Xasan Daahir Yarow ayaa ku guulaystay doorashada Aqalka sare ee jubbaland

Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah maamulka Jubbaland ayaa waxaa ka socota dhamaystirta doorashada xubnaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ku matalaya maamulkasi Jubbaland.

Doorashadan oo ay ku tartamayaan 8 xubnood oo buuxin doono Afarta Kursi ee ka harsanaa doorashadii Aqalka ee Jubbaland oo dhacday bishii 7aad ee sanadkan.

Xasan Daahir yarow ayaa noqday xildhibaankii ugu horreeyey manta loo doortay Aqalka sare ee Jubbaland 4 sano ee soo socota, isagoo helay 59-cod, waxaana la tartamay Cabdi Xuseen Cali oo helay 13 cod.