Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug oo kulan la yeeshay Saraakiil ka socotay Amisom

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Amisom ee sector 4 iyo saraakiil uu hoggaaminayay.

Kulanka ayaa looga hadlay dardar galinta howlaha Doorashoyinka Galmudug iyo Sugidda Amiga.

Madaxweynaha ayaa soo Gaba gabeeyay kulamo Amni oo maalmahan uu la lahaa Saraakiisha Amisom.