Doorashada golaha degaanka oo ka billowday degmooyin ka tirsan Puntland

Waxaa saakay aroortii hore si rasmiya u bilaabatay codboxinta doorashada qof iyo cod ee golaha deegaanka degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn.

Xilli horeba waxaa la buux dhaafiyey safafka, waxaana line dheer loogu jiraa sidii muwaadiniinta ay codkooda u bixin lahaayeen, una dooran lahaayeen dadkii matali lahaa.

Goobaha codbixintu ayaa lagu wadaa in ay soo xirmaan  6da maqribnimo haddii alle idmo.

Doorashooyinka ka socda Saddexda degmo ee Qardho, Eyl iyo Ufeyn ayaa waxaa ku tartamaya 8 urur siyaasadeed, iyadoo laga codeynayaa 54 xarumood, waxaana kaararka codeynta qaatay 37,578,  Doorashooyinka ka socda Saddexda degmo ee Qardho, Eyl iyo Ufeyn ayaa waxaa ku tartamaya 8 urur siyaasadeed, waxaana laga codeynayaa 54 xarumood, waxaana kaararka codeynta qaatay 37,578,  sidoo kale waxaa ku tartamaya 449 musharrax, waxaana qorshuhu yahay in la doorto 87 kursi oo ay degmooyinka u kala leeyihiin Qardho: 33 kursi, Eyl 27 kursi iyo Ufeyn:27 kursi

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka oo dhaariyay wasiiru-Dowlaha cusub Wasaaradda howlaha guud

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka ee BJFS Ayaa shir Guddoomiyay Kulanka Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka oo lagu dhaariyay wasiiru-Dowlaha cusub Wasaaradda howlaha guud ee uu shalay magacaabay Ra’isulwasaaraha Dalku.

Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka ayaa ka qeyb galay Kulanka Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka oo uu Ajendihiisu ahaa dhaarinta Mudane Bashiir Maxamed Jaamac (Goobe) oo Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u magacaabay wasiiru Dowlaha Wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

waxaana Wasiiru-dowlaha halkaas ku dhaariyay Xildhibaan Maxamed Cabdulle Faarax geesey oo ah Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha gudaha iyo amniga ee Golaha Shacabka, iyadoo au goob joog ka ahaayeen Wasiirka Cadaaladda iyo Wasiirad Khadija Maxamed Diiriye.

 

Ra’iisal wasaaraha JFS oo Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ergayga gaarka ah ee hay’adda UNHCR u qaabilsan Geeska Afrika Danjire Maxamed Cabdi Afey.

Ra’iisal wasaare Rooble iyo Danjire  Maxamed Cabdi Afey ayaa ka wada hadlay xaaladaha bani’aadnimo ee dalka iyo sidii loo gargaari lahaa dadka ku nool deegaannada ay  abaaruhu saameeyeen.

Kulankan ayaa daba socda baaq uu Ra’iisal wasaaraha u diray hay’adaha gargaarka iyo beesha caalamkan oo ku aadan in ay deg deg ugu gurmadaan dadka abaaruhu aafeeyeen ee ku nool Jubaland iyo deegaanno kale oo dalka ah.

Maamulka Jubbaland oo daah-furay mashruuc lagu yareynayo isticmaalka Dhuxusha

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda deegaanka iyo dalxiiska Dowlad Gobaleedka Jubbaland Saynab Rashiid Cige, ayaaa maanta furtay Mashruuca yareynta isticmaalka Dhuxusha iyo helidda Tamar kale.

Waxaana furitaanka mashruucaan ka soo qeyb galay Odayaasha Dhaqanka iyo Bulashada qeybaheeda kale ee Jubbaland.

Dadka aqoonta u leh cilmiga deegaanka ayaa qaba hadii ay sii socoto jaridda dhirta in ay keeni karto nabaad guur.

Ciidanka nabad sugida oo howlgalo lagu baacsanayo Al-Shabaab ka sameeyay gobolka Gedo

Ciidamada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa howlgalo lagu sugayo amniga waxay ka sameeyeen deegaano hoos taga degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo.

Howlgalada ayay ciidamada  si gaar ah kaga fuliyeen deegaanada Kamoroow Towsileey Qaniyaale iyo Deegaano Kale, halkaas oo ay maleeshiyada xoolo baad ah oo sakawaad ugu yeereen kaga uruursanayeen dadka deegaanadaas.

Maleeshiyadii Al-Shabaab ayaa goobta isaga cararay markii ay ka war heleen in ciidamada nabad sugida ku soo wajahan yihiin, kuwaas oo baxsadkood ciidamada ku daba jiraan.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalkan ayaa wacad ku maray in ay sii wadi doonaan baacsiga nabad-diidka soona qab qaban doonaan si cadaaladda loo marsiiyo.

Ciidamada Xoogga dalka oo guulo ka gaaray dagaalka Guriceel

Dagaalka Guriceel saakay ka qarxay ayaa haatan qaboobay, waxaana saacadihii lasoo dhaafay socday duqeyn xooggan oo ku socotay Jaamacadda oo ah halka ay ku hareen maleeshiyaadka taabacsan Ahlu-Sunna.

Madaxda Galmudug iyo Saraakiisha Ciidamada ayaa ugu dambeyn aqbalay in maleeshiyaadka Ahlu-Sunna ee lagu go’doomiyay qaybo ka mid Guriceel loo furo wado ay ku baxaan, isla markaana la siiyo fursad ay dhaawacyada ilaa shalay yaalay iyo meydka ku qaataan.

Labo saacadood ayaa la siiyay Sheekh Shaakir in uu Guriceel uga baxo, kadib dalabkiisa taasi oo ku eg lixda duhurnimo ee maanta.

Wasirka Ganacsiga XFS oo la kulmay ganacsatada Soomaaliyeed ee Turkiga

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Khaliif Cabdi Cumar oo maalmahii u dambeeyey hawlo shaqo u joogay dalka Turkey ga, ayaa  kulan is-xog-waraysi ah la qaatay ganacsatada Soomaalida ee ku dhaqan magaalooyinka Istanbul & Ankara.

Kulanka oo ay Wasiirka ku wehelinayeen Safiirka Soomaaliya ee Turkey-ga Amb. Jaamac Caydiid, U-qaybsanaha Ganacsiga ee Safaaradda Soomaaliya ee Turkey Mardiya Maxamed Cabdi iyo mas’uuliyiin kale, ayaa wuxu ganacsatada ka dhagaystay xog-waran guud oo ay ka siiyeen xaaladda ganacsatada Soomaalida ee dalka Turkey, cabashooyinka jira iyo weli ba dood ay ka yeesheen sida ugu habboon ee wax loogga qaban karo dhacdadii dhawaan ku dhacday ganacsatada Soomaalida ee Ankara.

Wasiir Khaliif Abdi Cumar oo halkaas hadal ka jeediyey, ayaa ugu horreyn boggaadiyey ganacsiyada waaweyn ee Soomaalidu ka samaysay dalka Turkey, waxaana uu sheegay in loo baahan yahay in ganacsatadu u midowdo danahooda si aanay mar kale ugu dhicin wax dhibbaato ah sidoo kale na ay ixtiraamaan sharciga u yaala dalkaasi.

Wasiirku, wuxu carabka ku dhuftay in ka Wasaarad ahaan ay si dhow u la socdaan xaaladda Ganacsatada Soomaaliyeed isla-mar-ahaantaana ay diyaar u yihiin inay wax ka qabtaan wixii dhibaato ah ee soo waajaha Ganacsatada isaga oo xusay in dhibbaatadii dhacday ay si toos ah uga la hadleen Madaxda dalka isla-mar-ahaantaana ay ka codsadeen in culaysyada laga dulqaado ganacsatada Soomaalida sidoo kale na loo fududeeyo ganacsiyada dalka.

Ra’iisal wasaare Rooble oo xil cusub u magacaabay Sareeyo Guud Bashiir Maxamed Jaamac

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed  Xuseen Rooble  ayaa wareegto uu soo saaray maanta oo ay taarrikhdu tahay 23//10/2021 ugu magacaabay Bashiir Maxamed Jaamac (Goobbe) Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib u dhiska, isagoo u rajeeyay in uu xilkiisa Eebbe u fududeeyo.

Sidoo kale, Sareeyo Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay Dowladihii kala duwanaa ee dalka soo maray.

Madaxweynaha Jubbaland oo daah-furay Adeeg daadajinta Dowladaha Hoose

Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa daah furay hanaanka Adeeg daadajinta Dowlada Hoose oo ay hirgalinayso Wasaarada arrimaha gudaha Federaalaynta iyo dib u heshiisinta Dowlad gobaleedka Jubaland.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa tilmaamay in barnaamijkan uu ahmiyad weyn u leeyahay bulshada loona baahan yahay inay u diyaar garooban sidii ay usoo dooran lahaayeen dadka matalaya taas oo ay garab socoto in hanaanka adeeg bixinta hoos loo dhaadhiciyo oo qof walba uu meesha uu joogo ku helo adeega Dowlada.

Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in hanaanka maamul ee dalku uu yahay mid heerar kala duwan ah, isagoo ka kooban Dowlada Federaalka ah Dowadaha xubnaha ka ah iyo Dowladaha hoose sidaasna hanaanka adeeg bixintu uu u yahay mid u baahan in lasii dhaadhiciyo oo is kabaya.

Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa faray Wasaarada arrimaha gudaha iyo deeqbixiyaasha barnaamijkan fulinaya inay soo dhisaan golayaasha deegaanka oo lagu bilaabayo Degmada ceelwaaq ee gobolka Gedo oo hada diyaar u ah iyadoo lagu xijin doono degmooyinka kale si shacabku ay usoo doortaan dadka matalaya oo ayna magacaabis ugu iman.

Ugu danbayntii Madaxweynaha Jubaland ayaa uga mahad celiyay Wasaarada arrimaha gudaha Federaalaynt iyo dib u heshiisinta shaqadii wanaagsanayd ee ay kasoo qabatay bilowga barnaamijkan taas oo ah mid bogaadin mudan.

 

Qaramada Midoobay oo walaac ka muujisay xaalada ka taagan gobalka Tigre

Qaramada Midoobay ayaa walaac xooggan ka muujisay xaaladda bani’aadanimo ee sii xumaaneysa ee ka jirta gobolka Tigre ee dalka Itoobiya kaddib markii ay sii xoogeysatay colaadda ku dhawaad muddada sanadka ah halkaasi ka socotay.

Qaramada Midoobay ayaa sheegayta in malaayiin qof oo reer Itoobiya ah ay halis ugu jiraan nafaqadarro, halka qaar kale oo badanna ay u baahan yihiin gargaar bani’aadamnimo oo deg deg ah.

Digniintan ayaa timid saacado uun kaddib markii mid ka mid ah diyaaradaha Qaramada Midoobay ay ku adkaatay in ay ku degto magaalada Mekelle oo ay ku khasbanaatay in ay si deg deg ah ugu laabato magaalda Addis Ababa, sababo la xiriira duqeymo dhanka cirka ah oo ciidamada dowladda ay ka wadeen qeybo ka mid ah magaaladaasi.

Dhacdadaasi kaddib, Qaramada Midoobey waxay joojisay gebi ahaanba duulimaadyadii ay ku tagi jirtay gobolkaasi Tigreeda ee ay colaadda la degtay.

Gemma Connell oo ka tirsan xafiiska arrimaha bani’aadamnimada ee Qaramada Midoobay ee OCHA, ayaa sawir xun ka bixisay xaaladda ka jirta gobolkaasi Tigre.

“Sida ay tahay maanta, waxaa waqooyiga Itoobiya ku nool ku dhawaad toddobo milyan oo qof oo aad ugu baahan gargaar bani’aadannimo. Waxaa ka mid ah in ka badan shan milyan oo qof oo ku nool gobolka Tigre, labada milyan ee kalena waxay ku kala qaybsan yihiin Amxaarada iyo Canfarta,” ayay tiri Gemma Connell.