Al-shabaab oo fal arxan darro ah ka geeystay Bakool

Ciidamo ka tirsan Uruurka 260, Guutada 9 aad, Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in ay u gurmadeen kolanyo Safar Gaari dameero ah oo Argagaxisada Al shabaab ay kugubeen duleedka Degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Ciidamada xoogga dalka ayaa gaaray halkii ay ku dhibateeynayeen argagixisada, waxaana halkaas ka dhacay Dagaal udhaxeeyay Ciidanka Xoogga Dalka iyo maleeshiyaadka arxan laawayaasha ah ee Al shabaab, halkaas oo jab xooggan looga geystay maleeshiyaadka Argagaxisada.

Gaari dameeradan la gubay oo ay wateen dad Shacab ah ayaa Raashin u waday degmada Waajid ee gobolka Bakool halkaasoo argagixisada Al shabab ay go’doomiyeen.