Madaxweyne Erdogan oo gaaray Nigeria

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa gaaray Magaalada Abuja ee Caasimadda Nigeria.
Erdogan ayaa waxa uu socdaal ku marayaa qaar ka mid ah dalalka Afrika gaar ahaan, saddexda dal ee kala ah Angola Togo, iyo Nigeria.

Madaxweyne Erdogan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Nnamdi Azikiwe ku soo dhoweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Nigeria Geoffery Onyeama, Wasiirka Caasimadda Federaalka Muhammad Musa Bello, Safiirka Nigeria u fadhiya Turkiga Ismaaciil Yuusuf Abba iyo Safiirka Turkiga ee Nigeria Hidayet Bayraktar.

Dadka la socda madaxweynaha waxaa ka mid ah marwada koowaad Emine Erdogan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Mevlut Cavusoglu, Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga Fatih Donmez, Wasiirka Gaashaandhigga Hulusi Akar, Wasiirka Ganacsiga Mehmet Mus, Omer Celik, Afhayeenka Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka Turkiga (AK) Party, AK Party Guddoomiyaha Arrimaha Dibadda Efkan Ala, Agaasimaha isgaarsiinta Fahrettin Altun iyo afhayeenka madaxtooyada Ibrahim Kalin.

Al-shabaab oo fal arxan darro ah ka geeystay Bakool

Ciidamo ka tirsan Uruurka 260, Guutada 9 aad, Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in ay u gurmadeen kolanyo Safar Gaari dameero ah oo Argagaxisada Al shabaab ay kugubeen duleedka Degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Ciidamada xoogga dalka ayaa gaaray halkii ay ku dhibateeynayeen argagixisada, waxaana halkaas ka dhacay Dagaal udhaxeeyay Ciidanka Xoogga Dalka iyo maleeshiyaadka arxan laawayaasha ah ee Al shabaab, halkaas oo jab xooggan looga geystay maleeshiyaadka Argagaxisada.

Gaari dameeradan la gubay oo ay wateen dad Shacab ah ayaa Raashin u waday degmada Waajid ee gobolka Bakool halkaasoo argagixisada Al shabab ay go’doomiyeen.

Wasiirka arrimaha dibadda XFS oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Kuwait

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, oo booqasho ku jooga dalka Kuwait, yaa kulan la qaatay Ra’iisul wasaaraha dalka Kuwait Sheekh Sabaax Khaalid Al-Xamad Al-Sabaax.

Kulanka intii uu socday ayaa labada Mas’uul waxa ay ka wada hadleen xariirka labada dal iyo sidii kor loogu qaadi lahaa loona xoojin lahaa si ay uga talaabsadaan horumaro wax ku ool ah oo ay gaaraan labada dowladood ee walaalaha ah.

Sidokale wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Kuwait Dr. Axmed Naasir Al-Moxammed Al-Sabaax, ayagoo kawada hadlay sii xoojinta wadashaqeynta labada dal ee soomaaliya iyo Kuwait.

Labada masuul ayaa waxay wada hadalkooda diiradda ku saareen iskaashiga iyo xariirka walaalnimo ee labada dal, iyagoo dib u eegis ku sameeyay horumaraddii ugu muhiimsanaa ee fagaarayaasha Gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee quseeya Kuwait iyo Soomaaliya.

Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay dalka Suuriya

Ugu yaraan 13 Askari oo ka mid ah Ciidamada Suuriya ayaa ku geeriyootay halka saddex kalena dhaawacyo kasoo gaareen kadib markii qarax lala beegsaday Bus ay la socdeen ciidamo ka tirsan Millariga Suuriya.

Taleefishinka Dowladda Suuriya ayaa sheegay in Askarta lagu laayay Laba qarax oo lagu diyaariyay meel u dhow halka ay gaarigu ka raacayeen Ciidanka oo ku taalla bartamaha Caasimadda ee Dimishiq.

Weerarkan oo dhacay aroornimadii hore ee Saaka ayaa ah kii ugu qasaaraha badnaa ee ka dhaca Dimishiq tan iyo intii la wiiqay awoodda kooxaha mucaaradka hubeysan ee Suuriya sanado ka hor.

Wakiilada Guddiga dastuurka Suuriya oo sheegay inay soo bandhigayaan qoraallada dastuuriga ah

Guddiga Wakiillada Dastuurka Suuriya ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay soo bandhigaan “qoraallada dastuuriga ah” ayna bilaabi doonaan inay aqoonsadaan aagagga ku meelgaarka ah ee heshiiska iyo ismaandhaafka, xafiiska ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Suuriya ayaa Talaadadii sheegay maalintii labaad ee wada-hadallada cusub.

Jenifer Fenton, oo ah afhayeenka ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Suuriya, Geir Pedersen, ayaa sheegtay in wareegga wada-hadalka ee hadda la qorsheeyay inuu socdo illaa Jimcaha.

Wareeg cusub oo wadahadalo ah oo diiradda lagu saarayo dastuur cusub oo loogu talagalay Suuriya oo dagaalku halakeeyey ayaa isniintii ka bilaabmay Geneva, iyada oo dhinaca mucaaradku ay xuseen inay sii socon doonaan laakiin waxay sheegeen in natiijadu aysan caddayn marxaladdan.

 

Kuuriyada Waqooyi oo mar kale Tijaabisay Gantaal Cusub

Dowlada Kuuriyada Waqooyi ayaa wali ku howlan horumarinta Gantaalada baalistik ah, si ay isaga difaacdo weerar kasta oo kaga imaan karo dowlada Mareykanka iyo dowladaha xulufada la ah sida Kuuriyada Koonfureed iyo Japan.

Kuuriyada Waqooyi ayaa tijaabisay Gantaal baalistik ah oo lagula dagaalamo Marakiibta dagaalka, gaar ahaan nuuca gujiska , waxaana tijaabadan la sheegay in Kuuriyada Waqooyi ay ku dooneyso in ay si dag dag ah u howlgeliso gujisyada xambaaro gantaallada.

Warbaahinta Kuuriyada Waqooyi ayaana xaqiijiyay tijaabadan cusub ee lagu sameeyay Gantaalka laga tuuray Marakiibta Gujiska, waxa ayna sheegeen Warbaahinta in gantaalkan lagu tijaabiyay xeebaha bari ee Kuuriyada Waqooyi.

Dowlada Mareykanka ayaa dhawaan ugu baaqday Kuuriyada Wqaooyi in ay joojiso daan daansiga ay waddo iyo tijaabooyinka Gantaallada ay sameeyneeyso, balse Kuuriyada Waqooyi ayaa ku gacan seeyrtay baaqan Mareykanka ka yimid.

Hadal jeedinta qaar ka mid ah xubnihii ka harsaneyd Aqalka sare oo maanta ka dhacaysa Kismaayo

Waxaa maanta Gelinka hore la filayaa in Xildhibaannada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Jubbaland ay dhageystaan khudbadaha musharixiinta u tartameeysa kuraasta ka harsan Aqalka Sare ee degaan doorashadoodu tahay Jubbaland.

Musharixiinta khudbadahooda Maanta jeedin doona ayaa waxaa ay gaarayaan ilaa 8 Xubnood, kuwaas oo ku tartami doona Afarta Kursi ee Jubbaland uga harsan 8 kursi ee Jubbaland ku leeyahay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Musharixiinta Aqalka Sare ee Maanta khudbadaha ka hor jeedin doono Baarlamaanka Jubbaland oo 5 kamid ah ay Dumar yihiin ayaa waxaay kala yihiin.

1: Layla Nuux Maax
Xareedo Maxamed Sheekh

2:Tbrahim Awgaab Cismaan
Farxiya Macalim Cabdi

3: Maryan Faarax Kadiye
Samsam Maxamed Bishaar

4: Xasan Daahir Yarow
Cali Maxamed Cali

Beri oo khamiis ah taariikhduna ay ku beegan tahay 21 Bisha Octoober ayaa waxaa la filayaa in Magaalada Kismaayo ay ka dhacdo doorashada Afarta Kursi ee Aqalka sare uga harsan Maamulka Jubbaland.

Guddiga doorashooyinka Gobollada Woqooyi oo sheegay in maalmaha soo socda ay bilaabi doonaan doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Gobollada Woqooyi (Soomaaliland) Khadar Xariir Xuseen, ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay bilaabi doonaan doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee ka soo jeeda Soomaaliland, ka dib kulan uu maanta uu Ra’iisul Wasaare Rooble la yeeshay guddiyada doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) iyo SIET Soomaaliland.

“waxaa la isla qaatay in labada isbuuc ee soo socota doorashooyinka si fiican oo hufan ay u bilowdaan, waxaa la isla qaatay in goobtii doorashada la soo qiimeeyo Odayaashii iyo ergadii soo xuli laheedna la dadejiyo , iyo in kuraasta ugu horeesa ay qabsoomi doonaan labada isbuuc gudahood la islana gartay qorshe hoowleed dhamees tiran oo ku qotama shaqa walba iyo xiligalaqaban doono”

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Gobollada Woqooyi ayaa sheegay in ay ballan qaadayaan in doorashada waqtigeeda aysan dhaafin si fiicana ay u qaban doonan.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay Ra’iisul wasaaraha dalka Kuwait

Kuwait City- Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo booqasho ku jooga dalka Kuwait ayaa kulan la qaatay Ra’iisul wasaaraha dalka Kuwait Sheekh Sabah Khaled Al-Hamad Al-Sabah. Kulanka intii uu socday ayaa looga hadlay xariirka labada dalka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa.

Dhanka kale wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Kuwait Dr. Axmed Nasser Al-Mohammed Al-Sabah. Labada dhinac ayaana ka wadda hadlay iskaashiga iyo xariirka labada, iyagoo dib u eegis ku sameeyay horumaraddii ugu muhiimsanaa ee ka dhacay fagaarayaasha Gobolka iyo kuwa caalamiga ah

Wasiirka Gargaarka XFS oo magaalada Geneva kaga qebgashay shirka Arrimaha Bini’aadanimada

Geneva- Wasiirka gargaarka iyo maareenta masiibooyinka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwa khadiija Maxamed Diiriye iyo wafdi ay hogaaminayso ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland, kaga qeybgalay shirka arrimaha Bini’aadanimada oo ka dhacay Geneva.

Wasiirka ayaa shirka warbixin ay uga hadlaysay xaalada Bini’aadanimo ee Dalka Ka jeedisay iyadoona sheegtay in ay wanaagsan tahay xaalada bini’aadanmino ee dalka.

Soomaaliya ayaa sanadihii u danbeeyay guulo ka gaartay xaaladaha bini’aadanimo ee dalka kajira.