Wakiilada Guddiga dastuurka Suuriya oo sheegay inay soo bandhigayaan qoraallada dastuuriga ah

Guddiga Wakiillada Dastuurka Suuriya ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay soo bandhigaan “qoraallada dastuuriga ah” ayna bilaabi doonaan inay aqoonsadaan aagagga ku meelgaarka ah ee heshiiska iyo ismaandhaafka, xafiiska ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Suuriya ayaa Talaadadii sheegay maalintii labaad ee wada-hadallada cusub.

Jenifer Fenton, oo ah afhayeenka ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Suuriya, Geir Pedersen, ayaa sheegtay in wareegga wada-hadalka ee hadda la qorsheeyay inuu socdo illaa Jimcaha.

Wareeg cusub oo wadahadalo ah oo diiradda lagu saarayo dastuur cusub oo loogu talagalay Suuriya oo dagaalku halakeeyey ayaa isniintii ka bilaabmay Geneva, iyada oo dhinaca mucaaradku ay xuseen inay sii socon doonaan laakiin waxay sheegeen in natiijadu aysan caddayn marxaladdan.