan ee Hay’adda ay ka wado deegaanada Koonfur Galbeed.

“waan idin kaga mahadcelinayaa booqashada aad iigu imaateen waxaan ku faraxsanahay shaqada amaanta mudan ee aad ka wadaan deegaanada koonfur galbeed ha ahaato dhisida gollaha deegaanka,waxbarashada iyo caafimaadka,dowlad goboleedka aan hogaamiyo ahmiyad gooni ah ayey noo leedahay dhismaha gollaha deegaanka degmooyinka koonfur galbeed guulaha hiigsiga leh ee aan wadno sida noogu garab siinaysaa waan idinkaga mahadcelinaynaa.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ka mahadceliyey Dadaalka Hay’adda FCA ka wado Deegaanada Koonfur Galbeed.

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA WARBAAHINTA MADAXTOOYADA DOWLAD GOBOLEEDKA KOONFUR GALBEED.

Ku-simaha Madaxweynaha Puntland oo maanta kormeeray Banggiga Dhexe ee Puntland

Ku-simaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta kormeeray Bangiga Dhexe ee Dowlad Goboleedka Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa kormeeray qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay Banggiga Dowladda, isagoo u kuurgalay sida shaqadu u socoto, waxaana uu warbixin ka dhegaystay Guddoomiyaha Banggiga Dowladda iyo madaxda kale.

Ugu dambeyn Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa boggaadiyay mas’uuliyiinta Banggiga iyo shaqaalaha, wuxuuna faray in ay halkaasi kasii laba jiibaaraan adeega Banggigu u hayo dadweynaha.

Madaxweynaha Turkiga oo booqasho ku maraya dalal ka tirsan Afrika

Turkiga oo xoojinaya xiriirka uu lee yahay waddamada Afrika, ayaa maanta oo Axad ah waxaa dalka Angola tegaya wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne Recep Tayyip Erdogan. Waa booqashadiisa ugu horreysa ee uu ku tegayo Angola, waxaana ku xigi doona wadamada Najeeriya iyo Toogo oo ka wada tirsan galbeedka Afrika.

Turkiga ayaa horrey mashaariic waaweyn uga hirgaliyay waddamada ay ka mid yihiin Soomaaliya, Ghana, Ruwanda.

Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya ka hirgalisay saldhiga ciidan oo lagu tababaro ciidamada Soomaaliya, sidoo kale, Turkiga waxa ay Ruwanda ka hirgaliyeen fagaare weyn  halka Ghana ay ka hirgaliyeen masjid weyn oo ay ku tukun karaan boqolaal kun oo qof.

Sidoo kale, dowladda Turkiga waxa ay dhistay mashruuc ku kacaya 400km oo ah waddada baabuurta dhulka u dhexeeya dekedda Djibouti ilaa caasimadda Itoobiya ee Addis Abab.

Maalgalinta mashruucani ayaa sababay in dowladda Itoobiya oo aan lahayn bad ay hesho marin loo mariyo ganacsiga soo mara dekedda Jabuuti.

Kuwani waa qaar ka mid ah raadadka sii kordhaya ee Turkiga uu ku lee yahay waddamada Afrika, iyadoo xukuumadda Ankara ay xoojisay labaatankii sanno ee la soo dhaafay sida ay uga dhex muuqan lahayd gobolkan oo markii ay ku tartami jireen quwadaha reer galbeedka iyo kuwa kale oo Maraykanka uu ka mid yahay.

Si kastaba ha ahaatee, xiriirka sii xoogeesanaya ee Turkiga uu la yeelanayo Afrika ayaa laga yaabaa inay miro badan dhaliso.

Safarka maanta u billaabanaya madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa wareeg kale  oo diblomaasiyadeed oo ku saabsan oo ku xoojinayo xiriirka dalkiisa uu la lee yahay waddamada ku yaalla galbeedka Afrika.

Madaxweynaha Turkiga iyo wafdigiisa ayaa inta uu marayo waddamada waxa uu saixiixi doonaa heshiisyo cusub, laakin waxaa la sii xoojinayaa xiririka ganacsiga ee u dhexeeya dalkiisa iyo waddamada uu tegayo, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka dowladda ee Anadolo.

Wasiiradda Arrimaha Dibedda dalalka Iran iyo Shiinaha oo ka wada hadlay heshiiska Nuclearka Iran

Wasiirka arrimaha dibedda Iran Hossein Amirabdollahian ayaa wada hadal la yeeshay dhiggiisa Shiinaha Wang Yi wada hadalka ayaa ku saabsan heshiiska nukliyeerka Iran oo ay barbar socdaan xiriirka labada dhinac iyo horumarka gobolka iyo kuwa caalamiga ah, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibedda ee dalka Iran.

Labada diblomaasi ee ugu sarreeya labada dal waxay ku wada hadleen khadka taleefanka “iyagoo ka wada hadlay xaaladdii ugu dambeysay ee Qorshaha Wadajirka ah ee Waxqabad ee Wadajirka ah (JCPOA),” ayay wasaaraddu ku sheegtay bayaan. JCPOA waa magaca rasmiga ah ee heshiiska nukliyeerka.

Dhinaca kale Wasaaradda ayaa Bayaanka ay soo saartay ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen “arrimo laba geesood ah, kuwa gobolka iyo kuwa caalamiga ah,” oo ay ku jiraan “xiriirka Iran iyo Midowga Yurub, Afgaanistaan, iyo wada xaajoodyada ku saabsan qaadista cunaqabateynta ka dhanka ah Iran.”