Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya oo xariga ka jiray qeybta terminaalka garoonka diyaaradaha Magaalada Baladweyne.

Wasiirka wasaarada Gadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Duraan Axmed Faarax iyo Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali jeyte Cusmaan ayaa maanta Xariga ka jaray Dhismaha cusub ee qeybta Terminaalka garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Baladweyne.

Munaasibada Furitaanka Qeybta Terminaalka Garoonka waxa ka qeyb galay Agaasimaha Heyda Duulista Rayidka soomaaliya Axmed Xasan macalin Agaasime kuxigeynka Madaxtooyada Somaaliya iyo masuuliyiinkale oo ka tirsan,maamulka Gobolka Hiiraan odoyaasha dhaqanka iyo qeybaha Bulshada Magaalada Beledweyne.