Kuuriyada Waqooyi oo mar kale Tijaabisay Gantaal Cusub

Dowlada Kuuriyada Waqooyi ayaa wali ku howlan horumarinta Gantaalada baalistik ah, si ay isaga difaacdo weerar kasta oo kaga imaan karo dowlada Mareykanka iyo dowladaha xulufada la ah sida Kuuriyada Koonfureed iyo Japan.

Kuuriyada Waqooyi ayaa tijaabisay Gantaal baalistik ah oo lagula dagaalamo Marakiibta dagaalka, gaar ahaan nuuca gujiska , waxaana tijaabadan la sheegay in Kuuriyada Waqooyi ay ku dooneyso in ay si dag dag ah u howlgeliso gujisyada xambaaro gantaallada.

Warbaahinta Kuuriyada Waqooyi ayaana xaqiijiyay tijaabadan cusub ee lagu sameeyay Gantaalka laga tuuray Marakiibta Gujiska, waxa ayna sheegeen Warbaahinta in gantaalkan lagu tijaabiyay xeebaha bari ee Kuuriyada Waqooyi.

Dowlada Mareykanka ayaa dhawaan ugu baaqday Kuuriyada Wqaooyi in ay joojiso daan daansiga ay waddo iyo tijaabooyinka Gantaallada ay sameeyneeyso, balse Kuuriyada Waqooyi ayaa ku gacan seeyrtay baaqan Mareykanka ka yimid.