Guddoomiyaha Guddida hirgelinta doorashooyinka oo gaaray Baydhabo

Gudoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) Mudane Maxamed Xasan Ciro iyo Xubno kale oo ka tirsan GHDHF ayaa gaadhay Magaalada Baydhabo ee xarunta Koonfur Galbeed soomaaliya.

Ujeedada safarka Guddoomiyaha ayaa ah u Gogol Xaadhidda iyo diyaarinta Arimaha farsamo ee Doorashada golaha shacabka oo dhawaan la filayo inay ka bilaabmaan halkaasi.

Madaxweyne QoorQoor oo ka hadli doono Xaaladihii ugu dambeeyey Guriceel iyo mowqifka Galmudug.

Madaxweynaha Maamul Gobaleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor ayaa la filaya in goor dhaw ka hadlo Xaaladda Degmada Gurceel iyo mowqifka Galmudug ee ku aadan dagaallada kasoo cusboonaaday degmada Guriceel ee ka tirsan gobolka Galgaduud kana tirsan maamul goboleedka Galmudug.

Madaxweyne QoorQoor ayaaa loo malaynayaa inuu hadalkiisa diiradda kusaari doono waxyaabo badan oo ku saabsan xaaladaha waqtigan ka jira Galmudugta uu Madaxweynaha ka yahay oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka dhacayeen dagaallo  u dhexeeya Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulgoboleedka Galmudug oo isku dhinac ah iyo maleeshiyaad taabacsan Ahlusunna waljamaaca.

Hogaamiyaasha Ruushka iyo Britain oo khadka taleefoonka ku wada hadlay ka hor shirka G20.

Madaxweynaha Ruushka iyo Ra’iisul wasaaraha Britain ayaa kawada hadlay arrimaha isbeddelka cimilada, xaaladda Afgaanistaan ​​iyo dib u soo celinta Qorshaha Wadajirka ah ee Waxqabadka (JCPOA), oo loo yaqaan heshiiska Nukliyeerka Iran.

Johnson wuxuu ogolaaday in “Xiriirka UK uu hadda la leeyahay Ruushka uusan ahayn midka aan dooneyno,” isagoo tilmaamay “dhibaatooyin muhiim ah oo laba geesood ah,” oo ay ku jiraan sunta lagu eedeeyay Salisbury 2018 ee basaaskii hore ee Ruushka Sergei Skripal iyo gabadhiisa Yulia iyo kala duwanaanshaha Ukraine .

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in xubnaha joogtada ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo dalalka waaweyn ee dhaqaalaha adduunka oo leh taariikh dheer, oo wadaag ah, UK iyo Ruushka ay mas’uuliyad ka saaran tahay inay iska kaashadaan wax ka qabashada caqabadaha la wadaago sida isbedelka cimilada iyo ilaalinta heshiisyada caalamiga ah sida Iran. heshiiska nukliyeerka.

Dil ka dhacay Maraykanka oo sababay Dhimasho iyo Dhaawac

Inta la xaqiijiyey labo qof ayaa ku dhimatay afar kalena dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib toogasho ka dhacday Suuq Ganacsi oo ku yaal Gobolka Idaho ee dalka Maraykanka.

Sida wararku ay sheegayaan, dadka dhaawaca soo gaaray waxaa ka mid ah Sarkaal Booliis ah.

Barasaabka Gobolka Idaho Brad Little ayaa sheegay in Gobolku uu diyaar u yahay in uu booliiska Boise ka caawiyo baaritaanka toogashada.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka oo kulan laqaatay Madaxweynaha Puntland

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Aadam Cabdinaasir iyo wafdi uu Hoggaaminayo ayaa waxaa ay kulan la qaateen Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni.

Wafdigaan waxaa ay ka mid yihiin kor-joogayaasha Doorashada Qof iyo Cod ee Golaha deegaanka ee Maanta ka dhacaysa saddex degmo oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Puntland.

Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullahu Deni ayaa Madaxda Wasaaradda Ugu Mahadceliyay Doorka ay ka qaateen Dhismayaasha Golayaasha Degaanka Dalka.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo bogaadiyay doorashada golaha degaanka dowlad-goboleedka Puntland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa bulshada, hoggaanka dowlad-goboleedka Puntland iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay doorashada golaha deegaanka ee ka bilaabatay Qardho, Eyl iyo Ufeyn.

“Waa tallaabo taariikhi ah, ku dayasho mudan, muhiimna u ah hannaanka dimoqraadiyadda iyo maamul daadejinta dalkeenna. Waxaan rajeynayaa in doorashadu ku soo dhammaato si nabdoon oo hufan”

Shacabka kunool Saddexda degmo ayaa Codkooda dhiibtay, si ay u doorteen Golaha degaanka degmooyinkaas oo ka kala socda 8 Urur siyaasadeed ee kajira degaannada Puntland.

Magaalada Cadaado oo maanta laga dukaday Salaad Roob doon ah

Maamulka Degmada Cadaado,Ardeyda Iskuulada iyo kuwa Dugsi Qur’aanka Culum udiiynka Dhallinyarada, Haweenka, Wax garadka,Aqoon yahanada ayaa maanta iskugu soo baxay magaalada Cadaado.Si ay ugu dukadaan Salaada Roob-doon oo ah mid Suna ah.

Waxay  ku dukadeeyn Masjidka Tabliiqa ee Magalada Cadaado.Qaar ka mid ah Culumadii ka qayb gashay Saalada Roob-doonta ah ayaa qaybaha kala duwan ee Bulshada Cadaado ka dalbaday Iney Is Cafiyaan si wada jir ahna Allaah looga baryo in uu noo dambi dhaafo  Raxmadiisa ugu Deeqo.

Guddoomiyaha Degmada Cadaado Cabdullahi Cabdi Raxmaan “Tootoole” oo ka hadlay isku so baxaan Roob-doonka ah “waxaa loo baahanyahay in si niyad ah leesku  Cafiyo si Alle Raxmadiisa loo helo” ayuu yiri: Guddoomiyaha Cabdullahi Cabdi Raxmaan .

Hadal heynta ugu badan ee maalmihii ugu dambeeyay magaalada Cadaado Iyo
degaanada ku xeeran ayaa aheyd Kuleylka ay dadaka si isku mid ah u dareemeen.

Jaamacadda Carabta oo Suudaan ugu baaqday in xiisadda taagan lagu xalliyo wada hadal

Xoghayaha guud ee ururka Jaamacadda Carabta, Axmed Abul Geyt, ayaa walaac xooggan ka muujiyay arrimaha ka socda  dalka Suudaan, wuxuuna ugu baaqay dhammaan dhinacyada Suudaan inay u hoggaansamaan heshiskii  la saxiixay sannadkii 2019-ka.

Xoghayaha ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in reer Suudaan helaan xasilooni iyo nabad, taas oo lagu gaari karo in loo hoggaansamo heshiisyadii hore loo wada galay.

Waxa uu sidoo kale ugu baaqay siyaasiyiinta iyo ciidanka Suudaan in khilaaf kasta oo jiro lagu xalliyo wada hadal si dalka looga saaro xaaladda kumeel gaarka ah.

Ciidanka Suudaan ayaa aroornimadii saakay sameeyay afgenbi, waxaana la xiray ra’iisal wasaarihii dalkaaas iyo dhowr wasir oo kale.

Wasiirka arrimaha dibadda Suudaan Maryan Al-saadiq Al-mahdi ayaa sheegtay in shacabka Suudaan aysan raali ka ahayn afgenbi kana hor tegi doonaan.

Wasaaradda Gargaarka oo qabatay kulan looga hadlaayey xaalada bini’aadanimo ee gobolada qaar.

Wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa kulan deg deg ah ka yeeshay xaaladda bini’aadanimo ee ka jirta qaar ka mid ah gobollada dalka, gaar ahaan Jubbooyinka, Gedo, Mudug iyo Galgaduud.
Wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka XFS Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa shir guddoomisay kulankaas, waxaana laga soo saaray war-saxaafadeedkaan.

Ciidamada ammaanka Suudaan oo xiray R/Wasaaraha iyo xubno kale oo muhim ah

Ciidamada ammaanka ee Suudaan ayaa xiray dhowr xubnood  oo ka tirsan hoggaanka rayidka ah ee dalkaasi.iyagoo sidoo kale xabsi guri galiyay ra’iisul wasaare Abdallah Hamdok, sida uu baahiyay TV-ga Al-Hadath.

Ciidamada ammaanka ayaa la sheegay in ra’iisul wasaare Cabdalla Xamduuk ay u kaxeysteen meel aan la garanayn ka dib markii uu diiday inuu soo saaro bayaan uu ku taageerayo afgambigii dhacay.

Qabqabashada madaxdaan oo  dhacday kahor waaberigii saaka,ayaa warku imtaa ku daray in dadka la xiray ay ku jiraan wasiirka warshadaha Ibrahim al-Sheikh, wasiirka warfaafinta Xamza Baloul, iyo la taliyaha ra’iisul wasaaraha, Faysal Maxamed Saalax.

Af-hayeenka golaha madaxbannaanida ee Suudaan, Mohammed al-Fiky Suliman, iyo barasaabka caasimadda Suudaan, Ayman Khalid, ayaa sidoo kale la xiray.

Militarigu ayaa  xiray dhammaan waddooyinka soo gala magaalada Khartoum,iyadoo sidoo kale la xadiday isgaarsiinta dalka Suudaan

Suudaan ayaa ku jirtay xaalad  deganaan la’aan ah tan iyo markii uu dhacay afgambigii dhicisoobay ee bishii hore waxaana muuqata khilaaf u dhexeeyay milatariga iyo kooxaha rayidka ah,kaas oo la xiriiray hab  qaybsiga awoodda dalka,kaddib markii uu meesha ka baxay Cumar Al-Bashiir  oo ahaa hoggaamiyihii ugu muddada dheeraa.