War-Saxaafadeed Kasoo Baxay Kulamadii Udhexeeyey Madaxwaynaha Iyo Ra’iisul Wasaaraha

Kulan ay yeesheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxmed Xuseen Rooble ayaa looga wada hadlay qodobadan:

1. Dardar gelinta howlaha Dooroshoyinka.

2. Xoojinta wadashaqeynta iyo dardar galinta Hay’adaha Amniga Qaranka.

3. Xallinta kala aragti duwanaanshihii ka dhashay hoggaanka hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (HSNQ).

4. Kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Kulankaan oo ku qabsoomay jawi wanaagsan Madaxduna ay diiradda ku saareen maslaxadda ummadda Soomaaliyeed iyo danaha Qaranka ayaa la isku raacay qodobadan:

1. Ayada oo la tixgilinayo dib udhaca kuyimid jadwalka doorashooyinka ayaa madaxda waxey isku raaceen in la dardar geliyo howlaha doorashooyinka, waxeyna ugu baaqeen dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka Soomaliya in ay sida ugu dhaqsiyaha badan kubilaabaan asbuucyada soo socda doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

2. In si dhaw ay u wada shaqeeyaan hay’adaha Amnigu iyaga oo xoogga saaraya adkaynta amniga iyo xasilloonida guud ee dalka xilligan xaasaasiga ah ee dalku ku jiro doorashooyinka, Lana xoojiyo ladaagalanka argagaaxisa ee Alshabaab.

3. In Wasiirka Aminiga Cabdullahi Maxamed Nuur uu sii wato shaqadiisa si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka.

4. In Janaraal Bashiir Goobe loo magacaabo Wasiiru Dowle.

6. Madaxda ayaa isku raacay In Yaasin Cabdulahi Maxamuud (Farey) uu ahaado kusimaha Taliyaha hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (HNSQ) inta Madaxweynahu uu soo marsiinayo Ra’iisul Wasaaraha Taliye iyo Taliye kuxigeen kadibna La soo marsiinayo Golaha Wasiirada, si madaxweynuhu ugu soo saaro digreeto.

6. Madaxda ayaa isku raacay in kiiska Ikraan Tahliil Faarax loo daayo Hay’adaha Cadaaladda iyo Garsoorka, waxaana la faray hay’adaha amnigu in ay gacan ku siiyaan.

Ugu danbayn, Madaxda Qaranku waxay umahad celiyeen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xassan Moxamed (Lafta gareen) iyo masuuliyiinta kale ee udhabar adaygay sidii madmadowgii madaxda qaranka ka dhexjirey loogu dhameyn Lahaa Isfahan iyo afgarad, doorashaduna usocoto si habsami leh.

Madaxda waxa ay u muujiyeen shacabka Soomaaliyeed sida ay uga xunyihiin walwalkii ay dareemeen maalmihii la soo dhaafay iyaga oo u ballanqaaday shacabka in si midnimo leh ay uga wada shaqayn doonaan sidii ay dalka uga dhicilahayd doorasho hufan loona adkayn lahaa amniga guud ee dalka.

Wasaaradda Isboortiga oo ka soo horjeesatay doorashada ay qabsadeen guddiga Olombiyada Soomaaliyeed

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga ayaa soo saartay war-saxaafadeed kaga soo horjeesatay doorashada ay qabsadeen guddiga Olombiyada Soomaaliyeed, waxaana ay magacawday guddi ka soo tala bixiya doorashada ay qabsadeen Guddiga, taasi oo ay Wasaaraddu ku sheegtay inay baalmarsantahay sharciga u degsan dowladda.

War-saxaafadeedka ayaa u qornaa sidan:-

Sida aan wada ogsoonnahay dalka waxaa ka jira dowlad nidaam dastuuri ah oo ku salaysan sharci kala dambeyn, dowladduna waxa ay u igmatay arrimaha isboortiga iyo dhallinyaradda (Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga) oo ka mas’uul ah jaangooynta horumarinta siyaasadda isboortiga dalka guud ahaan, gaar ahaan horumarinta arrimaha garoomada, tartamada, tababarada iyo la shaqeeynta Wasaaradaha Dhallinyarada iyo Isboortiga Dowlad Gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir.

Hadaba, annagoo ogsoon in uu dhammaday mudo xileedkii Guddiga Olombikada Soomaaliyeed lagama maarmaanna ay tahay in la qabto doorasho loo siman yahay oo ay kawada qayb geli karaan dhammaan bahweynta Isboortiga Soomaaliyeed ayaa Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga waxa ay qoraal u qortay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2dii bishii October ee sanadkan ujeedadiisuna ahayd soo gudbinta xilliyada ay dhacayaan doorashooyinka Guddiga Olombikada Soomaaliyeed iyo Xiriirrada Isboortiga ayadoo ay la socoto xeer hoosaadyadooda si ay Wasaaraddu ugu diyaariso guddigii qaban laha doorashooyinkaas .

Nasiib darro, waxaa na soo gaaray in ay dhacday doorashadii Guddiga Olombikada Soomaaliyeed taariikhdu marka ay ahayd 20ka October 2021, ayagoo iska indha tiray qoraalkii Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga.

Sidaa daraadeed, Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga waxa ay si buuxda u cadaynaysaa:

  1. Inay Wasaaraddu goob joog ka ahayn doorashadii dhacday iyo in aysan aqoonsanayn wixii ka soo baxay.
  2. Waxa ay Wasaaradu ugu baaqaysaa xiriiradda kale inay ka foojignaadaan doorasho ay iskood u qabsadaan.
  3. Guddiga Olombikada Adduunkana waxaan ku wargelinaynaa inaysan Wasaaraddu la socon doorashaadaas.
  4. Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga waxay magacaawday guddi ka soo tala bixiya doorashada ay qabsadeen Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jubbaland oo qaabilay xubnaha Aqalka Sare ee la doortay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Aqalka martida ku qaabilay xubnaha cusub ee loo doortay Aqalka Sare een Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,  kuwaas oo ah xubnihii ugu dambeeyay ee laga sugayay Jubbaland.

  1. Xasan Daahir Yarow
  2. Ibraahim Aw-gaab
  3. Laylo Nuur Maax
  4. Maryan Faarax Kaahiye

Madaxweynaha Jubbaland ayaa xubnahan ku booriyay inay si wanaagsan oo danta dalka iyo dadka ku jirto ay u gutaan waajibaadka maanta loo doortay, isla markana sida ugu wanaagsan ay u matalaan Jubbaland.

Ra’iisul wasaaraha oo u hambalyeeyay xildhibaannada Aqalka sare ee maanta lagu doortay Jubbaland

-Ra’iisul Wasaare Maxamed Xueen Rooble ayaa hambalyo u diray xildhibaannada Aqalka sare ee manta lagu doortay magaalada Kismaayo ee Caasimadda kumeel gaarka Jubbaland.

Mudane Rooble ayaa yiri ”Waxaan hambalyo u dirayaa xildhibaannada maanta la doortay ee Jubaland ku matalaya

Golaha Aqalka Sare ee kala ah;

  1. Xasan Daahir Yarow
  2. Ibraahim Aw-gaab
  3. Laylo Nuur Maax
  4. Maryan Faarax Kaahiye

Waxaan sidoo kale ugu hambalyeynayaa  Madaxweynaha, Baarlamaanka Jubaland iyo guddiyada doorashooyinka in ay soo dhammeystirka doorashadii Aqalka Sare.”

Jubbaland oo soo gaba-gabeeysay doorashada xildhibaannada Aqalka sare ee BFS

Afar mudane oo ka mid noqon doona Xildhibaanada Baarlamaanka Aqalka sare ee DFS ku matalaya Jubbaland ayaa maanta lagu doortay magaalada Kismaayo ee caasimadda kumeel gaarka Jubbaland.

Xasan Daahir Yarow ayaa 59 cod ugu soo baxay kursigii shanaad oo ay doorashadiisa maanta ka dhacday gudaha Kismaayo, wuxuuna ka guuleystay Cabdi Xuseen Cali oo helay 13 cod.

Sidoo kale Ibraahim Awgaab Cismaan ayaa ku guuleeystay kuriga 6-Aad isaga oo helay 57 cod, wuxuuna ka adkaaday Farxiya Macalim Cabdi.

Kursiga kale ee todobaad oo ahaa qoondo haween waxaa sidoo kale kusoo baxday  Layla Nuur Maax oo heshay 63, waxayna ka guuleysatay  Xareedo Maxamed Sheekh.

Maryan Faarax faarax Kediye ayaa kursiga siddeedaad ee Aqalka sare ku guuleysatay, iyadoo heshay codad gaaraya 50, halka Samsam Maxamed Bishaar oo la tartamaysayna ay heshay 22 Cod.

Soomaaliya oo ka qeyb gashay shirka ganacsiga Turkiga iyo Afrika

Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo wershadaha JFS, Eng Khaliif Cabdi Cumar ayaa magaalada Istambul ee dalka Turkiga kaga qeyb galay madasha 3-aad ee dhaqaalaha iyo ganacsiga ee Turkey-Afrika (3rd Turkey – Africa Economic and Business Forum).

Shirkan oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin, ganacsato iyo quburo xagga dhaqaalaha ah oo ka kala socota dowladda Turkiga iyo qaar ka mid ah waddamada Afrika ayaa lagu gorfeeyay kobcinta dhaqaalaha iyo dar-dar gelinta maal-gashiyada labada dhinac.

Eng Khaliif Cabdi Cumar, Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo wershadaha Soomaaliya oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay muhiimad weyn ugu fadhiyaan kulamada noocan ah ee lagu faaqidayo arrimaha dhaqaalaha.

Wuxuuna wasiirku xusay inay iskaashiga xagga ganacsiga iyo dhaqaalaha ay Soomaaliya leedahay Turkiga uu yahay mid aad u sarreeya loona baahan yahay in sare loo sii qaado.

Xasan Daahir Yarow ayaa ku guulaystay doorashada Aqalka sare ee jubbaland

Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah maamulka Jubbaland ayaa waxaa ka socota dhamaystirta doorashada xubnaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ku matalaya maamulkasi Jubbaland.

Doorashadan oo ay ku tartamayaan 8 xubnood oo buuxin doono Afarta Kursi ee ka harsanaa doorashadii Aqalka ee Jubbaland oo dhacday bishii 7aad ee sanadkan.

Xasan Daahir yarow ayaa noqday xildhibaankii ugu horreeyey manta loo doortay Aqalka sare ee Jubbaland 4 sano ee soo socota, isagoo helay 59-cod, waxaana la tartamay Cabdi Xuseen Cali oo helay 13 cod.

Dowladaha Soomaaliya iyo Kuweit oo ka wada hadlay arrimo la xiriira maalgashiga

Wasiirka arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Mohammed Abdul Risaaq Mahmoud, ayaa dalka Kuweit kula kulmay Agaasimeyaal guud, maareeyayaal iyo madaxda sare ee maalgashiga iyo hay’adaha horumarinta Kuwait si loo hirgeliyo horumarro kala duwan iyo mashaariicda maalgashiga ee Soomaaliya.

Wasiir Maxamed Cabdul Risaaq ayaa kulamo gooni gooni ah la yeeshay Mudane Badr Muhammad Al-Sacad, Guddoomiyaha Guddiga agaasinka sanduuqa Carabta ee horumarinta dhaqaalaha iyo Bulshada, Mudane Marwan Abdullah Al-Ghanim, Agaasimaha Guud ee sanduuqa horumarinta dhaqaalaha Carabta iyo Mudane Mr. Badr Al-Ajeel, Ku-simaha Maareeyaha maamulka maalgashiga Kuweyt.

Wasiirka ayaa madaxdii uu la kulmy ku boorriyay inay maal-gashadaan Soomaaliya iyo inay usoo diraan shirkadaha waaweyn ee Kuwait dhinaca maalgashiga u qaabbilsan, si ay u hirgeliyaan mashaariicdii horumarineed ee ugu dambeeyay dalka.

Wasiirku wuxuu sheegay in Soomaaliya ay tahay waddan dihin oo hodan ku ah kalluunka, macdanta, saliidda, xoolaha iyo dhulka wax -soo -saarka beeraha, ayna u furan tahay maalgashi shisheeye dhammaan qaybaha oo leh iskaashi wax -ku -ool ah oo ay ku jiraan warshadaha, korontada biyaha iyo hantida ma guurtada ah.

Dawladda federaalku waxay rajaynaysaa inay xiriir iskaashi la yeelato maalgashadayaasha iyo hay’adaha horumarinta ee Kuwait, si ay u noqdaan lamaanaha ugu muhiimsan Soomaaliya xagga horumarka iyo inay kaalin muuqata ka qaadato taageeridda dedaallada horumarinta Soomaaliya iyadoo maalgelinaysa mashaariicda ay dawladdu mudnaanta siinayso.

Ra’iisul wasaaraha XFS oo cambaareeyay falkii arxan darrada ahaa ee argagixisadda Alshabaab ku gubeen raashin iyo hanti ay lahayeen ganacsato Soomaaliyeed

Ra’iisu wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa cambaareeyay, wax laga xumaadana ku tilmaamay falkii kooxda argagixisadda alshabaab ay ku gubeen gubeen raashin iyo hanti ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed ee duleedka degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa yiri” Waxay tani tusaale u tahay in kooxdani meesha ugu fog ka gaartay naxariis darrida iyo u turid la’aanta dadka iyo xayawaankaba, falalka noocan ahna waxay soo taxnaayeen sanado badan oo ay kooxdu go’doomin ku haysay Waajid iyo deegaanno kale.”

Waxaan ammaanayaa Ciidammada Xoogga ee u gurmaday dhibbaneyaasha. Waxaa nala gudboon in aan meel uga soo wada jeesanno cadowgan nolosha u diiddan dadkeenna.

  

Guddiyada doorashada oo la kulmay golaha degaanka Galkacyo

-Guddiga doorashada Galmudug oo ay wehliyaan xubno ka mid ah guddiga doorashada heer federaal ayaa maanta la kulmay maamulka gobolka, golaha degaanka Gaalkacyo, Odoyaasha dhaqanka 11-ka beelood oo kuraastoodu taalo Gaalkacyo, haweenka iyo dhalinyarada.

Guddiga ayaa ku wargeliyey kasoo qeybgalayaasha in doorashada aqalka hoose dhowaan ay billaaban doonto, doorashada oo ku salaysan go’aanada madasha wadatashiga qaranka, Odoyaasha iyo bulshada rayidka oo ay xulayaan ergooyinka doorashada.

Maamulka Gobolka, golaha degaanka, Odoyaasha dhaqanka ayaa soo dhoweeyey guddigan iyo in doorashada ka dhacdo Gaalkacyo, waxayna sheegeen inay diyaar u yihiin si dhowna ula shaqeeynayaan guddiga doorashada.