Dil ka dhacay Maraykanka oo sababay Dhimasho iyo Dhaawac

Inta la xaqiijiyey labo qof ayaa ku dhimatay afar kalena dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib toogasho ka dhacday Suuq Ganacsi oo ku yaal Gobolka Idaho ee dalka Maraykanka.

Sida wararku ay sheegayaan, dadka dhaawaca soo gaaray waxaa ka mid ah Sarkaal Booliis ah.

Barasaabka Gobolka Idaho Brad Little ayaa sheegay in Gobolku uu diyaar u yahay in uu booliiska Boise ka caawiyo baaritaanka toogashada.