Guddiga hirgelinta doorashooyinka ee Jubbaland oo shaaciyey xilliga la qabanayo doorashada afarta kursi ee dhiman

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland ayaa  shaaciyey xiliga la qabanayo doorashada afarta kursi ee ka dhiman aqalka sare ee deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Jubbaland Dr. Siyaad Maxamed Mursal oo warbaahinta la hadalay ayaa sheegay in Maalinta Berito ah la diiwaangelin doono musharixiinta Aqalka Sare, halka Maalinta Khamiista ah ay dhici doonto doorashada Afarta kursi ee Aqalka Sare uga harsan Maamulka Jubbaland.

Madaxweynaha Dowlada goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa xalay soo gudbiyay liiska afarta kusi ee ka harsan xildhibaanada Aqalka sare ee kasoo galaya Dowlad Goboleedka Jubaland

Madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari oo ku dhawaaqay in dowladdiisu dhawaan soo afjari doonto burcadda ka howlgasha dalkaas.

Buhari ayaa ka falcelinayey dilka ugu yaraan 43 qof oo lagu dilay suuq ku yaalla dowlad -deegaanka Goronyo ee gobolka Sokoto oo ay burcaddu falkan ka geysatay.

Bayaan uu soo saaray kaaliyihiisa warbaahinta ayaa lagu yiri “Weerarada fulaynimada ah ee ay burcaddu ku qaadday dad aan waxba galabsan waxay muujinayaan tallaabo gadaal ka ah dembiilayaasha cadaadis saaran. Laakiin ma lahaan doonaan meel ay ku dhuuntaan, ciidamadeenna amniga ee geesinimada lehna kama waantoobi doonaan gulufka hadda socda si ay uga adkaadaan cadowyadan naxariis darrada ah ee aadanaha, ”

 

Buhari ayaa sheegay in burcadda ay hadda cadaadis saaran yahay sababta oo ah howlgallada kaga socda dhinaca cirka iyo dhulka ee joogtada ah kuwaas oo ay ciidamada Amaanku la beegsanayaan goobaha ay ku dhuumanayaan kooxaha burcadda.

Madaxweynaha Jubbaland oo kulan laqaatay Xubana ka socday Qaramada Midoobay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Kismaayo ku qaabilay ku xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Anita Kiki Gbeho, oo booqasho ku tagtay halkaas.

Kulanka ayaa lagaga hadlay arimaha Doorashooyinka oo Maamulka Jubbaland ay xalay soo dhamaystireen xubnahii ku dhimanaa tartamayaasha Aqalka Sare taas oo dardar galin doonta howlaha Doorashooyinka.

Marwo Anita Kiki Gbeho, ayaa Jubbaland uga mahad celisay sida ay u ilaalisay qoondada haweenka ee aqalka sare iyadoo hoosta ka xariiqday in Qaramada midoobay ay tageerayso howlaha Doorashooyinka iyo sidii loo dardar galin lahaa.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo ka guddoomay Safiirka Sweden.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Balal Maxamed Cusmaan, ayaa maanta oo Isniin ah nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo kaga guddoomay Caasimadda Muqdisho Mudane Per Lindgärde, Safiirka Boqortooyada Sweden ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Intii uu kulanka socday, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa uu soo dhoweeyay Safiirka cusub ee Sweden , isagoo u rajeeyay inuu ku guuleysto howsha loo xilsaarray si uu hore ugu dhaqaajiyo xiriirka labo geesoodka ee labada dal si ay u yeeshaan iskaashi dhow oo dhinacyo kala duwan leh.

Dhankiisa, Danjiraha Boqortooyada Sweden ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsanyahay inuu dalkiisa ku matalo Soomaaliya, wuxuuna bogaadiyay xiriirka iyo iskaashiga labada dal, isagoo ku nuuxnuuxsaday inuu ku dadaali doono sidii loo horumarin lahaa xiriirkaas si loo gaaro himilooyinka guud ee labada dal iyo labada dad ee saaxiibka ah.

Kuuriyada Waqooyi oo mar kale tijaabisay gantaallo ballistic ah

Kuuriyada Waqooyi ayaa ugu yaraan hal gantaal oo nuuca ballistigga ah ku ridday biyaha badda dhanka bari ee gacanka,sida ay ka dhawaajiyeen Kuuriyada Koonfureed iyo Japan.

Saraakiil sare oo ka tirsan Kuuriyada Koonfureed.ayaa sheegay in mid ka mid ah gantaalaha ballistic -ga oo aan la garanayn la soo tuuray abbaare 10:17 subaxnimo manta ooTalaadado ah,wuxuuna tilmaamay in uu ka yimid agagaarka Sinpo.

Kuuriyada Woqooyi waxay leedahay saldhig badda hoosteeda ah iyo sidoo kale qalab loogu talagalay tijaabinta gantaalada ballistic-ga ee badda hoosteeda ,iyadoo halkaasi hore uga soo tuurtay noocyo kale oo gantaallo ah.

Tijaabooyinka gantaaladaan ayaa imaanaya xilli manta lagu wado in magaalada Siyool ay ku kulmaan Taliyayaasha sirdoonka ee Mareykanka, Kuuriyada Koonfureed, iyo Japan ,iyagoo ka wadahadlaya xaaladda Kuuriyada Waqooyi, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Kuuriyada Koonfureed ee Yonhap.

Ra’iisul wasaaraha Jabaan Fumio Kishida ayaa xaqiijiyay in sidoo kale la laba gantaal lala beegsaday badda,wuxuuna tijaabooyinka gantaalaha ee taxanaha ah ku tilmaamay ay yihiin kuwo laga xumaado.

Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa isku dayaya inay Kuuriyada Waqooyi ku dhiirigeliyaan inay dib ugu laabato wada xaajoodkii ku saabsanaa hubka iyo barnaamijyada nukliyeerka ee la mamnuucay.

Jubaland oo soo gudbisay musharaxiintii Ka hadhsanaa Senitorada Aqalka sare

Muqdisho (SONNA) Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa soo gudbiyay magacyada musharaxiinta 4-tii kursi ee ku hadhsanaa Senitorada Aqalka Sare kasoo galaya Dowlad Goboleedka Jubaland.

 

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug oo kulan la yeeshay Saraakiil ka socotay Amisom

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Amisom ee sector 4 iyo saraakiil uu hoggaaminayay.

Kulanka ayaa looga hadlay dardar galinta howlaha Doorashoyinka Galmudug iyo Sugidda Amiga.

Madaxweynaha ayaa soo Gaba gabeeyay kulamo Amni oo maalmahan uu la lahaa Saraakiisha Amisom.

Shirka wada-tashiga qorshe hawleedka xalka waara ee Dowlad goboleedka Galmudug oo soo gabo gaboobay

Shirka wada-tashiga qorshe howleedka 2021-2022 iyo Istaraajiyada Xalka Waara ee Dowlad Gobaleedka Galmudug ayaa maanta lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Dhuusamareeb.

Wada-tashigan oo socday muddo saddex cisho ah ayaa diirradda lagu saaray diyaarinta qorshe howleedka Istiraatijiyada xalka waara ee dowlad gobaleedka Galmudug iyada oo ay ka qeyb galeen wasaraadaha iyo hay’adaha ay quseeyso ee dowlad gobaleedka Galmudug iyo Xubno ka socday Xafiiska Xalka Waara ee Waaaradda Qorsheynta Qaranka oo gacan weyn ka geystay dar dargalinta tallaaboyinka wax looga qabanayo mushaakilaadka kala duwan ee keena masiibooyinka dabiiciga ah sida abaaraha, colaadaha iyo wixii la mid ah sidii wax looga qaban lahaa .

Agaasimaha guud ee Wasaaradda gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka Maamul Galmudug mudane Cumar Xasan Maxamuud ayaa yiri “waxaan rajaynaynaa in wasaaradda qorshaynta qaranka ay la timaado hal-abuuro dheeraad ah sida Strategy yada xalka waara taas oo la hordhigo deeq bixiyayaasha si ay ugu taageeraan wixii maaliyad ah ee lagu fulin karo”

Waxaa sharaf noo ah muddadii saddexda beri ahayd diyaarinta qorshe hawleedku socday in aad arrimo mudnaano gaar ah leh aad ugu darteen qorshe hawleedka xalka waara ee dowlad goboleedka Galmudug 2022.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorsheynta dowlad gobaleedka Galmudug Cabdullaahi Cumar Sakiin ayaa sheegay in howl ballaaran la qabtay oo wax ku ool u ah deeganada Maamulka Galmudug.

Madaxweyne laftagareen oo ka qeyb galay dhaarinta Guddiga Adeega Garsoorka

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ka qeyb-galay Munaasabad lagu dhaarinayey Gudiga Adeega Garsoorka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee dhowaan Madaxweynaha uu Magaacabay.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa gudiga Adeega Garsoorka kula dardaarmay inay si cadaalad ah ugutaan waajibkooda shaqo ayna u cadaalad falaan bulshada.

“dowladnimadu bilowgeeda iyo aas-aaskeeda waa garsoor iyo cadaalad hadii cadaalada iyo garsoorka uu galo walaac,baqdin iyo shaki oo uu istaagi waayo dowladnimadu maistaagto, waxaan ubaahanahay dadka reer koonfur galbeed meel waliba ay joogaan inay cadaalad helaan, xukunkaan iyo dowlada koonfur galbeedna ay ka helaan dadka hormuudka unoqonaayo oo larabo inay ka shaqeeyaan waa idinka waxaan idinkula dardaarmayaa inaad howshaas si cadaalad ah aad ugu adeegtaan bulshada.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Gudi Rabi uga bariyey in xilka loo igmaday la garab galo lana fududeeyo howsha adag.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya oo xariga ka jiray qeybta terminaalka garoonka diyaaradaha Magaalada Baladweyne.

Wasiirka wasaarada Gadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Duraan Axmed Faarax iyo Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali jeyte Cusmaan ayaa maanta Xariga ka jaray Dhismaha cusub ee qeybta Terminaalka garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Baladweyne.

Munaasibada Furitaanka Qeybta Terminaalka Garoonka waxa ka qeyb galay Agaasimaha Heyda Duulista Rayidka soomaaliya Axmed Xasan macalin Agaasime kuxigeynka Madaxtooyada Somaaliya iyo masuuliyiinkale oo ka tirsan,maamulka Gobolka Hiiraan odoyaasha dhaqanka iyo qeybaha Bulshada Magaalada Beledweyne.