Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay dalka Suuriya

Ugu yaraan 13 Askari oo ka mid ah Ciidamada Suuriya ayaa ku geeriyootay halka saddex kalena dhaawacyo kasoo gaareen kadib markii qarax lala beegsaday Bus ay la socdeen ciidamo ka tirsan Millariga Suuriya.

Taleefishinka Dowladda Suuriya ayaa sheegay in Askarta lagu laayay Laba qarax oo lagu diyaariyay meel u dhow halka ay gaarigu ka raacayeen Ciidanka oo ku taalla bartamaha Caasimadda ee Dimishiq.

Weerarkan oo dhacay aroornimadii hore ee Saaka ayaa ah kii ugu qasaaraha badnaa ee ka dhaca Dimishiq tan iyo intii la wiiqay awoodda kooxaha mucaaradka hubeysan ee Suuriya sanado ka hor.