Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka oo kulan laqaatay Madaxweynaha Puntland

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Aadam Cabdinaasir iyo wafdi uu Hoggaaminayo ayaa waxaa ay kulan la qaateen Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni.

Wafdigaan waxaa ay ka mid yihiin kor-joogayaasha Doorashada Qof iyo Cod ee Golaha deegaanka ee Maanta ka dhacaysa saddex degmo oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Puntland.

Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullahu Deni ayaa Madaxda Wasaaradda Ugu Mahadceliyay Doorka ay ka qaateen Dhismayaasha Golayaasha Degaanka Dalka.