Wasiirka Caafimaadka JFS oo ka qayb gashay xaflad lagu daahfurayay dib u dayactirka qeybaha caruurta Cisbitaalka Banaadir

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda Dr fawzia Abiikar Nuur ayaa maanta ka qaybgashay xafladd lagu daahfurayay dib u dayactirka qeybaha caruurta oo ay kaalin weyn ka qaateen jaamacadaha dalka taas oo ka dhacday isbitalka Banadir waxaana kasoo qeybgalay Agaasimayaasha wasaarada Caafimaadka, Gudoomiyaha midowga jaamacadaha, Gudoomiyaasha iyo hormuudyada jamacadahaDalka, Gudoomiyaha hormud salaam Foundation, Agaasimayaasha Isbitaalada De-Martino iyo Sumait.

Maamulka iyo shaqaalaha isbitaalka Hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir ayaa ugu mahad celiyay maamulka jaamacadda kaalmada ballaaran ee lama ilaawaanka ah ee ay ka geysteen dib u dayactirka qaybaha caruurta (Pediatric Department) ee isbitaalka Banaadir kaasoo socdey bilihii June ilaa September 2021.

Wasaarada Caafimaadka iyo daryeelka bulshada ayaa si guud uga mahadcelisay Jaamacadaha kaalinta mugga leh oo ay kaa qaateen dhismaha iyo dayactirka qeebta Caruurta ee isbitaalka Banaadir.