Shirka wada-tashiga qorshe hawleedka xalka waara ee Dowlad goboleedka Galmudug oo soo gabo gaboobay

Shirka wada-tashiga qorshe howleedka 2021-2022 iyo Istaraajiyada Xalka Waara ee Dowlad Gobaleedka Galmudug ayaa maanta lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Dhuusamareeb.

Wada-tashigan oo socday muddo saddex cisho ah ayaa diirradda lagu saaray diyaarinta qorshe howleedka Istiraatijiyada xalka waara ee dowlad gobaleedka Galmudug iyada oo ay ka qeyb galeen wasaraadaha iyo hay’adaha ay quseeyso ee dowlad gobaleedka Galmudug iyo Xubno ka socday Xafiiska Xalka Waara ee Waaaradda Qorsheynta Qaranka oo gacan weyn ka geystay dar dargalinta tallaaboyinka wax looga qabanayo mushaakilaadka kala duwan ee keena masiibooyinka dabiiciga ah sida abaaraha, colaadaha iyo wixii la mid ah sidii wax looga qaban lahaa .

Agaasimaha guud ee Wasaaradda gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka Maamul Galmudug mudane Cumar Xasan Maxamuud ayaa yiri “waxaan rajaynaynaa in wasaaradda qorshaynta qaranka ay la timaado hal-abuuro dheeraad ah sida Strategy yada xalka waara taas oo la hordhigo deeq bixiyayaasha si ay ugu taageeraan wixii maaliyad ah ee lagu fulin karo”

Waxaa sharaf noo ah muddadii saddexda beri ahayd diyaarinta qorshe hawleedku socday in aad arrimo mudnaano gaar ah leh aad ugu darteen qorshe hawleedka xalka waara ee dowlad goboleedka Galmudug 2022.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorsheynta dowlad gobaleedka Galmudug Cabdullaahi Cumar Sakiin ayaa sheegay in howl ballaaran la qabtay oo wax ku ool u ah deeganada Maamulka Galmudug.