Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal ku dilay xubno ka tirsan argagixisada Al-Shabaab

Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan kumaandooska DANAB oo ay wehliyaan ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa howlgal qorsheysan waxay ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada ayaa sigaar ah  howlgalkan uga fuliyay degaannada Hiloshiid, Janay Cabdale, Kubokibir iyo deegaanka Canjeel, halkaas oo la sheegay inay mararka qaar si dhuumaleeysi ay ku tegi jireen Xubno ka tirsan Malleeshiyada argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Saraakiisha hoggaamineysay Ciidamada ayaa sheegay in howlgalka ay ku dileen Saddex Xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo dadka Shacabka ah halkaas ku dhibaateyn jiray.

Suuriya :Mareykanka oo dilay hogaamiye sare oo ka tirsan Al-Qaacida

Militariga Mareykanka ayaa dilay Cabdul Xamiid Al-Matar  oo ahaa hogaamiye sare oo ka tirsanaa Al-Qaacida, kadib duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday Siiriya, sida uu sheegay afhayeenka taliska dhexe ee Mareykanka.

Duqayntan ayaa imanaysa laba maalmood ka dib markii la tilmaamay in kooxda Al-qaacida ay weerareen fariisin mileteri oo Maraykanku ku lahaa koonfurta dalka Suuriya.

Ma jiro khasaare kale oo la ogyahay oo ka dhashay duqeynta diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Droniska  ayuu yiri Afhayeen u hadlay Pemtagoonka , isaga oo intaas ku daray in la adeegsaday diyaarad nuuceedu yahay MQ-9.

Bishii Sebtembar, Pentagon-ka ayaa sidoo kale weerar ku qaaday waqooyi-galbeed Suuriya oo ay maamulaan kooxaha  fallaagadu, waxaana lagu dilay hoggaamiye kale oo sare oo ka tirsan Al-Qaacida, kaas oo lagu magacaabi jiray Salim Abu-Ahmad.

Inkastoo colaadaha ka ujira Siiriya ay dhaliyeen dagaallo adag oo ay ku lug leeyihiin ciidamo shisheeye, maleeshiyaad iyo kooxo hubeysan  oo ku xiran al-Qaacida iyo Daacish,haddana, qeybo badan oo ka mid ah Idlib iyo Aleppo waxay  weli ku jiraan gacanta mucaaradka hubeysan ee Suuriya,

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka oo Galmudug ugu baaqay inay dhameystiraan xubnaha ka harsan Aqalka Sare

Xubnihii Aqalka Sare ee ku harsanaa maamul goboleedka Jubbaland ayaa lagu doortay magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland.

Kusigii 5-aad ee ay sumadiisu tahay UH-49 waxa ku tartamay mushariinta kala ah:
1. Xasan Daahir Yarow
2. Cabdi Xuseen Cali

Natiijada hordhaca ah waxa kusoo baxay Xasan Daahir Yarow oo helay 59 cod

Kursigii 6-aad ee ay sumadiisu tahay UH-50 waxa ku tartamay musharixiinta kala ah:
1. Ibraahim Awgaab Cusmaan
2. Farxiyo Macalin Cabdi

Natiijada hordhaca ah waxa kusoo baxay Ibraahim Awgaab Cusmaan oo helay 57 cod

Kursigii 7-aad ee ay sumadiisu tahay UH-51 waxa ku tartamay musharixiinta kala ah:
1. Layla Nuur Maax
2. Xareedo Maxamed Sheekh

Natiijada hordhaca ah waxa kusoo baxday Layla Nuur Maax oo heshay 63 cod

Kursigii 8-aad ee ay sumadiisu tahay UH-52 Waxa ku tartamay musharixiinta kala ah:
1. Maryan Faarax Kadiye
2. Samsam Maxamed Bishaar

Natiijada hordhaca ah waxa kusoo baxday Maryan Faarax kadiye oo heshay 50 cod

Guddigu, waxa uu bogaadinayaa sida uu maamulka Jubbaland uga soo dhalaalay buuxinta qoondada haweenka ee 30%. Guddigu waxa uu ku boorrinayaa dhammaan Maamul Goboleedyada dalka in ay xil iska saaraan meelmarinta qoondada haweenka marka la gudagalo Doorashooyinka Gollaha Shacabka ee soo fool leh.

Xubnaha Aqalka Sare ee ilaa hadda la doortay waa 52 xubnood oo ka mid ah 54-ta xubnood ee Goluhu ka koobanyahay, labo (2) xubnood oo keliya ayaa ku dhimman Maamul Goboleedka Galmudug, waxa aanan ugu baaqaynaa maamulka Galmudug inay soo dhamaystiraan xubnaha Aqalka Sare ee ku dhiman.

Xubnaha Aqalka Sare ee qoondada haweenka ay ka heleen waa 14 xubnood oo u dhiganta 26% tirada guud ee Aqal Sare ka koobanyahay.

Ugu dambayn, Guddiyada Doorashooyinku waxay diyaar garow xoogan ugu jiraan hirgelinta Doorashooyinka Gollaha Shacabka oo dhawaan la filayo inay bilaabato.

Madaxweynaha Jubbaland oo qaabilay Wafdi uu hogaaminayay Wasiirka Maaliyadda

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Wafdi ka socday Dowladda Federaalka ah oo uu hogaaminayay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, kuwaas oo u yimid u kuur galidda xaalada abaaraha ee ka jira Jubbaland.

Sidoo kale wafdiga ayaa waxay deeq kala duwan oo ka kooban qalab Caafimaad ku wareejiyeen Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Jubbaland, si wax loogu qabto dadku uu saameeyay abaaraha..

Source: Sonna

Ra’iisul Wasaare Rooble oo xeebta Liido waqti kula qaatay shacabkii usoo nasasho tagay

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta booqday xeebta Liido halkaas oo uu waqti kula qaatay shacabkii u nasasho tagay, waxa uuna bulshada ku boorriyay in ay qeyb ka qaataan nabadda iyo xasilloonida caasimadda iyo guud ahaan dalka.

Source: Sonna

QM oo dib u eegeysa cune qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya

Geraldine Byrne Nason, oo ah Wakiilka Joogtada ah ee Ireland u fadhisa Qaramada Midoobey, ahna Guddoomiyaha Guddiga hoosaadka Golaha Ammaanka ee Soomaaliya ayaa xubnaha Golaha u dirtay laba warqadood oo ka hadlaya arrimo la xiriira suurtagalnimada in wax laga beddelo cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya iyo tallaabooyinka looga hortagayo maalgelinta Al-Shabaab.

Berne Nason, oo warbixin kooban ka siineysa Golaha amaanka shaqada Guddi Hoosaadka ee Soomaaliya intii u dhexeysay Juun 15 ilaa Oktoobar 20, ayaa intaas ku dartay in warqadaha ay sidoo kale ku saabsan yihiin cusbooneysiinta liiska cunaqabateynta iyo la dagaallanka xadgudubyada oo ay ka mid yihiin xadgudubyada galmada iyo mid ka ku saleysan jinsiga.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer Qaramada Midoobay ku tilmaamtay in ay ku tilmaantay mid seeto ku haysa awoodda ciidamadu kula dagaali lahaayeen kooxaha xagjirka ah.

1992-kii ayay ahayd markii ugu horreysay ee Qaramada Midoobay ay soo saartay qaraar ku lambareysnaa 733 kaas oo Soomaaliya u diidayay in ay iibsato amaba dhoofsato hubka iyo agabka ciidamada iyada oo marar kalena go’aankaas dib loo cusboonaysiiyay.

Source: Sonna

Serbiya oo ka mid noqotay dalalka Yurub ee lagu tegi karo Baasaboorka Soomaaliya.

Dowladda dalka Serbiya ayaa ogolaatay in dalkeeda lagu tagi karo Baasaboorka dalka Soomaaliya ,ka dib dadaal wadajir ah oo ay sameeyeen Wasaaradda Arrimaha Dibadda,Hay’adda Socdaalka iyo Safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi .

Tallaabadaan oo ay soo dhoweeyeen dadka Soomaliyeed ayaa imaaneysa ka gadaal markii Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dhinaca Qunsuliyadaha Vera Vukićević iyo Ku-xigeenkeeda Mirjana Živković ay guddoomeen mukumiintiyo ka hadlaya muuqalada saxda ah ee sadexda nuuc ee uu ka kooban yahay Baasaboorka Jamhuuriyadda Federaalka ah Soomaaliya .

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa ka mahad celiyay dadaalka maamulka Safaaradda Soomaaliya ee Belgrade ,iyagoo ku ammaanay kaalintii ay ku lahaayeen gudbinta taabagalka Baasaboorka dalka.

Dowladaha Soomaaliya iyo Serbia waxa ay horay u lahaayeen xiriir wanaagsan oo suurtagaliyay in la ogolaado Baasaboorka Soomaaliya.

Madaxweyne Laftagareen” Madaxda dalka waxa ay sameeyeen isutanaasul”

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa sheegay in uu dhamaaday kala ragtid uwanaantii u dhaxeeysay Madaxweyne Farmaajo & Ra’iisul Wasare Rooble taas oo salka ku heeysay arrinta Hay’adda NISA iyo Wasaaradda Amniga.

Laftagareen oo garwadeen ka ahaa wada-hadallada labada mas’uul ayaa sheegay in si kalsooni leh oo wanaag kujiro lagu dhameeyay khilaafka kadib dadaal dheer iyo iskudayo badna oo ay sameeyeen.

Sidoo kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa u mahad celiyay Madaxweyne Farmaajo & Ra’iisul Wasaare Roole oo uu sheegay inay tasaasul muujiyeen, waxaana uu sicad u sheegay in dadka Soomaaliyeed ay walwal ka qabeen khilaafka Madaxda.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in dhamaan madaxda dalka ay wada Shaqeyn doonaan ayna meesha ka baxday kala aragti duwanaantii jirtay haatana la guda galayo howlaha doorashooyinka.

 

Safiirka JFS ee Bakistaan oo la kulantay Madaxa Ciidanka Badda dalkaasi

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadija Mohamed Al-makhzoumi oo la kulantay taliyaha guud ee ciidamada Badda ee dowladda Bakistaan ayaa waxa ay kawada hadleen iskaashiga ciidanka badda ee labada dal.

Sidoo kale labada masuul ayaa muujiyay sida ay uga go,antahay xoojinta iyo sida ay muhiim utahay in iskaashiga dhanka ciidanka ah badda uu dhexmaro labada loogu baahanyahay.

“Waxaan kulan Iskaashi Ciidan Badda Ah aan la yeeshtay Taliyaha Guud Ciidamada Badda Amjad Khan Niazi, Waxaanna ka Wada Hadalnay Soomaaliya iyo Pakistan Sida aan u Xoojin laheyn Iskaashi Ciidan Ee Bada Ah,

“Dowladdaha Soomaaliya iyo Pakistan oo ka wada hadlay sameynta Iskaashi Ciidan ee Badda Ah  oo dhexmara Labada Wadan.ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska safaarada Soomaaliya ee dalka Bakistaan.

AMISOM oo maxkamad saareysa Askar dad shacab ah ku dishay Shabeelleda Hoose

Warsaxaafadeed kasoo baxay AMISOM ayaa waxaa lagu sheegay in guddi xaqiiqo raadin ah oo ay u saareen dilka dadka rayidka ah oo dhacay 10-kii Bishii Agoosto ee sanadkaan lagu ogaaday in todobo qof oo Shacab ah la dilay deegaanka Golweyn ee Gobolka Shabeellaha Dhexe

Sidoo kale AMISOM waxaa ay sheegtay in Guddiga oo ka koobnaa lix qof , oo uu hoggaaminayey wakiil ka socday Xarunta Wayn ee Guddiga Midowga Afrika ee Addis Ababa iyada oo ay xubnaha ka mid ahaayeen wakillo ka kala socdey AMISOM iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya (DFS), ay xaqijiyeen, in maalintii dhacdadu dhacday, ay ciidanka AMISOM ay dhab ahaan ku wajaheen dagaalyahannada Al-Shabaab goobta uu shilku ka dhacay, iyada oo ay xigtay is rasaasayn, isla markaana Dagaalka ay ku dhinteen hal askari oo AMISOM ah, mid kalena dhaawac uu soo gaaray.

“Sidaa darteed, AMISOM waxa ay qaadanaysaa mas’uuliyad buuxda ee falkan xun ee ciidankeeda, waxayna la xisaabtami doontaa ciidankii falka geystay si loo xaqiijiyo in caddaaladda loo adeego, sida ay ku taliyeen Guddiga Baarista, iyada oo la raacayo hannaanka saxda ah, ayey Dowladda Jamhuuriyadda Uganda, Dal ka mid ah kuwa Ciidankan Ku tabarrucay ahaan, ayna ka soo jeedaan cidanka falka geystay, waxay sameysay Maxkamad Ciidan si loo maxkamadeeyo ciidanka gefka geystay.

Maxkamadda Ciidanku waxa ay ka fariisan doontaa oo ay dacwadda ku qaadi doontaa gudaha Soomaaliya ayaa lagu yiri” Warka kasoo baxay AMISOM.

Sidoo kale waxaa AMISOM ay sheegtay” Waxaa la saadaalinayaa in, iyada oo la raacayo waajibaadkeeda ku xusan Heshiiskii Isfahamka ee ay la saxiixdeen Midowga Afrika, in Dawladda Uganda ay la xiriiri doonto qoysaska murugaysan si ay ugala hadlaan sidii loo magdhabi lahaa dadkii la dilay.

Ugu dambeyn AMISOM ayaa sheegtay si qoto dheer uga go’an tahay nabadda iyo amniga Soomaaliya iyo ilaalinta dadka deegaanka oo qayb ka ah waajibaadkeeda asaasiga ah. Sidaas awgeedna  hoggaanka Hawlgalku uu sii wadi doono inuu hubiyo u hoggaansanaanta adag ee waajibaadkiisa sida waafaqsan Sharciga Bani’aadamnimada Caalamiga ah (IHL), sharciga Xuquuqda Aadanaha iyo Xeerarka Hawlgelinta.