Madaxweyne Erdogan oo gaaray Nigeria

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa gaaray Magaalada Abuja ee Caasimadda Nigeria.
Erdogan ayaa waxa uu socdaal ku marayaa qaar ka mid ah dalalka Afrika gaar ahaan, saddexda dal ee kala ah Angola Togo, iyo Nigeria.

Madaxweyne Erdogan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Nnamdi Azikiwe ku soo dhoweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Nigeria Geoffery Onyeama, Wasiirka Caasimadda Federaalka Muhammad Musa Bello, Safiirka Nigeria u fadhiya Turkiga Ismaaciil Yuusuf Abba iyo Safiirka Turkiga ee Nigeria Hidayet Bayraktar.

Dadka la socda madaxweynaha waxaa ka mid ah marwada koowaad Emine Erdogan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Mevlut Cavusoglu, Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga Fatih Donmez, Wasiirka Gaashaandhigga Hulusi Akar, Wasiirka Ganacsiga Mehmet Mus, Omer Celik, Afhayeenka Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka Turkiga (AK) Party, AK Party Guddoomiyaha Arrimaha Dibadda Efkan Ala, Agaasimaha isgaarsiinta Fahrettin Altun iyo afhayeenka madaxtooyada Ibrahim Kalin.